Sida Loo Joojiyo Timaha Go’aya 10 Maalmood Gudahooda

Timaha go’aya waa dhibaato ay dad badani ka sheegtaan, siiba haweenka. Hadaba waxaan idin kula wadaagaynaa dawo guri lagu joojin karo timo daadashada weliba 10 maalmood gudahooda.

Dawadan dabiiciga ah ayaa ka kooban labo shay oo keliya waxayna kala yihiin qoondar iyo saliid qumbe.

Midhaha qoondarka iyo saliida qumbaha waa labo shay oo waxtar ballaadhan u leh timaha, isku darkoodana waxa uu daweeyaa burburka timaha waxaana uu caawiyaa inay si fiican u baxaan. Isku darka labadan shay waxaa ka buuxa nafaqooyin timuhu aanay ka maarmiin karin oo ka qayb qaata koritaankooda.

Qaabka loo isticmaalo dawo-gurigan u fiican timaha go’aya

Maalinta 1-aad:

  • Ku bilow inaad qoondarka biyo ku radiso habeenkii. 
  • -Subaxa xiga biyo ku karkari qoondarka illaa uu ka noqdo jeel is-jiidjiidaya. 
  • Mari jeelka madaxaaga oo wada gaadhsii madaxa oo dhan. 
  • U daa muddo 30 daqiiqo kadibna biyo diirran laga maydh. 

Maalinta 2-aad illaa maalinta 10-aad: marso isku-darka qoondarka iyo saliida qumbaha:

  • Isku dar xaddi isle-eg oo jeelka qoondarka iyo saliida qumbaha ah. 
  • Mari isku darkan madaxaaga iyo timaha adigoo timaha salkooda gaadhsiinaya. 
  • Si tartiib ah ugu daliig madaxaaga dhowr daqiiqo 
  • U daa dhowr sacaadood ama habeenkii ku seexo si aad u hesho natiijo ku raalli gelisa. 
  • Biyo diirran iyo shaambo iskaga maydh. 

Faaidooyinka isku darka qoondarka iyo saliida qumbaha uu u leeyahay timo daadashada: 

  • Qoondarka waxaa ku jira dufanka omega-3 kaas oo nafaqeeyo jiridka timaha islamarkaana kobciya koritaanka timaha. 
  • Saliidda qumbuhu waxa ay awood u leedahay in ay dhex gasho lafta madaxa oo ay siiso nafaqada uu u baahan yahay kana daweyso dhammaan cilladaha caafimaad ee burburka timaha. 
  • Isku-darka qoondarka iyo saliida qumbaha waxa basada siiyaa nafaqooyin muhiim ah, waxa uu yareeyaa burburka timaha waxaana uu caawiyaa in timuhu ay si caafimaad leh u baxaan. 

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *