Cuna Xanuunka: Sababaha Keeno Iyo Qaababka Loo Dabiibo

Cuna xanuunka wuxuu keeni karaa cuncun, sidoo kale waxaa adkaan karta in la liqo cuno ama la cabo biyo, xanuunka waxaa suurta gal ah inuu kasii daro marka qofku uu wax liqaayo, astaamaha kale waxaa ka mid ah

  • Cunaha oo qalayl noqda
  • Qanjirada dhuunta oo barara
  • Qumanka oo ay fulaan waxyaaba cadcad
  • Xabeeb

Cuna xanuun wuxuu asiibi karaa qof kasta, hasa yeeshi khatartiisu waxay ku badan tahay dadka qaar sida

  • Caruurta
  • Dadka caba sigaarka
  • Dadka qaba xasaasiyada
  • Dadka uu difaaca jirkoodu kala dhantaalan yahay

Dadka oo lala wadaaga boos ciriiri ah waxay kor uqaadi karta infekshanada ku dhaca qeybta kore ee habka hawa mareenka, taas oo keeni karta cuna xanuun

Maxaa sababa cuna xanuunka?

Infekshan uu keenay fayrus

inta badan cunaha oo xanuuna waxaa sababa fayrus, infekshanka kale ee uu fayruska sababo waxaa ka mid ah hargabka, jadeecada, iyo busbuska

Infekshan ay keentay bakteeriyo

Bakteeriyada waxay sababi kartaa  infekshan keena cunaha oo xanuuna, waxaa ka mid ah infekshanadaas, gawracatada, xiiqdheerta

Walxaha deegaanka

Cuna xanuunada oo dhan kama dhashaan fayrus ama bakteeriya, waxa yaabaha kale ee horseedi kara cunaha oo xanuun waxaa ka mid ah

Xasaasiyada, hawada oo qalayl ah, cabidda sigaarka, qeylida ama hadalka badan.

Laab jeexa

Waa xaaladaha ku dhaca habka dheefshiidka, astaamaha uu leeyahayna waxaa ka mid ah

Cunaha oo xanuuna, xabeeb, laabjeex, lalabo.

Akhriso: Sida la iskaga ilaaliyo laab jeexa

Gormaa la arkaa dhaqtar

Inta badan cuna xanuun uma baahna daryeel caafimaad, hasa yeeshee waa muhiim in aad aragtid dhaqtar hadii cuna xanuunkaaga oo ka badan yahay hal todobaada iyo hadii aad dareentid astaamahaan soo socda

  • Neef qaadashada oo adkaata
  • Kala goys yada oo ku xanuuna
  • Wax liqida oo adkaata
  • Dheg xanuun
  • Furuuruc/finan
  • Qandho 38.33 digrii ama 101 F
  • Xaako dhiig wadata
  • Buro kutaala cunaha
  • Xabeeb kabadan laba todobaad iyo ka badan

Sida guriga loogu daaweeyo cuna xanuunka

  • Biyo cusbo/milix leh oo lagu luqluqado
  • Cabidda biyo badan oo diiran, sida shaaha, maraq
  • In laga fogaado xasaasiyad ciyaasha sida sigaarka iyo kiimikaalada kale
  • Yareynta caabuqa ayadoo la isticmaalayo xanuun baabi’iyasha

Hadii infekshan uu sababay bakteeriyada waxaad ubaahan tahay in dhaqtar dawo kuu soo qoro oo aad sida uu ku faray u raacdid

Sida looga hortago cuna xanuunka

Waxyaabaha badan ee sababa waa infekshan, tilaabooyinka waxay ka hortagi karaa infekshan kugu dhaca mustaqbalka. Gacmaha oo si joogta ah loo dhaqo waxay dileysaa geermiska, bakteeriyada, iyo fayrusyada, tilaabooyinka kale waxaa ka mid ah

  • Hala wadaagin dadka weelasha wax lagu cabo
  • Gacmaha saabuun isaga dhaq ama biyo
  • Yaree taabashada aad taabatid meelaha dadka intoo badan ay taabtaan
  • Yaree la kulan ka xasaasiyad kiciyaasha
  • Ka fogoow cabidda sigaarka

Akhriso: Dawo-Guri Cune Xanuunka Cune Xanuunka Lagula Dagaallami Karo

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *