Suuska Ilkaha Ama Bololka Iyo Sida Looga Hortegi Karo

Suuska ilkaha waa dhaawac ama burbur soo gaara ilkaha, bololka ilkuhu wuxuu bilowdaa marka jeermiska afku uu bilaabo inuu sameeyo aashito dhaawacaysa illiga.

Dalool ayaa ku samaysmi kara illiga, hadii aan si dhakhso ah looga hortagina daloolkaas wuxuu sababi karaa xanuun, caabuq iyo ilka burbur.

Ilkuhu waxay leeyihiin saddex lakab.

  • Lakab sare oo adag oo loo yaqaan enemel.
  • Lakab dhexe oo loo yaqaan dentin.
  • Iyo qaybta dhexe ee iligga oo loo yaqaan pulp. Qaybtaan waxay ka kooban tahay neerfayaal iyo xiddido yar yar oo dhiiga siiya iligga.

Hadaba hadii lakabyo badan uu saameeyo dhaawaca ama daloolka illiga soo gaaray, khatarta ka imaan karta way siyaadaysaa.

Maxaa sababa suuska ilkaha?

Ilka bololku waa xaalad iska caadi ah, inta badana ku dhacda dadka badankiisa. Waa xaalada labaad ee ugu soo laabashada badan, marka laga reebo durayga ama hargabka oo ah xaalada koowaad ee qof walba saamaysa. Ilka bololku wuxuu badanaa ku dhacaa caruurta iyo dhalinyarada yar yar, laakiin wuxuu ku dhici karaa qof walba.

Caadiyan waxaa jirta nooc bakteeriya ah oo laga helo afkeena. Geermiskaas wuxuu badalaa cuntada aan cunno, khaas ahaan cuntooyinka sonkorta ka kooban.

Hadaba marka ay kulmaan bakteeriya, haraaga cuntada ee ilkaha dhexdooda ku harta iyo candhuufta, marka intaas oo shay isku tagaan waxay sameeyaan huuro oo ah shay isku dhag dhagaya.

Huuradu waxay ku dhagtaa ilkaha. Khaas ahaan waxay si adag ugu dhagtaa gaws danbeedyada ama gawsaha gadaale, waxayna kaga dhagtaa halka ciridka iyo gawsku iska galaan iyo darbiyada ama dhinacyada daloolka.

Huurada oo aan afka laga nadiifin mudo badan waxay keentaa nadaafad daro, khaas ahaan waxay sababtaa waxa loo yaqaan daamur ilkeed, oo ka kooban shay adag oo ku dhagaya halka ciridka iyo iligu iska galaan. Daamur ilkeedka iyo huuradu labaduba waxay sababaan caabuq ku dhaca cirridka iyo ilkaha laftirkooda.

Maxaa kamid ah waxyaalaha siyaadin kara ilka bololka?

  • Caday la aanta iyo ilkaha oo aan si joogto ah loo nadiifin
  • Cunnista cunnooyinka sonkortu ku badan tahay
  • Isticmaal la aanta maadada fluoride, oo ah maado biyaha lagu daro, waxayna ka hortagtaa bololka ilkaha
  • Candhuufta oo kugu yar
  • Sigaar cabida
  • Dadka qaba cudurka sonkorowga

Astaamaha suuska ilkaha:

Ilka bololku badanaa malahan astaamo lagu yaqaan ilaa ilkuhu god yeeshaan ama caabuq ku dhaco ilkaha.

  • Ilkaha oo xanuuna
  • Dikaan ama xanuun ku dhaca ilkaha ayaa ah astaanta ugu badan ee lagu garto bololka ilkaha.
  • Cirridka oo barara khaas ah iliga caanuqu ku bilowday agagaarkiisa. Tani waxay noqon kartaa astaan lagu garto bololka ilkaha siiba noociisa ugu khatarta badan.
  • Afka oo soo ura.
  • Illiga oo madoobaad noqda.

Akhriso: Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Sidee looga hortagaa suuska ilkaha

Si joogta ah u nadiifi ilkahaaga

  • Cadayaso sadix jeer ama labo jeer maalin walba, khaas ahaan subixii markaad toostid iyo habeenkii markaa seexanaysid.
  • Isku day inaad sanad walba hal mar u tagtid dhakhtarka ilkaha si looga hortago ilka bololka.
  • Xasuusnow in ka hortaggu ka wanaagsan yahay dawaynta.
  • Ha cunin cunto markaad seexanaysid. Cuntada la cuno habeenkii marka la seexanayo waxay dhex gashaa ilkaha hadii lagu seexdana waxay sababtaa ilka bolol.
  • Iska yaree cuntooyinka sonkortu ku badan tahay, sonkortu waa cuntada bakteeriyadu ugu jeceshahay, sidaa daraadeed iska yaree cuntooyinka sonkorta badan.
  • Caruurta oo lagu siiyo caanaha masaasada xilliga ay jiifaan waxay keentaa in ilkaha cunugu bololaan.
  • Ka ilaali caruurta mac macaanka badan, isla markaasna ku tarbiyee ilmahaaga sida loo cadaydo.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *