Health

Faa’idada Barida Idaha Iyo Xanuunnada Lagu Daweeyo

subaga idaha, barida idaha,

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah: Gooryaanka iyo bakteeriyada caloosha. Hargabka iyo ifilada. Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka. Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka. Xanuunka shoqosha ama idiinyada. Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno “Sciatica” Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda. Gaas …

Read More »

Maxaa Laga Sameeyaa Cabitaanka Fiimtada, Caafimaadka Se Ma Uroon Yahay, Mise Wuu U Daran Yahay?

cabitaanka fiimtada, vimto

Bismillah, Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cabitaanka loo yaqaano “Vimto” oo aad looga cabo gayiga soomaalida iyadoo dad badan ay ka aaminsan yihiin inay caafimaadka u roon tahay ama lagu daaweeyo xanuuno kala duwan, taasoo keentay in dadka xanuunsan iyo haweenka umusha ah lagula dardaarmo!. Marka ugu horayso aan qoraalka ku bilaabo taariikh kooban ee ku saabsan cabitaankaan, waxaa cabitaankaan …

Read More »

Sababaha Keeno Madax Xanuunka Qubeyska Iyo Qaabka Loo Yarayn Karo

madax xanuunka qubayska

Bismillah, Waxaan qoraalkaan kaga jawaabaynaa madax xanuunka la dareemo markuu qofka madaxa dhaqdo ama qubeysto, taas oo waagii hore la aaminsanaa inuu khaas u yahay dadka qaba goonjabka ama “Migraine”, waxaana lagula talin jiray dadkaas inay daawada goonjabka qaataan qubeyska ka hor ama kadib, laakiin cilmibaaris lagu sameeyay dalka Hindiya (India) waxaa la ogaaday in madax xanuunkaan uu yahay mid …

Read More »

Si Aad U Hesho Hurdo Xasiloon Habeenkii, Ka Dheerow Caadooyinkan!

hurdo macaan, hurdo la'aan,

Helida hurdo tayo leh waxa ay lagama maarmaan u tahay caafimaadka. Balse dad badan uma sahlana inay helaan hurdo wanaagsan. Waxaa jira waxyaabo badan oo aad samayn karto maalintii si aad u hesho hurdo wanaagsan habeenkii. Sida oo kale waxaa jira waxyaabaha ay tahay inaad ka dheeraato si aysan hurdada kaaga xumaan. Waxaan qormadaan ku soo qaadanaynaa caadooyin ay xeeldheereyaashu sheegeen …

Read More »

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada ka hor waa hab qadiimi ah oo loo adeegsado in nafta lagu dejiyo iyo wanaajinta tayada hurdada. Wareegga hurdada ee aadamaha waxa uu xiriir wayn la leeyahay heerkulka jirka. Tani waa sababta qubayska hurdada ka hor uu u saamayn karo dhaqsiyaha aad ku gam’i karto …

Read More »

Sababaha Keeni Kara Lalabada La Dareemo Aroortii

lalabada aroortii, quraacda subaxdii

Bismillah, Casharkeena maanta wuxuu ku saasbsan yahay arrin ku badan bulshada taasoo ku saabsan lalabada la dareemo subaxdii hore illaa barqadii laga gaaro taasoo qofku quraacan karin, sidaasne shaqada ama waxbarasahada ku aado. Maxaa keeno cilladaan? Cilladaan waxaa keena dhowr arrimood oo kala duwan, waxaana u kala hormarin doonnaa sida ay ugu kala badan yihiin bulshada iyo mid walba sida …

Read More »

Khudrado Dalkeenna Laga Helo Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Wadnaha

khudrado, wadnaha

Wadne xanuunku waa sababta koowaad ee dunida maanta loogu dhinto waxaana la aaminsan yahay in wadne xanuunka iyo xaaladaha caafimaad ee ka dhashaa ay si isa soo taraysa ugu badanayaan guud ahaanba daafaha dunida. Qormadan waxa aynu akhristayaasheena kula wadaagaynaa khudrad ay culimada caafimaadku xaqiijiyeen in ay la saaxiib tahay wadnaha oo ay xoojiso caafimaadkiisa, khudraddaas oo tiro badan waxa aynu …

Read More »

Noocyada Cabsida Foobiyada Sababaha Keeno Iyo Dadka U Nugul

noocyada cabsida, cabsi,

Foobiyadu waa xanuun maskaxeed, leh dareen cabsiyeed ama baqdin joogta ah. dadka qaba xanuunka foobiyada waxay leeyihiin waxyaalo badan oo ka danbeeya in xanuunkan ku dhaco, dadka qaarkood waxay yeeshaan astaamo ay kamid yihiin cabsi daran, argagax joogta ah iyo feejignaan. cabsida haleesha bukaanada la ildaran xanuunkan waxay noqon kartaa mid ku xiran waqtiyo gaar ah, goobo gaar ah ama …

Read More »

Qaababka Loo Xifdiyo Caafimaadka Wadnaha

xoojinta caafimaadka wadnaha

Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Yahoo Maktuub waxa ay soo bandhigaysaa nidaam nololeed uu qofku ku dhowri karo caafimaadka wadnihiisa. Iska yaree Milixda: Mar kasta oo ay korodho xaddiga milixda ee qofku cunayo waxa uu khatar u yahay dhiig kar, haddii uu marka hore dhiigkar lahaana khatartu waa ay ka sii badanaysaa. Taasina waxa ay sii badinaysaa in …

Read More »

Siyaabaha Ugu Fiican Ee Loo Joogteeyo Qaab Dhismeedka Jirka

Qaab dhismeedka jirka, jir dhiska,

Dhisnaanta jirku waa mid u leh xiiso gaar ah qof kasta oo kamid ah bulshada, waa riyo cajiib ah oo hirgalinteedu wadato farxad iyo furfurnaan. La dagaalanka cayilka ama dhimida culeyska jirka ayaa u baahan waqti iyo go’aan adag. in badan oo bulshada ka mid ah ayaa la daalaa dhacaya sidiiay u dhimi lahaayeen cayilka saaran halka qaar badana ay isugu dayayaan …

Read More »

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa uu ku soo badanaya dhalinyarada. Arrimo kala duwan ayaa la xiriiriyaa sida cunno xumada, jimicsi la’aanta jireed, walwalka raaga iyo dhaxal. Fadhiga badan iyo caadaysiga cunnooyinka aan caafimaadka uroonayn ayaa ka mid ah waxyaabaha siyaadiya halista dhiig karka. Hadabba cilmi baaris lagu sameeyay dalka Ingiriiska …

Read More »

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo maskaxda marka uu qofku seexan waayo hurdo ku filan, waxa ay ogaadeen: Qofka aan hurdo ku filan seexanin go’aamo sax ah kama gaadho karo dhibaatooyinka nolosha Hurdadu waxa ay lagama maarmaan u tahay soo celinta iyo ilaalinta isu dheellitirnaanta maskaxda. Marka uu qofku soo jeedo …

Read More »

Cuntooyin Laga Helo Dhulkeenna Oo Sare U Qaada Joogga Iyo Dhererka Caruurta

cuntooyinka lagu dheeraado, caruurta,

Ma’ Ogtahay in nidaamka nafaqo ee qofku helayaa sida uu miisaanka xidhiidh ula leeyahay, si la mid ahna uu joogga qofka ugu leeyahay?! Jacaylka aadamuhu u qabo dhererku waa arrin laga siman yahay rag iyo dumarba. Waxa aana cilmi ahaan la og yahay in hidde-sidayaashu ay masuul ka yihiin jaangooyada joogga qofka, laakiin iyada oo ay taasi jirto, haddana lama …

Read More »

Dhibta Iyo Dheefta Caafimaad Ee Ku Jirta in Gabadhu Ay Uur Qaado Da’da 40 Jirka Kaddib (Qaybta 2aad)

uurka haweenka 40 jirka

Waa qeybtii labaad ee qormadii dhibta iyo faaidooyinka uurka da’da 40 jirka kadib, Saamaynta togan ee uur qaadista da’da 40 jirka ka weyn Marka khataraha qeybtii koobaad ee qormadan aan ku soo xusnay laga yimaaddo, waxaa iyaguna jira faa’iidooyin kala duwan oo ay culimada caafimaadku xaqiijiyeen in laga helo uurka haweenka da’doodu ka weyn tahay 40 jirka. Waxaa ka mid …

Read More »

Qiimaha Caafimaad Ee Miraha Fennel Seeds Iyo Xaaladaha Ay Sida Aadka Ah Wax Uga Taraan

miraha, fennel seeds

Fennel seeds waa miro muddo dheer bini aadamku u adeegsan jiray dawo ahaan. Waxaa la aaminsan yahay in mirahani ay ka hortag u yihiin cudurro badan, islamarkaana ay wanaajiyaan caafimaadka guud.  Mirahan, iyagoo ceyriin ah ayaa la cuni karaa ama shaah ahaan ayaa loo karsan waxayna lagu yaqaanna inay hagaajiyaan dheefshiidka waana sababta inta badan loo isticmaalo raashinka kadib.  Miraha …

Read More »