Faaidooyinka Liinta Oranjada Iyo Cudurrada Ay Ka Hortagga U Tahay

Liinta oranjadu waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu caansan dunida, waxayna xambaarsan tahay nafaqo tiro badan iyo maadooyinka faa’ido u leh caafimaadka. Liinta oranjada waxaa ka buuxo fitamiin C oo xoojiyaa awoodda is-difaac ee jirka waxaana uu ka ilaaliyaa caabuqa ay ka mid yihiin qabowga, hargabka iyo qufaca

Maadooyinka oranjiga ku jira waxaa ka mid ah, fiber, fitamiin C, thiamine, folate iyo antioxidants. Sidoo kale waxaa laga helaa macdanaha kaalsiyaam, potassium, magnesium iyo phosphorus oranjadu sidaas darteed waa faakiho ama furuuto ay tahay in maalin walba la cuno,

Calool fadhiga:

Oranjiga waxaa ku jira maada fiber oo ka hortagga calool fadhiga iyo xanuunka loo yaqaanno “irritable bowel syndrome (IBS)” oo ah cudur inta badan keeno calool xanuun ay la socdaan calool fadhi, calool barar iyo murqaha caloosha oo isku aruura. Oranjadu waxay badisaa islamarkaanaa ay jilcisaa saxarada.

Caafimaadka wadnaha:

Oranjada waxaa ku jira maadadda pectin oo ka mid ah maaddooyinka milma ee sida weyn ugu fiican caafimaadka wadnaha, aadna hoos ugu dhiga heerka Kalastaroolka dhiigga. Sidoo kale Liinta oranjiga waxa ay ka qayb qaadataa dhimista miisaanka, waxayna jirka ku xoojisaa Potassium iyo Faytamiin C oo labaduba yareeya khatarta dhiig karka.

Caafimaadka lafaha:

Oranjadu waxay ku jirtaa cuntooyinka lafaha adkeeyo, maadaama uu ka buuxo fitamiin “C” kanoo muhiim u ah hagaajinta lafaha dildillaacooda, wuxuu kaloo fitamiin “C” jirka u qaabilsan yahay dadajinta bogsashada nabraha guud ahaan, waana sababta haddii uu qofka ku yaryahay fitamiin-kaan ay unugyada u dildilaacaan qofkana u dareemaa cirid dhiig iyo wixii la mid ah. Oranjada waxaa ku jiro fitamiin D kaas oo caawiya in jirku uu nuugo kaalsiyaamta oo ah nafaqo lagama maarmaan u ah caafimaadka lafaha.

Caafimaadka afka:

Oranjadu waxay uroon tahay caafimaadka cirridka, waxay ka hortaggaa huurada, afkana way carfisaa iyadoo disha bakteeriyada keenta huurada.

Difaaca jirka:

Oranjadu waxay caan ku tahay kobcinta difaaca jirka. Awood siinta difaaca jirka waxay caawinaysaa in jirku uu si wanaagsan iskaga caabbiyo infekshannada iyo xanuunnada. Waxaa kaloo liinta oranjada laga helaa maadada “polyphenols” oo lidka fayraaska ah, iyadoo disha fayraaska jirka soo gelayaa inta uusan sababin infekshannadda.

Sifeynta dhiigga:

Liinta oranjadu waa dhiig sifeeye dabiici ah. Maadada “flavonoids” ee ku jirta liinta waxay beerka ka caawisaa sifeynta sunta. Maadada faybar waxay socodsiisaa caloosha, sidaas darteed waxay qashinka ka saartaa jirka. Awoodda sun saarista ee oranjadu waxay caawisaa nadiifinta dhiigga.

Sunsaarista:

Oranjada sida aan kor ku soo xusnay waxaa aad uga buuxa fitamiin C iyo waxyaabaha sunta saaro ee loo yaqaano “Antioxidants” hal koob oo cabitaanka bambeelmada ah wuxuu ku filan yahay in beerka uu ka caawiyo qashin saarka.

Nidaaminta cadaadiska dhiigga:

Maadada magnesium ee ku jirta liin macaanta waxay caawisaa nidaaminta cadaadiska dhiigga, waxaa kaloo oranjada ku jirto maado kale oo la yiraahdo “hesperidin” taas oo kontaroosha cadaadiska dhiigga.

Ka hortagga cudurka kansarka:

Oranjadu waxay hodan ku tahay Fitamiin C oo ah sun-saare islamarkaana awood siiya difaaca jirka. Sidoo kale, maadada lagu “limonene” ee ku jirta liinta oranjada waxay la dagaallanta kansarka iyadoo baabi’isa unugyada kansarka.

Miisaan dhimista:

Oranjadu waxa ay hodan ku tahay Faytamiin ‘C’ oo si dadban raad ugu yeesha ridista miisaanka. Faytamiinkani waxa uu ka masuul yahay soo saarista walxo xoojinaya shaqada uu jidhku kaga faa’iidaysanayo cuntada uu helo ee dheefsiga loo yaqaanno, taasina waxa ay gubaysaa dufan badan oo jirka ku ururi lahaa.

Waxa ay khubaradu sheegayaan in faytamiin ‘C’ ga dabiiciga ah ee liinta ku jiraa uu si weyn u caawiyaa in jimicsigu uu gubo dufan ka badan inta uu gubi karo marka aan liinta la cabbin. Sidaa awgeed waxa ay ku taliyaan in dadka jimicsiga sameeyaa ay jimicska ka hor helaan xaddi badan oo Faytamiin ‘C’ ah.

Caafimaadka kilyaha:

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in joogtaynta cunista liinta oranjigu ay caawiso ka hortagga dhagaxaanta kilyaha.

Awoodda maskaxda:

Maadooyinka phytonutrients and folic acid-ka ku jiro liintaan waxay kaalin wayn ka qaataan koritaanka maskaxda. Waxay wanaajisaa foojignaanta iyo awoodda awoodda waxbarasho sidaas darteed waxay uroontahay ardayda.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *