Health

8 Tallaabo Oo Aad Miisaanka Iskaga Dhimi Kartid

In miisaanka la dhimo wuxuu u muuqdaa wax iska fudud ,laakiin sidaasi wey ka adagtahay waxaana loo baahan yahay in aad maskaxda ku heyso hadaad dooneyso in aad miisaanka iska dhinto in markiiba uusan kaa dhaceyn oo inyar inyar ay u baaba’yaan. waa geed aad u weyn caleen badana leh oo maalinba ay xabad caleen ah ka so dhacdo ilaa …

Read More »

12 Siyaabood Oo Aad Ku Horumarin Karto Caafimaadkaaga Xiliga Soonka

Afeef: Waxaan ka cudur-daaranayaa ereyo hor leh oo aan af-Soomaali u waayay, sababtuna tahay, Sayniska oo aan erey-bixin ballaadhan ku lahayn af-Soomaaliga. Bisha barakaysan ee Ramadaan waa bisha ay Muslimiintu soomaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Soomku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka. Soonku waa inaad cuntada iyo cabbitaanka ka dheeraato inta u dhaxaysa oogta …

Read More »

3 Waxyaabood Oo U Daran Caafimaadka Ilkaha Iyo Xalka

Ilkaha ayaa ah quruxda qosolkaga, hadaba waa ay haboontahay in caadaantood iyo caafimaadkooda la dhowro 1. Cabitaanka Warshadeysan Cabitaanka dhalooyinka ku jira ama casiirka qasan ayaa sokor aad u badan iska leh kasoo marmar ka sokor badan soda-da sida pepsi. Cabitaankisa ayaa wax saas ah uga sahlaneyn adoo shukulaato ku luqluqda. Xalka: Waxad ku caabtaa tuubada cabitaanka ‘Straw’ oo cabitaanku …

Read More »

Sidee Iskaga Ilaalin Kartaa In Macaanku Kugu Kaco Xiliga Soonka

Majalad ka faalloota arrimaha caafimaadka oo ay soo xigatay shabakadda Al-Carabiya ayaa dhowaan baahisay natiijada cilmibaadhis ka digtay xilliga afurka ee bisha soonka uu qofku ku talax tago cunto cunista. Daraasaddan ay faafisay majaladda Diabetes Care oo aan Afsoomaali usoo rognay ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in qofku cuntadadiisa ka dhigo laba qaybood oo aasaasi ah, qaybta hore …

Read More »

Faaidada In Mooska La Cuno Xiliyada Afurka Iyo Suxuurta

Intabadan khuburada ku taqasusay faa’iidada qudaartu ay u leedahay jirka bini’aadamka ayaa kula talinaya qofka sooman inuu cuno muuska afurka ama suxuurta maadama uu faa’iido badan u leeyahay qofka. Waxaa la ogaaday in Muusku uu ka caawiyo jirka bini’aadamka in uusan dareemin oon badan taas oo u wanaagsan qofka sooman, maadaama looga baahan yahay in uusan wax biyo ah cabin …

Read More »

Sababaha Keena Harraadka Xiliga Soonka Iyo Siyaabaha La Iskaga Ilaalin Karo

Soonka, oonka, ramadaanka

Waa arrin iska caadiya in qofku uu xilliga soonka harraad dareemo, gaar ahaan marka la eego xilliga ay sannadkan ku soo beegantay oo ah xagaa kulayl jiro, lana af-xidhnaanayo in ka badan 14 saac maalintii. Saacadahaa uu qofku af xidhan yahay waxaa si joogto ah jidhka uga baxaya biyaha illaa uu afurka soo gaadho isaga oo baahi weyn oo deg-deg …

Read More »

Faaidooyinka Soonku U Leeyahay Xanuunada Ku Dhaca Wadnaha Iyo Xididada Dhiiga

Wadne Xanuunka iyo guud ahaan xanuunnada ku dhaca halbawlayaasha dhiiggu waxa ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee dunida maanta loogu dhinto, sida la ogyahayna Soonku waxa uu beddelaa hab-nololeedkii maalinlaha ahaa ee qofka, taasina waxa ay qasab ka dhigaysaa in qofku is weydiiyo raadaynta uu soonku ku yeelan karo xaaladda caafimaad ee bukaanka wadnaha iyo xididdada dhiigga. Haddaba …

Read More »

7 Dariiqo Oo aad Ku Kobcin karto Xusuusta Maskaxdaada

Maskaxdu waxay ka mid tahay nimcadda ugu qaalisay ee ilaahay Bani’aadamka ku manaystay, waana waxa Ilaahay bani’aadamka uu kaga fadilay makhluuqa caalamka ku nool intiisa kale. Maskaxda kobaceeda iyo fikirkeeda waxaa saamayn ku yeesha deegaanka uu qof ku nool yahay, waayaha nolosha ku hareeraysan, caafimaadka qofka iyo arimo kale oo badan. Maskaxdu waxay suurayn kartaa nolol aan jirin waxaanay ka …

Read More »

Soonka Iyo Caafimaadka

Waa markale iyo maqaaladeenii taxanaha ahaa ee caafimaadka bulshada, oo aynu maanta sii ambaqaadi doonno maqaalladii ku saabsanaa soonka iyo caafimaadka guud ee jidhka, innagoo ku guda jirna bishii barakaysnayd ee ramadaan, iyo soonkii diinteenu ina fartay, waxaynu ognahay inay jiraan xaalado caafimaad oo soonka iyo salaadaha dhaadheer ee bishani ku soo kordhiyaan nolol-maalmeedkeena. Maqaalka maanta waxaan si kooban u …

Read More »

Waxtarka Hurdada Iyo Inta Saacadood Ee Qofka Caadiga Ah Ku Filan

Nin baa u tagay dhaqtar isagoo ka cabanaya hurdo la’aan. Baaritaan dheer ka dib dhaqtarkii wuu waayay wax dhibaato caafimaad ah oo bukaanka haya. “Saaxiib, ma kula taliyaa”, ayuu dhaqtarkii ku yiri bukaankii. “Marka habeenkii aad seexanayso sariirta hala tagin shidooyinka gaarka kuu ah ee aad maalintii wajahdo.” “Haah”, ayuu la soo booday bukaankii. “oo habeenkii xaaskaygu ma doonto inay …

Read More »

Faaidooyinka Jimicsigu U Leeyahay Cudurka Macaanka

Cudurka sonkortu (diabetes) waa cudur aad halis u ah oona sababa hadii aanan si sax ah loo koontoroolin dhibaatooyin kala duwan sida:- indha la’aan, kalyo beel , wadna xanuun, iyo dhibaatooyin kale oo ku yimaada in badan oo kamid ah xubnaha jirka. Sonkorta laba nooc (type) aya loo kala saaraa, Type1 iyo Type 2. Sonkorta type 1; jirka ma sameensan …

Read More »

Faaiida Caafimaad Ee Socodka Lugta Ah

Daraasad laga sameeyay dalka Ingriiska  (Jaamacadda Cambridge) ayaa cadaysay in haddii qofku uu maalintii socodo qiyaas dhan 30 daqiiqo ay taasi  siinayso caafimaad buuxa. Darasaadda ayaa sheegtay in socodku dawo ka yahay xanuunada wadnaha, burooyinka kansarka ah, iyo weliba cimri degdega. Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay inay baadhayaan xidhiidhka ka dhexeeya cimri degdega iyo nashaadka jidhka. Socodka dhakhsaha ah ee 30-ka daqiiqo ayaa …

Read More »

Hurdada Iyo Quruxda

Soomaalida ayaa hore waxa ay ugu maahmaaday “hurdo habar korin wayday”, waxa kale oo hore uga jirtay caalamka in meelo badan ay dumarku aaminsanaayeen in hurdada ay ka helaan jir qurux badan. Hadaba hurdada aad si wanaagsan u seexato habeenkii ayaa waxa ay kaa dhigaysaa gabadh qurux badan. Bal waxa aad waydiisaa gabdhaha badan ee asxaabtaada ah waxa ay ku …

Read More »

Baro Sida La Iskugu Caateeyo Quraac Ka Samaysan Boorash, Malab Iyo Muus

Waxaan akhristayaasha qiimaha badan ee ku xiran daryeelmagazine.com la wadaagaynaa sida la iskugu caateeyo quraac ka samaysan boorash, malab iyo muus. -Boorashku (porridge) Waxaa laga sameeyaa sareen ( oats) quraacda ayuu u wanaagsanyahay waxuu dhisaa murqaha waxuuna yareeyaa xeyrta, marka aroortii la soo tooso oo aad u cunto quraac ahaan wuxuu kaa caawiyaa in aad mudo aadan gaajoon, boorashku waxa uu ka mid …

Read More »

Welwelka iyo Saamaynta Uu Kuu Yeesho Hab-Dhiska Difaaca Jidhka

Welwelka badan waxa uu qofka ka dhigaa mid bukaan-jiif ah, laakiin waxa arrintaa isku hawlay saynisyahanno Maraykan ah, waxaanay daraasad ay sameeyeen ku xaqiijiyeen doorka welwelku ka ciyaaro in waxyeello soo gaadho hab-dhiska difaaca jidhka dadka. Waxay sidoo kale cilmi-baadhistooda daaha kaga qaadeen doorka naxdintu ka qaadato xannuunada jidhka ku dhaca laga bilaabo wadne xannuunka ilaa murugada. Saynisyahannada Maraykanka ah, …

Read More »