Faa’idooyinka Lawska Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Uu La Dagaallamo

faaidooyinka lawska

Lawsku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka ugu caafimaadka badan, waa cunno nafaqo ahaan hodan ah, waxaa ku jira barootiinno, faybar iyo inta badan faytamiinnada iyo macdanaha uu jidhku u baahan yahay.

Lawsku waa mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee laga helo dufanka omega3 oo faaido u leh jidhka iyo maskaxda.

Hadaba Daryeel Magazine wuxuu halkaan ku xusayaa 9 faa’ido oo lawska laga helo kuwaas oo tijaabooyin iyo cilmibaadhisyo lagu hubiyay.

Wadnaha:

Waxaa lawska ku jira Faytamiinno tiro badan oo ilaaliya caafimaadka wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga. Cilmi baadhis la sameeyay waxaa lagu arkay in cunista lawsku ay hoos u dhigto subagga xididada fadhiista kaas oo keena xanuunnada wadne-qabadka iyo dhan-qalalka.

Kansarka:

Lawska waxaa Alle ku abuuray maado ka hortagta kansarka khaasatan kansarka ku dhaca mindhirrada waa wayn.

Tamar siinta:

Lawsku waa cunno fudud oo laga helo tamar iyo awood nafaqo. Cunista cantoobo laws ah subaxdii waxay qofka siinaysaa tamar ku filan saacado badan.

Maskaxda:

Lawsku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaanno “brain food” ee sare u qaada shaqada maskaxda iyo xasuusta. Waxaa ku badan dufanka omega 3, faytamiin E, iyo faytamiinnada B. Waxa uu wanaajiyaa shaqada maskaxda wuxuuna ka hortagaa cudurka xasuusta lumiya ee loo yaqaanno “Alzaymar”.

Maqaarka:

Lawska waxa uu hodan ku yahay faytamiin E iyo dufanka omega 3 oo muhiim u ah caafimaadka maqaarka jidhka. Cunista lawsku waxay sare uu qaadaa dhalaalka dabiiciga ah ee maqaarka waxayna yaraysaa calaamadaha gabowga maadaama uu lawsku boqolkiiba 25 ka koobanyahay barootiinno dib u cusboonaysiiya Nudeyaasha jidhka, iyo nafaqooyin kale oo aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin folic acid, manganese iyo niacin.

Awood siinta ragga:

Lawsku wuxuu wanaajiyaa tayada shahwada, wuxuuna ka mid yahay cunnooyinka uroon awood siinta ragga.

Koriimada caruurta:

Lawska waxaa ka buuxa barootiinno, wuxuu u fiican yahay koriimada lafaha iyo murqaha ee caruurta waana sababta loogu dardaarmo in caruurta la siiyo laws la shiiday.

Haweenka uurka leh:

Haweenka uurka leh waxaa loo qoraa dawo la yidhaahdo “Folic Acid”, taas oo caawisa korriimada uurjiifka, kana hortagta inuu cillad ku dhasho, sidaas darteed lawska waxaa ku badan maadada “Folic acid”, waxaana lagula dardaarmaa hooyooyinka uurka leh inay cunaan lawska si ay u helaan faytamiinno ku filan koriimada uurjiifka.

Hurdada:

Waxaa lawska ku jira asiidhka amiino ee loo yaqaanno “tiribtofaan” oo soo saara hormoonka “Serotonin” kaas oo dhiirrigeliya hurdada, jidhkana ka ilaaliya diiqada iyo niyad jabka.

Waxaa kale oo uu “tiribtofaan” ka qayb qaataa soo saarista hormoonka “melatonin” oo dadka qaar ay ku tilmaamaan “hormoonka hurdada” kaas oo door wayn ka qaata nidaaminta heerarka iyo wareegga hurdada aadamaha. Maadada magnesium ee laga helo lawska waxay dejisaa murqaha. Lawska oo si joogto ah loo cuno waxay wanaajisaa tayada hurdada.

Digniin: Haddii aad xasaasiyad ku qabto lawska, ka dheeroow isticmaalkiisa.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *