Ahmiyada Caafimaad Ee Dufanka Omega-3 Iyo Cunnooyinka Qaniga Ku Ah

Omega-3 waa nooc ka mid ah dufannada laga helo cuntooyinka kaas oo waxtar ballaaran u leh caafimaadka. Waa dufan lagu sameeyay cilmi baarisyo badan.

Dufankani waxa uu xambaarsan yahay faa’idooyin  aan la soo koobi karin waxaana uu wax u taraa wadnaha, xididada dhiigga, qanjirrada, murqaha, lafaha iyo maskaxda.

Meelaha ugu fiican ee laga helo dufanka omega-3 waxaa ka mid ah; kalluunka, lawska, miraha flaxseeds, miraha chia seeds, afakaadhada, digirta iyo saliid saytuunta.

Haddaba casharkan waxaan kaga hadlaynaa faaidooyinka dufanka omega-3 marka si joogto ah loo isticmaalo.

La dagaallanka hurka:

Daraasado la sameeyay waxaa lagu arkay in dufanka omega-3 uu la dagaallamo noocyada kala duwan ee hurka ama lurka (inflammation).

Kala goysyo xanuunka:

Dufanka omega-3 waxa uu aad ugu roonyahay dawaynta xanuunka kala goysyo-yada. Dadka qaba kala goysyo xanuunka waxaa la siiyaa saliida kalluunka, waxaana la arkay in ay faaido u leedahay dawaynta xanuunka roomatiisamka.

Ka hortagga cudurrada wadnaha:

Dadka sida joogtada u cuna kalluunka badda waxaa la arkay inay ku yaryihiin cudurrada wadnaha ku dhaco. Cilmi baarisyo ayaa xaqiijiyay in kalluunka badda uu ku badan yahay dufanka omega-3, isticmaalkiisa oo la joogteeyana waxa arkay xeyrta fadhiisata jirka qaybihiisa kala duwan ee loo yaqaanno “triglycerides”. Haddaba si aad uga hortagto cudurrada wadnaha, ku dedaal cunista kalluunka iyo cunnada badda.

Shaqada maskaxda:

Dufanka omega-3 oo si joogto ah loo isticmaalo waxaa la ogaaday inay saamayso shaqada unugyada maakaxda. Sidaas awgeed isticmaalka dufankan waxa la arkay inay wanaajiso niyadda. Dadka qaba xanuunka niyad jabka waxaa lagula dardaarmaa inay ku dedaalaan isticmaalka dufanka dufanka omega-3 maadaama uu la dagaallamo niyad jabka islamarkaana uu wanaajiyo niyadda.

Caafimaadka uurka:

Hooyooyinka uurka leh waxaa lagula taliyaa qaadashada dufanka omega-3 maadaama la arkay si weyn u caawiyo koriimada uur jiifka.

Diyaariye: Hirsi Ahmed

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *