Hal Sheeko Iyo Afar Cashar

sheeko, cashar, qiso

Ninbaa beri waayey faash uu lahaa oo uu xaabada ku soo guran jiray, nin jaarkiisa ahaa ayaa uu ka shakiyey in uu isagu xaday, kaddib waxa uu bilaabay in uu si gaar ah ugu fiirsado, si uu u helo caddaymo ku maragfura tuugadaas. Muddo ayaa uu ninkaas ku daba jiray, waxa se yaab lahayd in muddadaasba ‘hadalka iyo dhaqdhaqaaqa ninkaas, iyo habdhaqanka uu ku arko uu ka dareemayey tuugo iyo khiyaamo”

Isaga oo weli dabagalkii ku jira ayaa uu maalintii dambe si kedis ah faashkii uga helay gurigiisa gudihiisa, ‘Wiil uu dhalay oo yar ayaa halkuu ku ogaa ka qaaday, kaddib Xamaam iyo qashin ayaa dusha ka fuulay oo ka qariyey’.

Aad buu uga xumaaday tuhunka uu muddo u qabay jaarkiisa, waxa se ka yaabiyey maalintaas kaddib, ‘hadalka, socodka, dhaqanka, dhaqdhaqaaqa iyo hab macaamilka ninkii jaarku in uu noqday mid muujinaya berinnimo, daacadnimo iyo wanaag”

Waa xikmad ina baraysa in waxa uurkaaga ku jiraa uu saamayn ku leeyahay waxa ay indhahaagu arkayaan, sidaas awgeed ay muhiim tahay, arrimaha iyo qofafka aynu qiimaynayno in aynaan eegin innaga oo marka horeba fikir ka sii qabna.

Casharrada sheekadan laga baranayo waxaa ka mid ah:

CASHARKA KOOWAAD

Dareenkeenna ayaa xukuma aragtida aynu nolosha ka qaadanayno – ku dadaal in aanad adduunyada ku arag qalbigaaga, balse aad ku aragto caqligaaga.

CASHARKA LABAAD:

Ogow in marar badan ismoodsiiskeenna iyo wax aynu maskaxdeenna ka dhaadhicinnay ay innagu noqdaan xadhig iyo teed innaga joojiya guusha iyo gaadhista yoolasheenna. U fiirso caqabadaha nololeed ee ku haysta, waxa aad arki in badankeedu uu yahay uun sabab adiga kaa timid. Ku dadaal in aanad dhibbane u noqon dhibaato aad adigu uun is moodsiisay jiritaankeeda.

CASHARKA SADDEXAAD

Bani’aadamku marka uu arrin xukun ka gaadho ama aamino, inta uu isku dayo in uu dadka kale u sharraxo xaqiiqada arrintaas iyo waxa uu u cuskanayo jiritaankeeda, waxaa ka badan inta uu isagu is sharraxo, kana sheekeeyo xaqiiqadiisa iyo jiritaankiisa qofeed.

Ceebta bani’aadamku waa in aragtidiisa iyo mabda’iisa uu ku dhiso aaminsanaantiisa iyo, qiyamkiisa. Waana sababta keenaysa in qadiyad keliya oo aan laba noqon karin, haddana ay dadku ku kala aragti duwanaadaan.

CASHARKA AFARAAD

In aad dadka oo dhan ka aaminto beri, samafalayaal iyo dad dahab wada ahi waa kalsooni baadi kugu hagaysa iyo aragti gaabni kaa haysata nolosha, maalinta ay sidaas noqon waayaanna qalbi jab noloshaada dilaa ku haleelayo. In aad dadka oo dhan dhanka xun ka aragto; dhagarqabeyaal, sharwadayaal iyo dad liitaana waa xumaan iyo hallow noloshaada luminaya.

Kamaal Marjaan

-Alwatan Qatar

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *