Cabitaan Jirka Sunta Looga Sifeeyo Iyo Goorta Ugu Fiican Ee La Cabo

Daryeel Magazine oo aaminsan in hantida ugu muhiimsan ee qofku ay tahay caafimaadka, ayaa qormadan akhristaashiisa ugu soo gudbinaya cabitaan dabiici ah oo jirka sunta iyo qashinka ka saaro, caafimaadka guudna kobciyo.

Sunta jirku waxay keeni kartaa finan iyo daal joogto ah. Waxaa jirka sunta looga sifeyn karaa dareereyaasha dabiiciga ah sida cabitaanka kaarootada, koostada iyo liin dhanaanta. 

Cabitaankan macaan ee caafimaadka badan wuxuu beerka, kilyaha iyo midhindhicirrada ka caawiyaa sunsaarista. 

Maxaa sababa sunta jirka? 

Waxaa jira waxyaabo badan oo keena sunta ku uruurta jirka, waxaana ka mid ah: 

  • Tubaakada/sigaarka 
  • Stress-ka iyo welwelka 
  • Hawada wasakhaysan 
  • Maadooyinka kiimikada ah ee cunnooyinka warshadaysan lagu daro
  • Daawooyinka

Sidee kaarootada, koostada iyo liin dhanaantu jirka uga sifeeyaan sunta? 

Kaarootada: 

Karootada waa sunsaare awood badan sababtoo ah waxaa ku jira fitamiin A oo beerka ka caawiya sunsaarista. waxay kaloo qani ku tahay maadooyinka beta-carotene, folic acid, phosphorous iyo kaalsiyam. 

Sidoo kale, kaarootadu waxay caawisaa dheelitirka heerka pH-ka jirka, waxay kordhisaa awoodda aragga indhaha, waxayna uroon tahay maqaarka iyo timaha. 

Koostada: 

Waxay ka mid tahay khudradda cagaaran ee beerka u wanaagsan waxayna ku caawisaa beerka soo saarista dacarta beerka uu soo saaro taas oo muhiim u ah qashin saarka iyo dheefshiidka cunnada dufanka leh. 

Sidoo kale, koostadu waxay sifaysaa dhiigga sababtoo ah waxaa ku jira xadiid (iron), folate, fitamiin B6 and Fitamiin K. Dhamaan maadooyinkani waxay ka qeyb qaataan nadiifinta dhiiigga. 

Liin dhanaan:

Liin dhanaanta waxaa ku jira fitamiin C iyo faybar waxay jirka ka saartaa sunta ka dhalata maaddooyinka ku jira cuntooyinka kala duwan ee aynu cunno, taasina waxay si weyn uga qayb qaadataa in uu qofku ka takhaluso miisaanka saayidka ah, isla markaana ay wanaajiso caafimaadka guud ee qofka.

Intaas waxaa dheer, liin dhanaantu waxay xoojiyaa difaaca jirka, waxay wanaajisaa dheefshiidka, waxayna yareysaa xanuunka kala-goysyada iyo murqaha.

Waa maxay sababta cabitaanka kaarootada, koostada iyo liin dhanaantu uu u yahay mid caafimaad badan?

Maadooyinka sunsaarista ee ku jira kaarootada, koostada iyo liin dhanaanta waxay awood u leeyihiin inay sifeeyaan oo ay nadiifiyaan xubnaha jirka, waxayna hagaajiyaan shaqada beerka, kilyaha iyo mindhicirrada.

waxaa intaas dheer, cabitaankan wuxuu ka hortagaa nooc kasta oo nafaqo darro ah waxaa ku badan fiitamiinno iyo macdano oo jirku si fudud u nuugi karo

Sidee loo sameeyaa cabitaanka kaarootada, koostada iyo liin dhanaanta?

Diyaarinta cabitaankan jirka sunta ka saaro waa mid fudud, waxaa loo baahan yahay:

  • 2 xabbo oo kaarooto (dabocase) ah
  • 5 garaam oo koosto ah (labo sacab)
  • 1 xabbo oo liin dhanaan ah biyaheeda
  • 1 qaado oo malab ah
  • 1 koob oo biyo ah

Habka:

  • Karootada iyo koostada ku rid mashiinka cabitaanka lagu shiido
  • Ku dar biyaha
  • ku dar malabka
  • Ku dar biyaha aad ka miirtay liin dhanaanta

Xilligee ugu fiican in la cabo cabitaanka kaarootada, koostada iyo liin dhanaanta?

Caloosha oo maran subaxdii, ugu yaraan nus saac ka hor quraacda ayaa ah xilliga ugu habboon ee la cabo cabitaankan jirka nadiifiya.

Cabitaankan oo la cabo caloosha oo maran waxay jirka u ogolaanaysaa inuu nuugo nafaqooyinka badankooda, waxayna kordhinaysaa awooddiisa.

Cab muddo asbuuc ah, insha Allah waxaad dareemi doontaa natiijo ku raalli gelisa. Ma ahan keliya inuu wanaajinayo bilicda muuqaalka jirkaaga balse wuxuu kaloo sare u qaadayaa fayow-qabkaaga guud.

Akhriso: Xanuunnada Lagu Daweeyo Cabitaanka Basasha!

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *