Cunnooyinka U Wanaagsan Ragga Iyo Dumarka Gaaray Da’da 40 Jirka

cunnooyinka ragga iyo dumarka

Cunnada iyo nafaqada ay u baahan yihiin dadka way isbedeshaa markasta oo da’doodu ay waynaato. Nafaqooyinka ay ka mid yihiin Fitamiin D, calcium, fitamiin B12 waxay noqdaan kuwo aad muhiim ugu ah dadka gaaray ama dhaafay da’da 40 jirka maadaama nafooyinkani ay ilaaliyaa habsami u shaqaynta jirka iyo maskaxda dadka waa wayn.

Cunista cunno caafimaad iyo nafaqo leh waxay yareysaa halista curyaanimada iyo cudurrada waxayna kor u qaadaa tayada nolosha ee dadka ku jira da’a-dhexaadka iyo dadka waa wayn.

Qoraalkaan waxaan kaga hadlaynaa cuntooyinka sida gaarka ah ugu wanaagsan ragga iyo dumarka ku jira ama dhaafay da’da 40-ka. Sii akhri.

Cuntooyinka u wanaagsan ragga ku jira ama dhaafay da’da 40-ka:

Yaanyada:

Yaanyada waxaa ku badan maaddada loo yaqaanno “Lycopene” oo ka qeyb qaadata caafimaadka wadnaha, lafaha iyo yaraynta khatarka kansarka qanjirka ragga “borostaatada” iyo dhiig karka
Waxay kaloo maadadaan la dagaallantaa sunta jirka ku jirto.

Baradhada Macaan:

Xanuunnada ku badan ragga waa wayn waxaa ka mid ah dhiig karka, cilladaha aragga iyo halista kansarka oo siyaada. Baradhada macaan waxaa ka buuxo potassium, beta-carotene iyo nafaqooyin kale oo la dagaallama gabowga iyo xanuunnada yimaada qofka marka uu duqoobo. Baradhada macaan waxay xoojiyaa awoodda aragga indhaha iyo difaaca jirka.

Boorashka:

Boorashka waxa uu ragga u leeyahay faa’idooyin tiro badan waxaa ka mid ah daawaynta kacsi la’aanta, miisaan dhimista, ka hortagga calool istaagga, hoos u dhigista heerka sonkorta dhiigga iyo cadaadiska dhiigga.

Ukunta:

Sarcopenia waa cillad keenta in cufka iyo awoodda murqaha ay lunto taas oo timaada qofka marka uu duqoobo. Ukunta waxaa ku badan barootiinno kordhiya cufnaanta iyo awoodda murqaha. Waxay kaloo ukuntu caawisaa ka hortagtaa cudurrada loo yaqaanno “degenerative diseases” oo ah burbur ku yimaado unugyada jirka kaasoo ka dhashaan cudurro badan sida naafoobidda jirka iyo maskaxda. Cudurradan waxaa ka mid tufta iyo xanuunka xusuusta lumiya ee Alzheimer.

Mushroom-ka:

Mushroom-ka wuxuu yareeyaa halista in ay hoos u dhacdo awoodda maskaxda ee dadka waa wayn. Cunista murshrooms-ka 2 jeer toddobaadkii waxay wanaajisaa xusuusta maskaxda iyo dugmada waxayna ka hortagtaa cudurka xusuusta lumiya ee Alzheimer ee dadka da’da 40 jirka dhaafay.

Lawska:

Lawska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaanno “brain food” sababtoo ah waxaa ku jira fitamiin B3, kaas oo kobciyo shaqada maskaxda, korna u qaado xasuusta, wuxuu kaloo lawsku la dagaallamaa cudurka kolesatroolka oo ah dufan fariisto xididada wadnaha, taas oo ka hortag u ah xanuunka wadne qabadka iyo faaligga.

Cunnooyinka u wanaagsan dumarka ku jira ama dhaafay da’da 40-ka :

Caanaha:

Lafo beelka wuxuu sababaa in awoodda lafuhu ay daciifaan ama ay khafiifaan taasoo keeni karta in laftu ay jabto xittaa hadhii inyar la qalloociyo. Xanuunkaan wuxuu ku badan yahay dumarka. Caanaha waxaa ka buuxo calcium, phosphorus, fitamiinnada B, potassium and fitamiin D, waxaa kaloo laga helaa barootiin. Cabbista caanuhu waxay ka hortagtaa lafo beelka.

Yoghurt:

Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno “yoghurt” waxay qani ku yihiin macdanaha calcium, potassium, phosphorus, magnesium, zinc iyo fitamiinnada B12 iyo B2. Waxaa kaloo ku jira barootiin. Cunista yoghurt-ku waxay hoos u dhigtaa halista xannuunnada wadnaha iyo sonkorowga, waxayna yareysaa calool istaagga iyo cirweynida.

Koostada:

Koostadu waa khudaar kulansatay nafaqo kala duwan. Waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista, Cunista koostadu waxay la dagaallantaa dhakhso u duqoobista, waxayna yaraysaa halista cudurrada kansarka iyo sonkorowga.

Kalluunka:

Cunista kalluunka gaar ahaan noocyada qaniga ku ah dufanka Omega3 waxay u fiicantahay haweenka maadaama dufankaan oo yareeyo xanuunnada wadnaha, difaaca jirkana uu xoojiyo.

Qoondarka:

Qoondarka (flax seeds) wuxuu qani ku yahay estrogens iyo nafaqooyin ay ka mid yihiin fitamiin A, potassium, fitamiin C iyo potassium. Estrogens-ka ku badan qoondarka waxa uu ilaaliyaa dheelitirnaanta hormoonnada iyo shaqada habdhiska taranka dumarka taas oo hoos u dhacda marka ay da’da waynaato. Qoondarka waxaa ku jira waxyaabo faa’iido u leh caafimaadka qofka sida dufanka caafimaadka uroon ee loo yaqaanno “Omega-3. Qoondarku wuxuu yareeyaa halista kansarka ku dhaca naasaha, dumarka dhaxalka u leh kansarkaan waxaa lagula taliyaa inay joogteeyaan cunista qoondarka si khatartiisa ay u yaraato.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *