Faa’iidooyinka Fitamiin B12, Xanuunada Ka Dhasha Hadduu Jirka Ku Yaraado Iyo Cunnada Laga Helo

Fitamiinka B12 waxaa  loo yaqaannaa “Cobalamin” waa fitamiin aad ugu muhiimsan habdhiska neerfaha jirka, wuxuu kaloo caawiyaa samayska unugyada cascas ee jirka, qofka markuu ku yaryahay waxaa laga dareemaa dhiig-yari u gaar ah fitamiinkaan oo loo yaqaano “prenicious anemia”, daal badan, niyad jab iyo dareenka neerfaha oo jirka ka tago khaas ahaan lugaha oo gaari kara heer in qofka u curyaamo dartiis, laakiin nasiib wanaag waa fitamiin jirka uu keydin karo hadduu qofka ku yaraado waxaa laga isticmaalaa keydka.

Fitamiin B12 faa’idooyin badan ayuu jirka u leeyahay, sida kor u qaadista tamarta, kobcinta xusuusta, iyo caawinta ka hortagga wadne xanuunka.

Caafimaadka uurka:

Fitamiin B12 ku filan oo jirku helo waxay lagama maarmaan u tahay caafimaadka uurka, fitamiinkani wuxuu ka hortagaa in ilmaha ay ku dhashaan cillad. Fitamiinkaan oo jirka ku yaraada waxay kordhisaa halista dhiciseynta. Hooyada iyo uurjiifka labaduba way u baahan yihiin Fitamiin B12.

Ka hortagga niyad jabka:

Fitamiin B12 waxa uu soo saaraa hormoonka serotonin kaas oo nidaamiyaa dareenka qofka kana hortagga niyad jabka.

Ka hortagga cillada macular degeneration:

Macular degeneration waa mid ka ah cilladaha aragga lumiya waxa ay keenta arag khaldan; xariijimaha toosan waxa la moodaa inay qalqaloocaan yihiin isla markaana ashyaada waxa aad moodaa inay ka wayn yihiin ama ka yar yihiin inta dhabtii ay yihiin, waa cillad la xiriirta da’da. Fitamiin B12 waxa uu ka qayb qaataa ka hortagga cillada aragga ee macular degeneration.

Caafimaadka maqaarka, ciddiyaha iyo tinta

Fitamiin B12 ku filan oo jirku helo waxay kor u qaadaa caafimaadka maqaarka, timaha iyo cidiyaha. Fitamiinkan oo jirka ku yaraada waxay keeni kartaa cudurka baraska, midabka ciddiyaha iyo timaha oo isbedela.

Baaritaanka dhiigga ayaa lagu ogaan karaa heerka fitamiinka. Haddii fitamiinnada qaar ay jirkaaga ku yaryihiin cunnadaada wax ka beddel. Cunista cunno isku-dheellitiran waxay ay kaa caawinaysaa in jirkaa uu helo fitamiinnaddii uu baahnaa. Xaddiga fitamiin B12 ee jirku baahan yahay waxay ku xiran tahay da’da qofka.

Halkaan hoose ka akhriso cuntooyinka qaniga ku ah fitamiin B12:

Beerka iyo kilyaha:

Beerku arigu waa cunno nafaqo badan oo ay ka buuxdo barootiin, fitamiinno iyo macdano daruuri u ah caafimaadka qofka. Beerka iyo kilyaha waxaa ka buuxo fitamiin B12, beerka digaaggana waa lagaa helaa fitamiinkan. Cunista beerku waxay kaloo u fiicantahay ka hortagga iyo daawaynta dhiig yarida, wuxuuna kor u qaadaa awoodda aragga indhaha.

Kalluunka:

Kalluunka ma malaayga waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka badan, waxaa laga helaa nafaqo jirka uusan ka maarmin sida borotiin tayo leh. Noocyada kalluunku sida salmon-ka, tuunada iyo sardines waxa ku badan fitamiin B12.

Soy-da:

Cuntooyinka laga sameeyo digirta soya-da waa il wanaagsan oo laga helo fitamiin B12. Caanaha sooyada waxaa laga helaa barootiin iyo dufanka caafimaadka uroon ee Omega3 kaas oo hoos u dhiga halista cudurrada xusuusta baabi’iya ee asaasaqa iyo xanuunka Alzheimers .

Hilibka xoolaha:

Hilibku waxa faa’idooyin aan la soo koobi Karin u leeyahay quudinta iyo nafaqaynta muruqyada, lafaha iyo neerfayaasha qofka, isla markaana waxa uu xoojiyao dhismaha jirka. Hilibku waa mid ka ilaha ugu fiican ee laga helo fitamiin B12.

Caanaha:

Caanuhu waxa ay leeyihiin faa’idooyin badan oo caafimaad, sababtuna waa maaddooyinka waxtarka badan ee ay hodanka ku yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Potassium, Kalshiyaam, Fitamiin B-12. Sidoo kale caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno yoghurt-ka iyo burcadka waxaa ku jira fitamiin B12

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *