Faaidooyinka Joogtaynta Karootada Ama Dabacasaha Iyo Xanuunnada Lagula Dagaallamo

faaidada karootada, dabacasaha, ,

Karootada waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu caansan uguna waxtarka badan dhanka caafimaadka ee laga isticmaalo guud ahaan caalamka. karootadu waxay leedahay faa’idooyin badan oo aan ahayn keliya in aragga ay wax u tarto.

Karootadu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegeen in ay u fiican yihiin ilaalinta caafimaadka, gaar ahaan indhaha, caloosha, maqaarka iyo wadnaha.

Karootada waxaa ku jira noocyo u gaar ah iyada oo ka mid ah fitamiinnada A, B8, C iyo K waxa kale oo ku jira faybar, macdano ay ka mid tahay Bootaasiyaam, Xadiid, Manganese, copper iyo weliba maaddooyin burburiya sunta cuntada ka dhalata ee jirka ku samaysanta.

Faaidooyinka Karootada:

Caafimaadka wadnaha:

Karootadu waxay hoos u dhiigtaa kolestaroolka xun, waxayna kor u qaadaa kolestaroolka wanaagsan, tan oo hoos u dhigaysa halista wadne xanuunka iyo stroke-ga. Waxaa karootada ku jira faybar, potassium iyo maadooyinka sun-saarista sida carotenoids, fitamiin C iyo polyphenol kuwaas oo ka qayb qaata kobcinta caafimaadka wadnaha. Faybarka ayaa la aaminsan yahay inuu u wanaagsan yahay caafimaadka wadnaha, waxaana cilmi baariyo la sameeyey ay isku raaceen in quudashada cuntooyinka uu ku badan yahay faybarku ay hoos u dhigaan xayrta wadnaha iyo xidida fuusha.

Hoos u dhigista halista kansarka:

Waxaa karootada Alle ku abuuray maadooyin ka hortagga kansarrada ku dhaca sambabada, qajirka prostate-ka, malawadka iyo caloosha. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in maadada “carotenoids” ee laga helo karootada ay jirka ka caabbiso noocyo kansarka ka mid ah sida kansarka ku dhaca sambabada iyo naasaha. Daraasad kale, waxaa lagu arkay in cunista karootadu ay yareyso khatarta kansarka minidhiciirrada ku dhaca

Ka hortagga dhiig karka:

Karootadu waa il muhiim ah oo laga helo macdanta potassium taas oo ka qayb qaadata xakamaynta cadaadiska dhiigga islamarkaana kordhisa qulqulka dhiigga ee jirka. Dhiig karku waxa uu keenaa wadne istaag iyo dhiig furanka maskaxda.

Adkeynta lafaha:

Waxaa karootada ku jira maadooyinka calcium iyo fitamiin K oo muhiim u ah caafimaadka lafaha islamarkaana adkeeya.

Kantaroolista sonkorta dhiigga:

Maadooyinka phytochemicals iyo antioxidants-ka ee ku jira karootada waxay caawiyaan nidaaminta heerka sonkorta dhiigga waxayna ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulinta. Faybarka oo laga helo karootada ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaara kontoroolka xadiga sonkorta ee ku dhex wareegaysa dhiiga, isagoo hoos u dhigaya burburinta iyo nuugida kaarboheydareytka iyo sonkorta

Xoojinta awoodda difaaca jirka:

Karootadu waa il wanaagsan oo laga helo fitamiin C oo xoojiya habdhiska difaaca jirka kana hortagga xanuunnada difaac yarida sida hargabka iyo ifilada. Difaaca jirkaaga wuxuu u baahan yahay fitamiin C si uu si fiican u shaqeeyo.

Caafimaadka maqaarka iyo timaha:

Waxaa karootada ka buuxo fitamiin A, kaas oo ka qayb qaata caafimaadka maqaarka, Wuxuu ka hortagaa calaamadaha dhaqso u duqoobista unugyada jirka, waxaa kaloo fitamiin A uu koriyaa timaha waxaana uu ka ilaaliyaa burburka.

Kobcinta awoodda aragga:

Maadada beta-carotene ee ku jirta karootada waxay faa’ido u leedahay indhaha, waxay siyaadisaa awoodda aragga. Waxay maadadaan ka hortagtaa arag beelka uu keeno cudurka sonkorowga ee loo yaqaanno “Diabetic Retinopathy”, caadka indhaha fuulo iyo xanuunka “macular degeneration”. Fitamiin A-ga oo jirka ku yaraadaa waxay keentaa indho-beelka habeenkii, cunista karootada oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa indho beelka habeenkii.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *