10 Arrimood Oo Qosol Badan Oo Dumarka Ku Saabsan

waxaan halkaan idin kugu soo gudbinayaa qormo qosol badan oo ku saabsan mucjisaadka dumarka joogo caalamka aaynu ku nool
nahay.

Ragga iyo Dumarka Wey kala duwan yihiin hadana waxaa xaqiiqo ah inaanu midba midka kale la’aantiis noolaan Karin inta lagu sugan yahay aduunyadaan safarka laga wada yahay.
1 – Isku celcelis dumarka waxey cunaan oo aay liqaan rooseetada qiyaas ahaan 2 illaa 3 kiilo inta noloshooda aay marsadaan rooseetada.

2 – Dumarka wakhtigaan jiro waxey ugu yaraan 24-kii saac ee soo marto aay il jebiyaan ilaaa 3 mar raggana ayagaa ugu badan il jebinta u dhiganto baaqa.

3 – Dumarka waxey aad u aaminaan oo naftooda si sahal ah u siiyaan ruuxa hab siiyo oo laabta ku haayo ugu yaraan illaa 15 sekan.

4 – Dumarka ayaa hadey sun dhexda ku xirtaan kor u qaado raggana waxey kaga duwan yihiin in dumarka suunka dhexda sare ku xirtaan raggana aay hoos ku xirtaan suunka.

5 – Isku celcelis sanadkii 120 saacadood ayey dumarka isku eegaan muraayada waana dhif gabar nabad ku nool aan muraayad isku eegin maalintiiba labo jeer.

6 – Dumarka marka aay seygooda ku gutaan xaajada horay kama seexdaan oo weli waxey xiisaayeen in aay kusii nagaadaan laabta seygooda halka raga marka waajidka xaaskooda ka saran gutaan aay horay kasii hurdaan.

7 – Dumarka soomaaliyeed ee xiligaan jiro hadii la baaro boorsada aay wataan waxaa laga dhex helaa waxyaabaha la isku qurxiyo dhanka lacagta marka loo eegana boorsada waxa ugu badan eek u jiro waa lacagaha dhagaxda ah ee shilimaadka.

8 – Gabadha marka aay jaceyl sameyneyso waxey aad ugu walwashaa in aay qurux badnen halka ninka ragga ah uu ka fikiro inuusan aheyn mid caaqil ah.

9– Dumarku ma jeclo in dareenkooda aay usoo bandhigaan ninka waxey ka jeceyl yihiin in uu asaga ka akhristo indhaheeda wax walbo aay u baahan tahayna aay hesho ayadoo dhawaq sameynin.

10 – Dumarka qof soo gadaal socdo u yeero keliya qoorta ayey gadaal u leexiyaan halka ragga jirka oo dhan gadaal usoo wada jeestaan, taasna waxey la macno tahay qoorta dumarka iney ka jilicsan tahay qoorta ragga.

Intaasi ayaan kusoo koobeynaa tobankii qodob aan ugu talo galnay maanta inaan ku falanqeeyo isbadalka dumarka maanta jiro ay kaga duwan yihiin ragga, waxaa inoo xigi doono maalinta beri ah iyo 10 qodob oo ragga aay kaga duwan yihiin dumarka.

W/Q: Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *