Astaamaha Cudurka Jabtada (Gonorrhea) Iyo Sida Looga Hortegi Karo

Cudurka jabtada:

Waa infekshan ku faafa galmada . Ragga wuxuu ka saameeyaa tubooyinka kaadida, dumarkana wuxuu ka saameeyaa afaafka hore ee ilmo galeenka iyo tubooyinka kaadida, waxay kaloo saameyn kartaa malawadka, futada, cunaha, iyo xubnaha ku jira miskaha, waxay kaloo si dhif ah kusaameyn kartaa indhaha.

Cudurka jabtada ( gonorrhea) malahan wax dhibaato ah hadii si dhaqsa ah loo daweeyo, laakin hadii aan la daweyn wuxuu horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.

Cudurka jabtada wuxuu ku gudbaa galmada aan la iska xajin oo lagu sameeyo afka, xubinta taranka dumarka iyo futada, waxaa unugul cudurkaan dadka galmada badan la sameeya dad kala duwan, waxyaalaaha badin kara in qofku uu galmo badnaado waxaa ka mid ah isticmaalka maandooriya yaasha.

Astaamaha jabtada

Badanaa Qofka kama soo baxaan wax astaan ah ilaa inta laga gaarayo 14 cisho kadib xiliga uu la kulmay infekshanka, waxaana laga yaabaa dadka qaar ineysan kasoo bixin wax astaan ah, taasna waxay sahli kartaa inuu cudurka uu faafo, sababtoo ah qofka qaba kama warhaayo cudurka, waana marxalad cudurka uu ku siifaafi karo haduu qofku sameeyo galmo.

Astaamaha ay isku arki karaan ragga

  • Dareen gubasho ama mid xanuun xiliga kaadida
  • Kaadida oo badata
  • Malax katimaada ibta guska
  • guska oo barara ama guduudata/casaada
  • Xiniinyaha oo barara ama xanuuna
  • Cunaha oo si joogta ah u xanuuna

Astaamaha ay isku arki karaan dumarka

Dumarka badanaa kama soo muuqdaan wax astaan ah, hadiisa ay ka soo muuqatose waa astaama khafiif ah oo ay la wadaagaan arrimo kale, midaan ayaa ah mid cusleyn karta in la ogaado inuu yahay jabto ama infekshan kale, astaamaha kale waxaa ka mid ah

  • Dareen xanuun ama mid gubasho xilliga kaadida
  • Dheecaan kayimaada xubinta taranka
  • Dareenka in la kaadiyo oo bata
  • Cunaha oo xanuuna
  • Xanuun xilliga galmada
  • Xanuun daran ee qeybta hoose ee caloosha
  • Qandho

Hadii aan laga daween infekshanka jabtada, waxaa laga yaabaa inuu ku faafo dhiiga.

Dhibaatooyinka cudurka jabtada?

Dumarka ayaa uleh halis daba dheeraata oo ka soo gaarta infekshanka jabtada hadii aan laga daween, infekshan kaan wuxuu boog u yeelaa tubooyinka ugxanta dumarka qaada, boogtaas oo is hor istaagi karta in uur ay qaado mustaqbalka.

Infekshankaan wuxuu kaloo ku faafi karaa miskaha waxaana halkaas ka dhasha cudurka caabuqa ee miskaha, cudurkaan waa mid kadhigi kara dumarka mid dhalma la’aan ay la soo deristo. jabtadu waxay ugudbi kartaa uurjiifka xiliga dhalmada

Ragga waxaa soo gaari kara boog ku dhacda tubooyinka kaadida, waxay kaloo dhaawac soo gaarsiin kartaa qeybta hoose ee xubinta galmada.

Hadii xanuunka jabtada uu ugudubo dhiiga waxuu ragga iyo dumarkaba dareemaan xubno xanuun, dhaawac soo gaara wadnaha, iyo caabuq ka dhaca xuubka ku dahaaran maskaxda iyo xangulaha.

Daaweynta cudurka jabtada:

Antibiotics-ka casriga ah ayaa lagu daaweyn karaa jabtada. Waxaa aad muhiim ah in daawada laguu qoray aad dhamaysato. Waa inaadan galmo samayn inta si fiican laguu daaweynayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaaday. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arrintaanu suurtagal tahay.

Talo:

Waxaa muhiim ah inaad joojisid galmada xaaraanta ah, waayo waa mida ugu badan ee sababta infekshanka jabtada.

Waxaa muhiim ah inaad joojisid galmada xaaraanta ah, waayo waa mida ugu badan ee sababta infekshanka jabtada.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *