Faaidada Cabitaanka Beytaraafka Iyo Liinta Oranjada & Goorta Ugu Fiican Ee La Cabbo

Ma waxaad ka mid tahay dadka maalintooda ku bilaaba shaah ama kafee kulul? Kawaran haddii aad u bedelato cabbitaannada khudradda iyo furuuta halkii aad ka cabbi lahayd koob shaah ah ama kafee ah? 

Waxaa la joogaa xilligii aad wax ka beddeli lahayd qaab-nololeedkaaga si aad horumariso caafimaadkaaga iyo fayow-qabkaaga. Sida ay daraasaadku caddeynayaan, cabbitannaada khudradda iyo furuutka waxa ay leeyihiin faa’idooyin tiro badan oo caafimaad. 

Cabitaannadaasna waxaa ka mid ah, cabitaanka liinta oranjada iyo baytaraafka kaas oo la xaqiijiyay inuu si weyn u caawiyo kobcinta caafimaadka. 

Sida oo kale, cabitaankani waxa aad u fiican yahay in la cabbo xilliga ramadaanka. Waxaa uu si dhakhso ah u baabi’iyaa oonka, waxaa laga helaa nafaqo kala duwan, waxaana uu soo celiyaa tamarta. 

Faa’idooyinka cabitaanka beytaraafka iyo liinta oranjada:

Hoos u dhigista cadaadiska dhiigga:

Cabitaanka oranjada iyo baytaraafka waxaa ku jira “citric acid” iyo faytamiin C kuwaas oo ballaariya arooriyeyaasha dhiigga, qulqulka dhiiggana kordhiya, tani waxa ay yareysaa dhiig karka. 

Xoojinta difaaca jirka: 

Faytamiin C, macdanta mangenese iyo nafaqooyinka kale ee ku jira cabitaankan dabiiciga ah waxa ay xoojiyaan unugyada jirka, sidaas awgeed waxa ay ilaaliyaan awoodda iyo caafimaadka habdhiska difaaca jirka. 

Daweynta dhiig yarida: 

Cabitaanka baytaraafka iyo liinta oranjiga waxaa ka buuxa faytamiin C kaas wanaajiya awoodda dhiiggu uu u leeyahay inuu cunnada ka nuugo macdanta xadiidka. Sidaas darteed, wuxuu ka hortaggaa dhiig yarida (anaemia). 

Xanuunka dhiig yariida waa uu noocyo badan yahay laakiin kiisa ugu badan wuxuu ka dhashaa xadiid yaraanta.

Ka hortagga Xanuunnada wadnaha:

Isku-darka oranjada iyo baytaraafku waxaa loo isticmaali karaa in looga hortago xanuunnada ku dhaca wadnaha maadaama uu soo saaro dufanka fadhiista xidida halbowleyaasha dhiigga sidaas awgeed waxa uu xoojiyaa caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga. 

Oranjada iyo baytaraafka waxaa ku badan waxlaha jirka sunta ka saara kuwaas oo la dagaallama xididada xorta ah (free radicals) ee jirka ee dhaawaca halowbowleyaasha dhiigga islamarkaana sababa in dufan uu gufeeyo. 

Caafimaadka maqaarka: 

Waxa loo yaqaanno “oxidative stress” iyo “free radicals” waxa ay dhawaacaan unugyada maqaarka waxayna soo dedejiyaan duqoobista maqaarka. Walxaha sunsaarista sida faytamiin C ee ku badan cabitaankan, waxa ay ay la dagaallamaan xididada xorta ah waxayna daahiyaan calaamadaha gabowga. Cabitaanka baytaraafka iyo oranjada oo maalin kasta la cabbo waxay faaido weyn u leedahay quruxda iyo caafimaadka maqaarka. 

Ka fogow inaad ku afurtid cabitaannada warshadaysan ee la qaso, sababtoo ah uma roona dheefshiidka khaasatan markay calooshu maran tahay, Fadlan ku badalo cabitaannada dabiiciga ah sida cabitaanka baytaraafka iyo liinta oranjada.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *