Xaqiiqooyin Ku Saabsan Biyo Baxa Dumarka Ay Tahay Raggu Inay Fahmaan

Raggu aad u jecel yihiin Jirka dumarka laakiin way ku adag tahay inay fahmaan, raggu waa inay ka taxadaraan sida ay uga shaqaynayaan jirka haweeneyda iyo qancinteeda.

Galmo keliya ma ahan waxa ay haweeneydu u baahan tahay si ay u gaarto biyo baxa, ninka waxaa looga baahan yahay howlo kale oo badan.

Waxaa jira waxyaabo ku saabsan biyo baxa dumarka oo ay tahay raggu inay ogaadaan, waana waxyaabo aysan badankoodu ku baraarugsanayn. Taasina waxay sababtaa ay qancin kari waayaan dumarka. Si akhri xaqiiqooyinkaan ku saabsan biyo baxa dumarka:

Biyo baxu wuxuu baabi’iyaa xanuunka:

Galmada raaxada leh ee lammaanaha, waxay baabi’isaa xanuunka. Sida ay daraasadaadku tilmaamaayaan biyo baxa wuxuu kaxeeyaa noocyo kala duwan oo xanuun ah, sida xubno xanuunka loo yaqaanno “arthritis” iyo xanuunka qalliinka kadib. Sababta arrintaan ka dambeysanaa waa maadada kiimikaad ee “oxytocin” ee uu jirku soo daayo xilliga biyo baxa taas oo caawisa xanuun baabi’inta.

Dumarku ma wada lahan “G-Spot”

Raggu waxay u baahan yihiin inay raadiyaan barta loo yaqaanno “G-spot” ka, waa goob xasaasi ah oo ku taalla xagga hore derbiga ferjiga taasoo ay dumarku ka dareemaan kacsi badan, awoodna u leh inay biyo baxdo. Sida cilmi baaraayaashu ay sheegeen dumarku waxay ku kala duwan cabbirka G-spot-ka, tiro yar oo dumarka ka mid ahna maba lahan “G-spot” dhan.

Biyo baxu wuxuu damiyaa qeyb maskaxda dumarka ka mid ah:

Dumarku markay biyo baxayaan waxaa dama qayb maskaxda ka mid ah oo ku taalla aagga isha bidixda gadaasheeda ah, taas oo lagu magacaabo “lateral orbitofrontal cortex”

Mudada uu socdo biyo baxa dumarka:

Celceliska waqtiga uu socdo biyo baxa dumarku kama bato 20 il biriqsi. Murqaha ilmo galeenka, ferjiga, dabada iyo miskaha way isku soo uruuraan 0.80-kii il biriqsi oo kasta, taas oo caawisa go’aaminta celceliska waqtiga.

Biyo baxa haweentu wuxuu badanaa ku xiran yahay shucuurteeda. heerka stress-keeda iyo xiriirka lammanaaheeda, arrimahaas ayaa si wayn u saameeya inay gaarto heerka biyo baxa.

Weli maqashay 4-ta nooc ee biyo baxa?

Sida ay daraasaaadku tilmaamayaan, wuxuu biyo baxa u qaybsamaa afar nooc oo kala ah:

  • Biyo bax ka yimaada kacsiga kintirka
  • Biyo baxa siilka oo loo nisbeeyo G-spot-ka
  • Kan saddeexaad waa biyo bax isku jira oo loola jeedo in kintirka iyo siilkuba hal mar ay isla biyo baxaan.
  • Kan afaraadna oo ah biyo baxa labadaas xubnood ee aan soo sheegnay oo midba mar biyo baxo.

Ma ogtahay in 25% keliya ay ku biyo baxaan galmada?

Ma ogtahay in dumarka 25% keliya ayaa ku biyo baxaan galmada. Sidoo kale, ma ogtahay in dumarku ay dhowr jeer ku biyo bixi karaan galmada dhexdeeda?

Waxay shahwadu imaan kartaa iyadoo aan la kicin xubinta taranka:

Sida cilmi baarayaashu ay sheegeen, biyo baxa wuxuu ku imaan karaa shumis kaliya ama ibta naasaha oo la kiciyo.

Ma ogtahay in cillada biyo baxa dega dega ay ku dhacdo dumarka?

Cillada biyo baxa deg dega ah dumarkana way ku dhacdaa, taas oo macnaheedu tahay inay mararka qaarkood ku biyo baxaan muddo ka yar intii ay jeclaan lahaayeen.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *