Sababaha Keeno Xanuunka Riixa Ama Tufta (Osteoarthritis) Iyo Daweyntiisa

xanuunka riixa, tufta

Xanuunka riixa (Osteoarthritis) waa xanuunka ugu badan ee kudhaca kala goysyada, wuxuuna saameeyaa malaayiin qof oo ku kala nool dunida daafaheeda. Xanuunka riixa wuxuu yimaadaa marka carjawda u dhaxeysa lafaha ee ku yaala kala goysyada ay duugoobaan.

Inkastoo xanuunkaa kala goysyada uu ku dhici kara xubin kasta oo jidhka kamid ah, hadana waxa uu badanaa ku dhacaa kala goysada gacmaha, jilbaha, sinta iyo lafta dhabarka.

Astaamaha riixa waa kuwa inta badan la maareyn karo, in kastoo aan dib loo celin karin waxa sababaya carjawada iney duugoowdo.

Qofka oo joogteeya nolol dhaqdhaqaaq leh, iyo joogteynta miisaan fiican ayaa ah arrimo lagu gaabin karo sii socoshda xanuunkaan iyo yarenta Xanuunka kala goysyada.

Waa maxay astaamaha xanuunka riixa?

Astaamaha xanuunkani waa kuwo si tartiib ah ku soo muuqda, kedibna ka sii dara hadba sida uu wakhtiga isku guro, astaamaha iyo calaamadaha riixa waxaa kamid ah:

  • Xanuun: kala goysyada ayaa xanuuna xilliga socoshada ama socoshada kadib
  • Damqasho: kala goyska ayaa damqada marka cadaadis yar la saaro
  • Adeyg: adeyga kala goyska ayaa inta badan la dareemaa marka hurdada laga soo tooso subaxdi
  • Dabacsanaan la’aan: lugta oo aan si buuxda loogu dhaqaajin kara habka kala duwan
  • Dareen isxoqitaan: waxaa laga yaabaa inaad dareentid in lafaha ay is xoqoyaan marka aad soconeysa ama dhaqdhaqaajisid
  • Kasoo-bax lafo oo aad ka dareentid hareeraha kala goyska xanuunsan.

Maxaa sababa xanuunka riixa?

Riixa wuxuu yimaada marka carjawda kala ilaalisa darafaha lafaha ay duugoowdo. Carjawda waa nude adag oo suurta gelisa dhaqdhaqaaq aan isxoqid laheyn.

Riixa wuxuu ka dhashaa marka carjawda xunxun yeelato, kedibna ay dhammaato ama duugowdo, waxaa soo hadhaya lafa isxoqaya.

  • Da’ weyn: halista waa mid la korta da’da
  • Jinsiga: dumarka ayaa unugul iney la darsaan riixa, in kastoo aan la garaneyn sababta
  • Buurnida: cayilka wuxuu ka qeyb qaataa imaanshaha riixa sababtoo ah miisaanka dheeriga wuxuu cadaadis saarayaa lafaha culeyska qaada sida lafaha bowdada iyo jilbaha.
  • Dhaawac soo gaadha kala goysyada: dhaawacyada dadka kasoo gaadha ciyaaraha iyo shilalaka waa kuwo badiya halista xanuunka.
  • Shaqooyinka qaar: shaqada hadii ay u badan tahay mid cadaadis saareysa kala goysyada
  • Hiddo: dadka qaar ayaa dhaxla waxyaabaha fududeeya in xanuunka uu yimaado
  • Lafaha sida aan caadi aheyn usameysan.

Sidee loo daaweeyaa riixa (tufta)?

Riixa waa xanuun kasii dara wakhtiba wakhtiga ka dambeeyo, adeyga kala goyska ayaa noqon kara mid adag, qofkana waxaa ku adkaada shaqo maalmeedka. Dadka qaar ayaan awoodin iney shaqeeyaan. Marka xanuunka kala goyska uu noqdo xad dhaaf, dhakhaatiirta waxaay ku taliyaan in lagu bedelo xubinta xubin macmal ah.

Wakhtiga hadda aan joogno, lama joojin karo waxa sababaya riixa, hasa yeeshee astaamaha waa kuwa si buuxda loo maareyn karo ayadoo la sameynayo isbedel xaga nolosha ah, terabiga jidhka ah, dawooyin iyo qalliin. Jimicsiga iyo gaadhidda miisaan caafimaad ayaa ah inta badan siyaabaha loo maareeyo riixa.

Dhakhtarka wuxuu ku talin karaa in bukaanka uu isticmaalo dawooyinka xanuunka joojiya, iyo terabiga jidhka ah.

Hadii ay intaas shaqeyn waayaan, dhakhaatiirta waxa ay inta badan ku taliyaan in la sameeyo qalliin lagu badalayo gebi ahaan kala goyska xanuun, oo laguna badalayo kala goys macmal ah oo ka sameysan bir ama caag heer sare ah.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *