Faaidooyinka Miraha Fennel Seeds Iyo Cilladaha Caafimaad Ee Ay Wax Ka Taraan

Fennel seeds waa miro muddo dheer bini aadamku u adeegsan jiray dawo ahaan. Waxaa la aaminsan yahay in mirahani ay ka hortag u yihiin cudurro badan, islamarkaana ay wanaajiyaan caafimaadka guud. 

Mirahan, iyagoo ceyriin ah ayaa la cuni karaa ama shaah ahaan ayaa loo karsan waxayna lagu yaqaanna inay hagaajiyaan dheefshiidka waana sababta inta badan loo isticmaalo raashinka kadib. 

Miraha fennel waxaa ku jira maadooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah sunta, hurka iyo bakteeriyada. Waxaa kaloo laga helaa nafaqooyin kala duwan sida macdanaha copper, potassium, calcium, selenium, xadiid, zinc, manganese iyo fitamiin C. 

Si aakhri oo wax badan ka ogoow faaidooyinka miraha fennel seeds. 

Waxa ay yareeyaan in jirku uu biyaha keydiyo: 

Miraha Fennel waa dareeriye dabiici ah (Diuretic) oo jirka biyaha ka saaro, waxayna si cajiib ah u saaraan sunta dheeraadka ah iyo dareeraha jirka. Tani waxa ay yareynaysaa halista cilladaha kaadi mareenka ku dhaco. Haddaba mirahan oo si joogto ah loo isticmaalo waa hab fiican oo looga hortagi karo infekshannada ku dhaco kaadi mareenka. 

Ka hortagga dhiig yarida: 

Macdanta xadiidka ee ku jirta miraha fennel waxa ay muhiim u tahay samayska barootiinta “haemoglobin”, sidaas awgeed waxa ay caawiyaan ka hortagga dhiig yarida. Sida oo kale, maadada “histidine” ee ku jirta mirahan waxa ay dhiirigelisaa samaysanka barootiinta “haemoglobin” waxa kaloo caawisaa samaysanka waxyaabaha kale ee dhiigga uu ka kooban yahay. 

Dhimista miisaanka: 

Mirahaan waxaa ku badan faybarka, kaas oo ka qayb qaata dhimista miisaanka iyo inuu qofka dareensiiyo dharag. Wuxuu kaloo yareeyaa in dufanku uu ku ururo jirka, waxaana uu wanaajiyaa in jirku uu cunnada ka nuugo nafaqada. Cab shaaha fennel si aad u gubto baruurta jirka. 

Dawaynta gaaska iyo dheefshiid xumada: 

Inta badan miraha fennel waxaa la cunaa ama la cabbaa shaahooda raashinka kadib si looga hortago dheefshiid xumada iyo cilladaha kale ee caloosha la xiriira. Fennel seeds waxay ka shaqaysiiyaan soo saarista dheecaannada dheefshiidka ee ay yareeya hurka mindhicirrada. 

Sida oo kale, mirahaan waxaa aad loogu adeegsadaa in lagu daweeyo gaaska, waxa ay yareeyaan aashitada caloosha. Biyo ku radi miraha fennel seeds habeenkii, subaxa xigana karkari oo cab. 

Yareynta xanuunka caadada: 

Miraha fennel seeds waxa ay aad ugu roon yihiin yaraynta xanuunka caadada. Mirahaan waxa ay nidaamiyaan oo ay khafiifiyaan caadada, iyagoo nidaamiyaa shaqada hormoonnada waxayna u shaqeeyaan sida xanuun baabi’iye. 

Ka hortagga kansarka: 

Miraha fennel waxa ay awood u leeyihiin in ay jirka ka ilaaliyaan kansarka, maadaama ay xambaarsan yihiin maadooyinka “flavonoids” iyo “phenols” kuwaas oo joojiya koriimada unugyada kansarka. Miraha Fennel oo la isticmaalo maalin kasta waxa ay ka hortag u noqon kartaa cudurka kansarka noocyadiisa ku dhaco naasaha iyo beerka

Nidaaminta cadaadiska dhiigga: 

Miraha fennel oo la calaaliyo waxa ay kordhisaa maadada “nitrite” ee calyada taas oo caawisa in cadaadiska dhiigga ay ku ilaaliso heerkiisa dabiiciga ah. Sida oo kale, miraha fennel seeds waxa ay hodan ku yihiin maadada “potassium” taas oo dheellitirta biyaha jirka, tan oo muhiim kontaroolista cadaadiska dhiigga. 

Kobcinta caafimaadka beerka: 

Fennels seeds waxaa ku jira xaddi aad u sarreeya oo macdanta selenium ah taas oo wanaajisa shaqada beerka islamarkaana sunta ka saarto. Mirahaan oo la cuno ama shaah ahaan loo cabbo waxa ay sare u qaadaa caafimaadka beerka waxayna ka hortagtaa infekshannada ku dhaco beerka. 

Caafimaadka indhaha: 

Fennel seeds waxa ay indhaha ka ilaaliyaan hurka (inflammation) sababtuna waa fiitamiin C-ga iyo asiidhada amino ee ku badan mirahan, kuwaas oo caawiyaa daryeelka indhaha. Mirahani waxay u fiican oo yareeyaan cuncunka isha iyo indho daalka. 

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *