Hal-abuur Ganacsi La Imow Ama Suuqa Ka Bax: Sida Hal-Abuur La’aantu Ay Ganacsiga Guuldarro Ugu Horseedo

In-badan asbuuca kowaad ee sannadka cusub, waxay diiraddu ii saarnayd mawduuca ah “Diyaargarow ganacsi”, markii aan gudo-galnay 2019-ka waan bilaabay. Waa murugo in 2018-kii ahaa sanad ganacsiyo badani ay suuqa ka baxeen. Waxaan si adag u aaminsanahay in haddii hawlwadeennada ganacsiyadaasi ay fahmi lahaayeen ahmiyadda hal-abuurka ganacsi iyo bulaalintiisa; ama ba ay doonta hal-abuurka soo fuuli lahaayeen, suuqa kamay bexeen ee maantay macaashi lahaayeen.

Waxaan dhammaanteen maqalnay maahmaahda oranaysa: “Ninkii seexdaa; sacii dibi dhalay”. Nuxur ahaan, inaad iska seexataa waa mid ka dhigan inaad tahay qof aanan ku qanacsanayn heerka uu joogo ama macangag ah oo ma ahid nin doonaya inuu beddelo qaab-fekerkiisa. Labo arrimood mid uun baa u sabab ah: adigoo u haysta inuu ganacsigaagu ku jiro baraare ama adigoo ka welweli waxa ka dhallan-kara haddii aad wax ka beddesho. Tusaale ahaan, waxaa halis kugu ah inaadan haysan wixii kugu dirqin lahaa in aad isbeddel samayso, kuwa kalena ay la gole-yimaadaan hal-abuur ganacsi, dabeedna fadhiidnimadaada awgeed hayjad cidlo ah lagaaga tago. Iska yuubnaanta bilaa arrinka ahi khasaare weyn ayey ku dhigi, waayo waxaad waayaysaa faa’iidooyinka fikradaha ugub ee casriga ah.

Si-kooban, iyadoo ay jaalkaa horay tallaabooyin wax-ku-ool ah u qaadayaan haddii hal-abuur ganacsi oo macna leh aadan la imaan, waxaad ku dambayn meel daran iyo reera muskood. Si-kastaba, arrintaani waxay saamayn weyn ku yeelatay nolol maalmeedka aadanaha, gaar ahaan caalamka baayacmushtarka.

Guul-darrada ah inaad hindise san iyo hal-abuur wacan la iman weydo fagaarayaasha ganacsiga waa mid kuu horseedi karta in adigoo dhutinaya lagaa tago, xilli facaa ay biibeen, maadaamay go’aansadeen inay ganacsigooda horumariyaan. Tani waa mid ahmiyad gaar ah ka leh dunida casriga ah, sababtoo ah waxaa horumar weyn laga sameeyey dhanka tiknoolijiyada. Aragti ahaantayda, indho-adayg iyo qardajeex weeye ganacsigu haddii uu bilaa hal-abuur noqdo.

Si-kasta ba, shirkado ayaa ku guuldarraystay hal-abuur la’aan in ay horay u dhaqaaqaan, kuwaa oo ugu dambayntii ka soo hoobtay sallaanka halkii u sarreysay.

Si aan u fahamno hal-abuur la’aan darteed siday shafka dhulka ugu dhufsadeen shirkado suuqa hoggaamin jirey.

Shirkadda Blockbuster Entertainment Inc ?loona garan ogyahay Blockbuster?waa shirkad ayaan-darrada burburkeeda ay keentay iyadoo ku guul-darraysatay inay hal-abuur ganacsi la timaado. Blockbuster waxay bixin jirtay Gaymam iyo Aflaam xaafadaha lagu daawado oo kiro ah.
Sagaashameeyada qarnigii tegey shirkaddu waxay caan ka ahayd gudaha Maraylanka iyo guud ahaan caalamkoo idil. Waa mid cad sababta shirkadda Blockbuster la istareexaysay guulo badan oo ay gaartay, Waxay dadka u sahashay inay helaan gaymis iyo aflaam ay aad ugu baahnaayeen.

Laakiin markii adduunku u janjeersaday dhanka tiknoolojiyadda Blockbuster way ku guul-darraystay inay la jaanqaado. Bal’e maamulkeedu waxay sii wadeen adeeggii dukaannada loogu imanayey, taasoo ay sababtay dhowr arrimood oo dad badan ula muuqan kara nacasnimo.

Blockbuster waxay aaminsanayd?sida xogtoodu xustay?in dadku jeclaayeen iyo xitaa ay ku doodeen in ay doorbidayeen inay booqdaan dukaamada.Blockbuster. Dabadeed shirkaddu waxay dareemaysay in macaamiishu ku raaxaysanayaan tegitaanka dukaamadeeda iyo in la furo oo loo tijaabiyo Aflaamta iyo Gaymiska kahor inta ayan kiraysan.

Intaas waxaa dheer oo ay Blockbuster u haysatay in macaamiishu ay ku raacaysanaayeen booqashada dukaamada maadama ay suurtogal tahay in ay kula kulmi karaan qof deris ah ama ba cid ay is-garanayaan.

Aniga aragtidayda, madax-adaygooda u diidey xogtooda in ay ka dhigaan mid danabaysan waa wax lagu qoslo, waxayna ka sii qosol badan tahay marka la eego sababaha go’aankooda ay ku saleeyeen.

Shirkadda Neflix ayaa indhahoodoo shan ah cirka isku-shareertay, oo weliba intay dhaaftay soo jiidatay malaayiin macaamiil ah kuwaas oo rabay inay aflaamta ka daawadaan aaladahooda iyagoo guryahooda jooga.

Haddii si kooban loo dhaho, asal-raacnimadii shirkadda Blockbuster ku kalliftay in ay iska dhaafto inay horumariso istaraatiijiyaddeeda iibka ayaa u horseedday inay suuqa ka baxdo.

Tusaale kale shirkad ku guuldarraysatay inay halabuur ganacsi la timaaddo waa Toys R Us.Waa mid aan ku doodi karo inay ahayd meelaha ugu wanaagsan ee ay caruurnimadaydii ahayd inaan booqdo. Waayo, waxaa laga heli jirey waxyaabo badan ooy carruurtu ku dheelaan. Dhabtii booqashada dukaamada Toys R Us waayo-aragnimo cajiib ah bay u ahayd carruur badan oo caalamka jooga.

Sannadihii u dambeeyey waxaa yaraaday dadka qaangaarka ah ee carruurta ay wax wadaagaan u iibin jirey alaabaha ay ku cayaaraan. Laakiin Internetka ayaa noqday mid helistiisu badatay, dabadeed dadkii baa go’aansaday inay iska dhaafaan tegista dukaamada. Beddelkeedna si ay waqtigooda u dhowrtaan, isla-markaana uga baaqsadaan booqashada dukaamada door-biday inay alaabta ka gataan mareegaha wax lagu iibiyo ee online-ka ah.

Toys R Us, ma aysan jeclaysan fikradda ah inay iska dhaafaan dukaamadooda tooska ah. Asal ahaanna, sida laga soo xigtay Gary Vaynerchuk, Toys R Us ma ayan rumaysnayn in internetku uu macne buuran ku fadhiyo, sidaas awgeed wax-kasta ooy ku gadayso mareegaha internetka waxay u wakiilatay shirkadda Amazon.

Goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen ayey maamulkeedu fahmeen in ay go’aan liita qaateen, maxaa yeelay waxay shacbiyad iyo macaamiil aan caadi ahayn u soo jiideen shirkadaha internetka wax ku iibiya sida, Amazon iyo Ebay.

Shirkadahaan ayaa ka fogaada in qofku waqti ku lumiyo inuu bakhaarka booqdo oo alaab ka soo iibsado. Sidoo kale waxay iibiyeen alaabaha carruurtu ku ciyaarto oo badan, qiime ahaanna ka jaban inta ay gadayeen bakhaarrada Toys R Us. Sababahaa ayaa ku keenay in waaxda iibka ee shirkadda Toys R Us ay wajahdo xaalad adag oo ugu dambayn gayeysiisay in ay burburto Sep, 2017-kii.

Gabagabadii, waa inaan xasuusano in labada shirkaddood ee Toys R Us iyo Blockbuster ay ahaayeen shirkado waaweyn oo baraare iyo guul badan hantay, laakiin ku guuldarraystay in ay la yimaadaa hal-abuur ganacsi iyo horumarin casri ah. Dadka ayaa noqday kuwo ku tiirsan habab sababay booqasho yari iyo labo shirkadood een kor ku xusnay oo aan la jaanqaadin isbeddelkii suuqa. Fikirkooda iyo ficilkoodu siduu doono ha ahaadee waxaa la yaab dadka ku noqday iyagoo ku adkaystay sii joogtaynta istaraatijjiyadahoodii laga guuray, isla-markaana iska diiday dhaqangalinta hab casri ah. Sidaas darteed waa wax adag in la fahmo waxa labada shirkadood gayeysiiyey inay sidaas u fekeraan.

Sidaas awgeed, cashar ha u noqoto shirkadaha waaweyn ee hiigsanaya mustaqbal ifaya. Nolosha ayaa mid sahlan kuu noqon haddii aad hal-abuur ganacsi la timaaddid adigoo tixgelinaya dalabaadka dadka kaaga imaan.

Madax-adayga hal-abuur la’aanta ayaa shirkado shafka dhulka ugu dhuftay ee iska jir yuusan shirkaddaada burburin e.

W/Q: Bianca Miller Cole
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Tixraaca maqaalka ah: https://www.forbes.com/sites/biancamillercole/2019/01/10/innovate-or-die-how-a-lack-of-innovation-can-cause-business-failure/

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *