Health

Doogga Ama Cagaarka Muxuu Caafimaadka U Taraa? Qormo Xiiso Leh

dooga, geedaha caafimaadka,

Qoraalkaygu maanta waa mid muhiim ah oo aan jeclaan lahaa in qof walboo akhrinayo safiican u dhuuxo. Ilaahay bini’aadanka markuu abuuray, wuxuu dhulka kula abuuray waxyaabo badan oo isugu jiro waxyaabo nool iyo waxyaabo aan noolayn, sababta loola abuuray waxyaabo badan waan ka ognahay waxyaabo badane way naga qarsan yihiin, waxyaabaha aan ognahay waxaa ka mid ah in lagu intifaacsado …

Read More »

Maxaa Jidhka Ku Dhacaya Marka Qofka Uu Joojiyo Sigaar Nuugista?

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in dadka sigaarka cabba ay ku dhacdo xaaladda loo yaqaanno “brain atrophy”. Waxaa dhimanaya unugyada maskaxda, waxaana inta badan ka dhasha xanuunnada maskaxda ee ay ka mid yihiin illowga badan iyo maskaxda oo awoodi weyda in ay si habsami ah hawlaheeda u maamusho. Waxa kale oo ay keentaa asaasaqa, suuxdinta, xanuunka Parkinson’s iyo khalkhalka maskaxda. …

Read More »

Cuntooyin Ay Qalad Tahay In La Maydho Kahor Karinta & Sababta Caafimaad Ee Diidaysa

In cuntada aynu cunayno la iska maydhaa waa arrin caafimaadka u fiican dhaqan ahaanan tan iyo carruurnimada lagu barbaariyo ubadka. Waxa aynu naqaannaa in dadka cuntada kariya rag iyo dumarba ay badankoodu cuntada ay karinayaan maydhaan karinta ka hor, laakiin cilmi ahaan, waxaa la xaqiijiyey in cuntooyinka qaar aanay u baahnayn in la maydho. Iyo in cuntooyinka qaar maydhistu ku …

Read More »

Shaqooyinka Jidhka Bini-Aadamku Uu Qabto Inta Qofku Uu Hurdo Habeenkii

Celcelis ahaan marka la xisaabiyo cimriga uu dadku u badan yahay in uu noolaado iyo tirada sannadaha ka soo baxaya isu geynta saacadaha uu qofku dabiici ahaan seexdo, waxaa soo baxaysa in qofku marka cimrigiisa saddex meelood loo qaybiyo uu qayb ahaan ku qaato hurdo. Waxaana yaab leh in marka riyada uu arko laga tago in aanu qofku wax badan …

Read More »

Dhirta U Fiican Gubista Dufanka Jidhka, Miisaankana Dhima

dhimista miisaanka,

Miisaan dhimista waxa ay ka mid tahay arrimaha dunidan casriga ah loogu hadal haynta badan yahay, maadaama oo hab-nololeed iyo dabeecadda shaqada ee is beddelay ay sabab u noqdeen in uu aad u kordho miisaanka dadku. Dadka badankooda waa ay ku adagtahay in ay miisaanka u dhimaan qaabka hadda ee jimicsiga iyo hawlaha joogtada ah iyo wax ka beddelka cuntadu …

Read More »

Xaaladaha Sababa Xinjirowga Dhiiga Iyo Dadka Halista Ugu Jira

xinjirowga dhiiga,

Waa xaalad khatar ah taasoo dhacda marka dhiigu uu ku xinjiroobo xididada qotoda dheer ee jirka. Xinjirowga noocaan ah wuxuu badanaa ku samaysmaa bowdyahay ama cajirada iyo lugaha hoose, balse way ku samaysmi karaan qaybaha kale ee jirka. Astaamaha badanaa lagu garto: Cagaha, canqowga, ama lugaha oo barara. Xanuun kaa qabanaya meesha xanuunku kaa asiibay kaasoo badanaa kasoo bilowda kubka. …

Read More »

Aqoon Uyeelo Cuntooyinka Caawiya Joojinta Sigaar Nuugista

In la iska daayo caadada sigaar nuugistu waxa ay u baahan tahay dadaal iyo maamulis dheeraad ah. Laakiin waxaa jira habab ay dadka u kuurgalay aaminsan yihiin in qofka ay ka caawinayso in uu joojiyo sigaarka. Qoraaga Veronica Muyijo ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay wargeyska ‘Confederation’  ee ka soo abxa dalka Spain waxa ay ku xustay noocyo ka mid …

Read More »

Qaababka Loo Adkeeyo Lafaha, Caafimaadkoodana Sare Loogu Qaado

caafimaadka lafaha, lafo xanuun,

Sidee u xoojin kartaa caafimaadka lafahaaga? Waxaad u baahan tahay macdanta kalshiyaam iyo fitamiin D si aad u adkeyso lafahaaga. Kalshiyaam waxa ay door wayn ka qaadataa qaab dhismeedka lafaha, halka fitamiin D uu caawiyo in jirku uu cunnada ka nuugo macdanta kalsiyaam. Markasta oo ay da’da qofka sii weynaato lafuhu way daciifaan, sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in …

Read More »

Faaidooyinka Sinjibiisha Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Ay La Dagaallanto

sinjibiisha, faaidada sanjabiisha,

Sinjibiishu waxa ya ka mid tahay dhirta dhaqan ahaan iyo cilmi ahaanba la isla qirsan yahay in dawo ahaan loo isticmaali karo, taariikh ahaanna muddo dheer ayaa uu aadamuhu geedka Sinjibiisha u isticmaalayey dawo ay kula tacaalaan xanuunno badan. Dhinaca kalana cilmiga casriga ahi waxa uu qirsan yahay in dawo dhireedka la hubaa ay ka tayo badan tahay dawada sancayska …

Read More »

Haddii Aad Da’da 40 Jir Gaadhay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada & Midabka Dabiiciga Ah Ee Jidhkaaga

midabka jidhka, quruxda

Qofku marka uu gaadho da’da afartan jirka, gaar ahaan haweenka waxaa ku dhaca isbedello dhinaca abuurta ah oo wejiga u badan. Sababta ugu weynina waa hoos u dhaca heerka hormoonnada qofka ku imanaya. Raadadka ugu horreeya ee arrintani keentana waxaa ka mid ah midabka dabiiciga ah oo isbeddel ku yimaaddo. Shabakadda ‘Step to Health’ oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa …

Read More »

Waxyaabaha Soo Dedejiya Gabowga Maskaxda Iyo Qaababka Looga Hortago

Haddii aad Soomaalida ka maqli jirtay hebel ‘Nin weyn ma aha ee wuu is boobay!’ cilmiga qudhiisiina waxa uu caddeeyey in dhaqannada iyo macaamilka qofku ay gabowga soo dedejin karaan, sida oo kalana ay dib dhigi karaan, hadba wanaag iyo xumaan midka ay yihiin. 1. Nooc cunto, tayadeeda, iyo isu dheellitirnaanteeda nafaqo, iyo sida oo kale sunta ama wasakhda hawada …

Read More »

Astaamaha Digniinta Ah Ee Infekshanka Kilyaha Ku Dhaco

infekshanka ku dhaca kilyaha, kelyo xanuun,

Waxaa cilmi ahaan la wada og yahay in kilyuhu ay yihiin shaandhada dhiigga oo shaqo aad u badan u haysa hannaanka shaqo ee qofka, laakiin intaas kuma koobna ee sidoo kale waa isha awoodda iyo tamarta uu qofku ka helo. Labada kilyood waxa ay jirka ka soo saaraan qashinka ka hara cuntada si aysan dhiigga ugu dubin kadibna sun ugu …

Read More »

Geedka Moringa: Xaaladaha Caafimaad Ee Uu Wax Ka Taro Iyo Khasaarihiisa

faaidooyinka geedka moringa,

Moringa oo ah geed asalkiisu ka baxo woqooyiga Hindiya, waxa uu ka mid yahay dhirta sida fudud uga bixi karta deegaannada kulaylaha ah ama ku dhow. Muddo qarniyo ka hor ah ayaa geedkan caleentiisa, ubaxiisa iyo midhiisaha dawo ahaan loo isticmaalayey. Waxaana laga helaa faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karayn, sida dejinta dhiigga, Daweynta keliyo xanuunka iyo sifaynta …

Read More »

KANSARKA DHIIGGA: Sababaha Keena, Astaamaha Lagu Ogaado Iyo Sida Looga Hortago

kansarka dhiigga, kansar,

Kansarka dhiigga (leukemia) Waa kansarka haleela unugayada jirka u sameeya dhiigga. Unugyadaan oo ay ka mid yihiin dhuuxa iyo limfiga ayaa aassaas u ah sameynta unugyada dhiigu ka koobanyahay. lukiimiya waxay la xidhiidhaa unugyada cad ee dhiiga. Unugyadaan ayaa jirka u qaabilsan inay ka difaacaan waxyaabaha soo weerara oo ay ka mid yihiin ilma qabatadu. Unug ka mid ah dhiiga cad …

Read More »