Dhirta U Fiican Gubista Dufanka Jidhka, Miisaankana Dhima

Miisaan dhimista waxa ay ka mid tahay arrimaha dunidan casriga ah loogu hadal haynta badan yahay, maadaama oo hab-nololeed iyo dabeecadda shaqada ee is beddelay ay sabab u noqdeen in uu aad u kordho miisaanka dadku. Dadka badankooda waa ay ku adagtahay in ay miisaanka u dhimaan qaabka hadda ee jimicsiga iyo hawlaha joogtada ah iyo wax ka beddelka cuntadu ka mid yihiin, waxa se la isku raacsan yahay in cuntada oo wax laga beddelo iyo jimicsiga oo la joogteeyaa ay yihiin xalka ugu fiican.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa noocyo ka mid ah cuntooyinka oo ay khubaradu sheegeen in ay ka qayb qaataan miisaan dhimista, gaar ahaan gubista dufanka jidhka ku urursan iyo yaraynta naqaska caloosha.

Shaaha cagaaran:

Daraasado lagu sameeyey Maraykanka ayaa daahfuray in qofka caadaysta in uu muddo 3 bilood ah maalin kasta cabbo 690 miligiraam oo shaaha cagaaran ah, uu miisaan badani ka dhacayo.

Shaaha cagaarani waxa uu jidhka ka saaraa sunta cuntada ka dhalata, waxa uu burburiyaa dufanka urura, waxa uu badiyaa kaadida waxa aanu aad u caawiyaa dheefshiidka.

Qorafalka:

Qorafalka ama qorfuhu oo ka mid ah dhirta udugga cuntada loo isticmaalo ayaa marka taariikhdiisa dib loo raaco ka mid ah cuntooyinka dawada ahaa muddo qarniyo ah. waxa ay khubarada baadhay sheegeen in Qorafalku uu qayb weyn ka qaato dhimista miisaanka, in uu hoos u dhigo macaanka dhiigga raaca, in uu si dhaqso ah u gubo sonkorta iyo in uu dufanka burburiyo. Qaabka loo isticmaalayaana waa in biyo lagu kariyo, kadibna subaxda hore, cuntada ka hor la cabbo ama habeenkii marka la sii seexanayo la cabbo.

Sinjibiisha:

Sinjibiisha oo iyaduna ka mid ah dawo dhireedda taariikhda fog leh ayaa la aaminsan yahay in ay wax ka tarto cudurro badan iyo in ay si aad ah hoos ugu dhinto miisaanka.

Qaabka loo isticmaali karaana waa in iyada oo budo ah cuntada lagu darsado ama in biyo lagu milo oo la cabbo.

KAMAAL MARJAAN

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *