Faai’dada Cabitaanka Kaarootada Iyo Koostada La Isku Shiiday & Xanuunnada Lagula Tacaalo

kaarootada, koostada,

Cabitaanka dabiiciga ah wuxuu baab’iyaa haraadka, waxaa laga helaa nafaqo kala duwan, culeysna ma saaro beerka iyo kilyaha, sidaas darteed waa in ku dedaalno cabbitaannada dabiiciga ah oo aynu ka fogaanno kuwa warshadaysan. 

Qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah cabbitaannadaas dabiiciga ah kaas oo ka kooban kaarooto iyo koosto. Cabbitaankani waxaa ka buuxo nafaqooyin iyo macdano kala duwan, waxaa uu yareeya halista kansarka, difaaca jirka ayuu awood siiyaa, waxa uu jirka ka saaraa sunta wuxuuna caawiyaa dheefsiga cunnada. 

Diyaarinta cabitaankani waa mid fudud keliya waxaad u baahan tahay inaad isku shiidato kaarooto ah iyo dhowr xabbo oo caleenta koostada, ha miirin si aad uga hesho waxtarka ugu badan. Hal koob oo cabitaankaan ah ayaad cabbi kartaa subax kasta quraacda kadib 

Sii akhri si aad wax badan uga ogaato faa’iidooyinka cabitaanka kaarootada iyo koostada: 

Ka hortagga dhiig yarida: 

Isku-darkan waxa uu qani ku yahay fitamiin A iyo macdanta xadiidka (iron), labadaan maado waxay muhiim u yihiin samayska unugyada dhiigga cas iyo “haemoglobin-ta” 

Haemoglobin waa borootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jirkaaga u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen” waxayna midabkeeda cas u gudbisaa dhiigga. 

Cudurka dhiig yarida waxuu leeyahay noocyo kala duwan, laakiin kiisa ugu badan waxuu ka dhashaa yaraanshiyaha macdanta xadiidka. Cabitaankani waxa uu la dagaallamaa dhiig yarida. 

Ka hortagga kansarka: 

Isku-darka kaarootada iyo koostada waxaa ku badan maadooyinka “carotenoids” iyo “flavonoids” oo la dagaallama cudurka kansarka. 

Kaarootada waxay yareysaa halista noocyada kala duwan ee kansarrada sida kuwa ku dhaca sambabada, qanjirka xiniinyaha ee borosteytka, mindhirrada iyo caloosha. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in maadada “carotenoids” ee laga helo kaarootada ay ka hortagto kansarka sambabada iyo kansarka naasaha ku dhaco.

Dib u dhigista gabowga unugyada jirka: 

Kaarootada iyo koostada, labadaba waxaa ka buuxo maadooyinka sunsaarista iyo fitamiin C kuwaas oo cusboonaysiiya unugyada jirka caafimaadkoodana kor u qaada, islamarkaana ka ilaaliya dhaqso u duqoobista. 

Kobcinta caafimaadka lafaha: 

Cabitaankan dabiiciga ah waxa uu wanaajiyaa awoodda lafuhu ay ku nuugu karaan macdanta calcium oo ku jirta isku-darkaan. Kalsiyaam waxay muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka lafaha. Waxaa kaloo cabitaankan ku jira fitamiin K oo lafaha adkeeya kana hortaga cudurka lafo-beelka (osteoporosis) iyo xanuunnada ku dhaca kala goysyada. 

Caafimaadka dheefshiidka: 

Cabbitaankani wuxuu wanaajiyaa dheefshiidka, shaqada caloosha,iyo mindhicirrada qofka, wuxuu ka hortagaa calool istaagga, taasoo yaraysa halista cudurka baabasiirka. Koostadu waxay uroon tahay dadka boogaha caloosha iyo gaaska qabo.

Dhiig karka:

Cabitaankan waxa uu qani ku yahay maadada potassium oo ka qayb qaadata kantaroolista cadaadiska dhiigga.

Awoodda aragga indhaha:

Fiitamiin A oo jirka ku yaraada waxay keentaa indho-beelka habeenkii, Cabbitaankaan waxaa ka buuxo fitamiin A oo kordhiya awoodda aragga ee indhaha, kana hortaga indho-beelka habeenkii iyo xanuunka loo yaqaanno “macular degeneration” oo ah cillad timaaada qofka marka uu duqoobo.

Awood-siinta difaaca jirka:

Kaarootada iyo koostada sida kor ku soo xusnay waxaa ka buuxo fitamiin C iyo walxaha jirka sunta ka saaro ee loo yaqaanno “antioxidants”, sidaas darteed cabitaankani waxa uu xoojiyaa difaaca jirka wuxuuna ka hortagaa cudurrada raaga iyo xanuunada ka dhasha difaac yarida jirka sida hargabka iyo ifiliada.

Akhriso: Cuntooyinka Xoojiya Difaaca Jidhka Aadamaha

-Daryeel Magazine

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *