Faa’idada Cabitaanka Lawska & Mooska La Isku Shiiday Iyo Xilliyada Ugu Fiican Ee La Cabo

Casharkeennna maanta waxaan soo qaaadanaynaa cabitaan nafaqo badan kaas oo ka kooban moos, laws iyo caano. Waa cabitaan diyaarintiisu ay fududahay, dhadhan ahaan macaan, caafimaad badanna laga helo.

Mooska oo ka mid ah cunnooyinka cunistooda sida aadka ah loogula taliyo xirfadlayaasha ciyaaraha kala duwan, waxa uu hodan ku yahay maaddooyin nafaqo, oo ay ka mid tahay potassium, wuxuuna jirka ka caawiyaa in aysan tamartu ka bixin, waxa uu sidoo kale xoojiyaa hab-dhiska difaaca jirka.

Mooska waxaa ku jirta maadada fibre, sidaas darteed wuxuu uroon yahay dheefshiidka calool istaaggana wuu ka hortagaa.

Dhinaca kale, Lawska waxaa ku jira macdano iyo fitaamiinno kala duwan oo jirka bini’aadanka faa’ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan. Faa’idooyinkiisa waxaa ka mid ah inuu kor u qaado caafimaadka wadnaha iyo ka hortago buurnida iyo xanuunka sonkorowga.

Lawska waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka uroon ragga isagoo sare u qaadda doonista jinsiga, islamarkaana wanaajiya tayada shahwada. Waxa kale oo uu lawsku ka hortagaa kansarka ku dhaco qanjirka manida ee borosteytka.

Lawsku wuxuu dhalaal siiyaa maqaarka iyo timaha wuxuuna daahiyaa soo shaac bixidda astaamaha duqnimada sababtoo ah waxaa ku badan fitamiin E iyo dufanka Omega 3.

Cabitaanka mooska iyo lawska oo subaxdii la cabbo waxaa lagaa helaa tamar badan taas oo qofka ka caawinaysa inuu howl-maalmeedkiisa si wacan u guto daalkana ka ilaalinaysa.

Qaabka diyaarinta:

  • Jar jar mooska oo ku rid mashiinka cabitaanka lagu shiido
  • Ku dar laws aad biyo ama caano ku radisay
  • Ku dar caanaha
  • Ku dar dhowr xabbo oo timir oo aad lafta ka saartay.
  • Isku shiid

Cabbitaankan nafaqada badan snack ahaan ayaa laga dhigan karaa, quraacna waa laga dhigan karaa.

Cabitaanka dabiiciga ah waxaa laga helaa nafaqo kala duwan, culeysna ma saaro beerka iyo kilyaha. Fadlan ku dadaal, kana fogow cabitaannada warshadaysan.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *