Faa”idooyinka Miraha Qoondarka Iyo Saliida Laga Sameeyo

Miraha qoondarka (flax seeds) waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka badan. Waa il hodan ku ah barootiinta dhirta, maadooyinka liddiga ku ah hurka (anti-iflammatory), dufanka omega 3 iyo ganka loo yaqaanno “dietary fibre”.

Qoondarka waxaa badanaa dunida loo abuurtaa si saliid looga sameeyo, laakiin cunno ahaanna waa loo gadaa iyadoo laga sameeyay waxyaabo kala duwan.

Mirahaan waxaa kale oo loo yaqaannaa “linseeds”, waa la helaa iyagoo miro ah, iyagoo budo ah, saliid laga sameeyay, iyagoo kiniin ahaan u samaysan iyo weliba iyagoo bur ah. Faaidooyinka tirada badan ee mirahaan waxaa loo aaneeyaa ganka, maadada “lignans” iyo dufanka omega 3 ee ka buuxa.

Faaidooyinka caafimaad ee miraha qoondarka:

Hoos u dhigista kansarka:

Qoondarka waxaa ku jira maadada “lignans” taas oo ka kooban sunsaaraha iyo hormoonka “oestrogen” oo labuduba hoos u dhiga khatarta kansarka khaasattan kansarka ku dhaca naasaha, qanjirka borostaatada iyo xiidmaha.

Haweenka waxaa lagula taliyaa inay joogteeyaan cunista qoondarka gaar ahaan kuwa dhaxalka u leh kansarka naasaha si ay u yaraato khatartiisa.

Kor u qaadista caafimaadka wadnaha:

Qoondarka waxaa ka buuxo saliidda omega 3, faybar iyo maadada “phytosterols” kuwaas oo kobciya caafimaadka wadnaha. Cunista qoondarku waxay kordhisaa kolestaroolka fiican “HDL” waxayna yareysaa kolestaroolka xun “LDL”.

Ka hortagga calool istaagga: 

Mirahaan waxaa ku badan faybarka oo jilciya saxarada, kana hortago calool istaagga iyo xanuunka mindhicirrada kacsan (irritable bowel syndrome) 

Xakamaynta sonkorowga: 

Qoondarka waxaa ku jiro walxo yareeya heerka sonkorta dhiigga. Daraasad lagu daabacay Joornaalka Nafaqada waxaa lagu arkay in cunista qoondarku ay firfircooni geliso dheecaanka insulin-ta ee kontaroola cudurka sonkorowga.

Miisaan dhimista: 

Mirahaan waxaa ku yar kaarbohaydareetka, waxaana ku badan faybar. Waxay ka qayb qaadataan qashin saarka mindhicirrada, miisaan dhimista iyo yareynta jamashada macmacaanka. Faybarku wuxuu daahiyaa cunno shiidista wuxuuna qofka ka abuuraa dareen dhereg ah. 

Hoos u dhista dhiig karka: 

Dufanka omega 3, maadooyinka faybar iyo “lignans” ee ku jira qoondarka waxay ka ka hortagaan dhiig karka. Daraasad lagu daabacay joornaalka “Clinical Nutrition” ayaa lagu arkay in qoondarku uu yareeyo labada lambar cadaadiska dhiigga ee kala ah “systolic blood pressure” iyo “diastolic blood pressure”. 

Hoos u dhista calaamadaha howlgabnimada dhalmada (menopause): 

Maadada lignans ee ku jirta qoondarka ayaa la ogaaday inay waxtar u leedahay haweenka ku jira marxaladda howlgabnimada dhalmada Waxaa daraasad la sameeyay lagu arkay in qoondarku uu caawiyo yareynta kuleelka habeenkii (hot flashes) ee ay dareemaan dumarka aan isticmaalin daawada “oestrogen” xilliga howlgabnimada dhalmada. Sidoo kale, qoondarku wuxuu ka hortagaa halista cudurka lafo burburka (osteoporosis) ee haweenka. 

Kobcinta caafimaadka maqaarka iyo timaha: 

Dufanka omega 3 ee buuxa qoondarka wuxuu waxtar u leeyahay maqaarka iyo timaha, wuxuuna yareeyaa kor qallaylka, finanka, xanuunka maqaarka ku dhaco ee “eczema” iyo iyo timo buburka. 

keebaa habboon in qoondarka miraha ah iyo midka shiidan?

Qoondarka wuxuu ugu fiican yahay marka isagoo shiidan cunnada lagu darsado, sababtoo ah marka miro ahaan loo cuno, jirku kama wada faaidaysan karo nafaqooyinka ku jira.

Sida ugu habboon waa in la shiido isagoo aan la soolin ama la karin, kadibna lagu darsado cunnada aad karin rabtid ama cuni rabtid.

Sidee loo isticmaali karaa?

  • Hal qaado qoondar budo ah ayaa lagu darsan karaa quraacda sida boorashka.
  • Saliida qoondarka ansalaatada ayaa lagu darsadaa
  • Qoondarka budada ah cabitaannada ayaa lagu dhex shiitaa

Cilladaha laga qaado miraha qoondarka haddii la iska badiyo: 

  • Dibiro iyo gaas 
  • Calool xanuun 
  • Calool istaag ama shuban 
  • Lalabo 
  • Amateed yari 

Haweenka uurka leh waa inay ka fogaadaan qaadashada qoondarka sababtoo ah waxaa ku jirta maadada “phytoestrogens”. 

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *