Faham Uyeelo Cuntooyinka Jirka Ka Nadiifiya Sunta Iyo Qashinka

Suntu waxay keentaa inaad dareento daal iyo tabar yari, waxay sababtaa infekshanno, difaaca jirka ayay dhaawacdaa, hurdadana way xumaysaa, waxay kaloo keentaa dhibaatooyin caadada ah, dibbiro, indho barar, wareer, dheefshiid xumo iyo kansar.

Cuntada aynu cunno ayaa ka mid ah waxyaabaha aynu ka qaadno sunta, sidoo kale waxaa keena diikhowga hawada, sida qiiqa mishiinnada shidaalka ku shaqeeya, wasakhda warshadaha iyo baabuurta iyo daawooyinka.

Hadaba qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa 10 cunto oo jirka ka suuliya sunta iyo qashinka, waxayna kala yihiin:

Liin bambeelmada (grapefruit):

Waxaa ku badan fitamiin C iyo maadooyinka jirka sunta ka saara ee loo yaqaanno “antioxidants”. Cabitaanka liin bambeelmada oo la cabbo subaxdii waxa uu nadiifiyaa habdhiska dheefshiidka, dhiigga iyo beerka. Liin bambeelmadu waxay ka qayb qaadataa miisaan dhimista, waxay ka hortagtaa kansarrada ku dhaca ganaca iyo qanjirka prostate-ka.

Toonta:

Waxaa toonta ku jira maadooyinka “Allicin iyo Selenium” oo beerka ka caawiya qashin saarka, toontu waxay sare u qaadaa dheecaan burburiyaha uu beerku soo daayo taas oo sababaysa in qashinka si fudud loo suuliyo. Maadada Allicin waxay sunta ka nadiifisaa habdhiska dheefshiidka.

Afakaadhada:

Afakaadhada ayaa ay xeeldheereyaasha nafaqadu aaminsan yihiin in ay ku jiraan curiyeyaal, Fitamiinno iyo maaddooyin nafaqo oo muhiim u ah caafimaadka. Waxayna sheegeen in qofka joogteeya cabbitaanka Afakaadhadu uu ka helo xaddi ku filan oo ah dufanka uu jirku u baahan yahay oo ah nooca aan khatarta ku ahayn caafimaadka. Dufanka Omega3 wuxuu ka qayb qaataa sunsaarista jirka.

Liin macaanta:

Cabbista koob cabbitaanka liin macaanta subax kasta xilliga quraacda wax wayn ayay ka beddeli kartaa caafimaadkaaga. Waxaa ka buuxo fitamiin C oo sare u qaada awoodda difaaca jirka, kana hortagga xanuunnada, wuxuu kaloo dilaa jeermiska iyo sunta.

Huruuda:

Huruuda waxay xoojiyaa difaaca jirka, waana sun-saare awood badan oo jirka oo dhan sunta ka sifaysa, Maadada “curcumin” ee huruuda ku jirta wuxuu alle ku abuuray awood dilis unugyada kansarka wayna ka hortagtaa kansarka, waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka diigga iyo macaanka.

Koostada:

Waxaa ka buuxo maadooyinka jirka sunta ka saara ee “Antioxidants”, waxay beerka ka caawisaa qashin saarka, waxay daawo u tahay dhiig yarida, waxay kor u qaadaa difaaca jirka, lafahana way adkeysaa.

Miraha gabaldayaha (sunflower seeds):

Mirahaan waxaa ka buuxo fitamiin E oo unugyada jirka ka ilaaliyaa in ay baabi’iyaan sunta jirka ku dhex samaysanto, taasoo haddii fitamiinka E uusan ka hortagin keento cudurro dhowr ah sida cudurrada wadnaha ku dhaco iyo kansarka. Wuxuu kalooo fitamiin E ka hortagaa kansarka ku dhaco malawadka iyo cudurka macaanka.

Liin dhanaanta:

Waxay khubarada caafimaadku sheegeen in sharaabka liin dhanaanta ka samaysani uu si xoog badan jirka uga saaro sunta ka dhalata maaddooyinka ku jira cuntooyinka kala duwan ee aynu cunno, taasina ay si weyn uga qayb qaadato in uu qofku ka takhaluso miisaanka saa’idka ah, isla markaana ay wanaajiso caafimaadka guud ee qofka. Liin dhanaanta waxay kujira Fitamiin C, waana maado  antioxidant ah oo ka hortagta in unugyada jirka ay dhaawacmaan.

Shaaha cagaaran:

Shaaha cagaarani waxa uu jirka ka saaraa sunta cuntada ka dhalata, waxa uu burburiyaa dufanka urura, waxa uu badiyaa kaadida waxaana uu aad u caawiyaa dheefshiidka.

Shaaha cagaaran waxaa ku jiro waxyaabo dhowr ah oo ku caawiya jirka inuu ka saaro qashinka ama yareeyo sunta iyo waxyaabaha aan faa’idada ku jirin oo dhibka u keeni kara, waxyaabahaas shaaha cagaaran laga helo waxaa ka mid ah, flavonoids iyo catechins.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *