Sababaha Keena Burooyinka Xubnaha Taranka Iyo Habka Looga Hortegi Karo

Burooyinka kasoo baxa xubnaha taranku waa kuwo jilicsan waxaana sababa ama keena cudurada lagu kala qaado galmada, taasoo ay sababto fayruska loo yaqaano HPV . Waxay burooyinka keenaan xanuun, cun cun iyo xajiin. waxay burooyinkan si khaasa khatar ugu yihiin dumarka sababtoo ah qaar kamid ah Fayrusyada HPV ayaa waxay sababi karaan kansarka dumarka ee ku dhaca kansar ku dhaca afaafka hore ee ilmo-galeenka

Waa maxay astaamaha

Burooyinkan badanaa waa kuwo aad u yar yar oo aan lagu arki karin indhaha ilaa la isticmaalo qalabka wax soo dhaweeyo maahee, midabkoodu waa madaw khafiif ah ama cadaan khafiif ah, marka ugu horaysa ee ay burooyinkan soo baxayaan waa kuwo jilicsan oo khafiif ah.

Burooyinka xubnaha tarank ee ragga waxaa lagu arkaa meelahan;

  • Xubinta galmada ee ragga
  • Xiniinyaha korkooda
  • Maqaarka xiniinyaha ka hooseeya
  • Gudaha ama banaanka futada

Burooyinka xubnaha taranka ee dumarka waxaa lagu arkaa meelahan;

  • Gudaha xubinta galmada ee dumarka ama gudaha futada
  • Banaanka xubinta galmada dumarka ama futada banaankeeda
  • Afaafka hore ee ilmo-galeenka

Sidoo kale burooyinkan waxay kaloo kasoo bixi karaan bishimaha, afka, carabka, cunaha ama dalqada qofka sameeyay ama sameeya galmada afka.

Mararka qaarkood waxaa dhici karta in aadan arag burooyinkan balse waxay wali keeni karaan xanuun, cun cun, xajiin, kulayl, dhiig bax yar. Hadii ay burooyinkan ay fidaan waxay keeni karaan in xaaladu ay noqoto mid halis ah oo qofku dareemo xanuun saa’id ah.

Maxaa sababa burooyinka xubnaha taranka?

Sida dhakhaatiirta iyo khuburada caafimaadku isku raaceen waxaa la isla gartay in fayruska HPV uu 90% sababo burooyinka xubnaha taranka.

Sababta keentay in viruska HPV uu sababo xanuunkan ayaa ah,in ay  sahlan tahay in marka galmada la samaynayo lakala qaado fayruskaan taasoo fududaynaysa burooyinka xubnaha taranka.

Sidee looga hortagi karaa burooyinka xubnaha taranka?

Sababta kaliya ee looga hortagi karo Burooyinkan waa in la sameeyo tallaalka HPV ee loo yaqaano Gardasil. Tallaalkan wuxuu ragga iyo dumarka ka difaaci karaa inay qaadaan fayruska HPV kaasoo sababa burooyinka xubnaha taranka. Tallaalkan wuxuu sidoo kale ka difaaci karaa dumarka in uu ku dhaco noocyo kamid ah fayruska HPV kaasoo sababi kara kansarka dumarka ee ku dhaca afka hore ee ilma galeenka.

Waxaa kaloo jira nooc kale oo tallaal ah kaasoo la dhaho Cervarix talaalkan wuxuu dumarka ka difaaci karaa kansarka xubnaha taranka balse kama difaaci karo burooyinka xubnaha taranka.

Khuburada caafimaadku waxay ku taliyeen in la tallaalo wiilasha iyo gabdhaha yar yar markay jiraan 11-12 sano.

Sidoo kale ragga iyo dumarka jira ilaa 26 sano waxay ayaguna qaadan karaan tallaalka HPV. Balse waa in la tallaalaa dadkaan intaysan guursan.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *