CALOOL ISTAAGGA: Sababaha Keena, Khataraha Ka Dhalan Kara Iyo Talooyin Muhiim Ah

calool istaagga, calool fadhiga, saxarada

Calool istaagga oo ah dhibaato ay dad aad u badani ka cawdaan, ayaa ay dhaakhtiirtu caddeeyeen in uu calaamad u noqon karo xaalad caafimaad darro oo qofka haysa, iyo in uu keeni karo xaalado khatar ah.

Inkasta oo ay dadku ku kala duwan yihiin inta jeer ee uu qof kasta qashin qub samaynayo, haddana marka si guud loo qiimeeyo celcelis ahaan haddii qofku uu toddobaadkii wax saddex jeer ka yar saxaro u fadhiisto, isla markaana saxaradiisu ay tahay mid ingagan oo adag, ama uu mararka qaarkood dareemo in ay si dhib ah ku soo dhaafayso, waa calaamado uu ku garan karo in calool istaag uu hayo.

SABABAHA KEENA CALOOL ISTAAGGA

CILLAD KU TIMAADDA DHAQDHAQAAQA MIDHICIRADA LOOGA BAAHAN YAHAY:

Dhaqdhaqaaq iyo urur ay sameeyaan muruqyada darbiyada midhiciradu ayaa dhaqaajiya saxarada.
Inta ay saxaradu dhex marayso midhicirad, waxa ay midhiciradu leedahay awood ay kaga nuugta biyaha iyo macdanaha uu jidhku u baahan yahay, ee saxaradaha la socda.

Haddaba haddii dhaqdhaqaaqaas midhiciradu uu yaraado ama joogsado waxa uu macnaheedu noqonayaa in saxaradu ay muddo meel taagnaato. Taagnaantaas badanina waxa ay sababaysaa in midhiciradu ay ka nuugto biyo iyo macdano ka badan intii ay ka nuugi lahayd haddii ay saxaradu hore u dhaafayso. Sidaa awgeed ay aad u adkaato saxaradu. Waana markaas marka uu calool istaaggu dhacayaa.

Waxa kale oo keeni kara qofka oo ay ku yaryihiin cuntooyinka galka leh iyo cabbitaanka biyuhu.
Waxa ay khubaradu sheegayaan in galka cuntadu uu saxarada u sameeyo dhumuc, isla markaana uu midhicirada ku keeno dhaqdhaqaaqa. Halka biyuhuna ay ka hortagayaan in saxaradu ay ingagto.

HAB NOLOLEEDKA CASRIGA AH:

Hab nololeedka qofka oo noqda mid aan caafimaad ahaan saxnayn ayaa isaguna ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena calool istaagga. Tusaale ahaan qofka oo fadhigu ku badan yahay, isla markaana aad u isticmaala cuntooyinka sida degdegga ah loo diyaariyo (Pizza, Burger, Sandwich iwm), cuntada aan galka lahayn. Iyo sida oo kale biyo cabbista oo ku yaraata qofka.

Mashquulka shaqooyinka waqtigan adduunka ka jira iyo waajibkaadka qofka saaran oo badan ayaa sababi kara in qofku uu muddo ka adkaysto tegista suuliga. Waxa kale oo dhacda in aanu waqti ku filan ku qaadan suuliga. Si ay midhiciradu u hesho waqti ay soo riixo saxarada.

Waxaa jira dad waqti badan suuliga ka adkaysan kara iyaga oo u baahan; laakiin waxa aanay waxa aanay inta badan ogeyn in muddadaas ay saxaradu ku sii jirayso midhicirada, in midhiciradu ay wadato shaqadeedii ahayd in ay biyaha iyo macdanaha ka nuugto saxarada, taasina ay mar kasta sii adkaynayso siina ingajinayso saxarada. Sidaa awgeed saxarada oo muddo la xejisto ayaa iyaduna calool istaagga keeni karta.

DAWOOYINKA CALOOSHA JILCIYA

Dawooyinka caloosha jilciyaa waxa ay ka mid yihiin dawooyinka dunida maanta loogu isticmaalka badn yahay. Dadka badankooduna ay ku dagmeen sida degdegga ah ee laga yaabo in dawadu ay qofka saxaro uga keento. Gaar ahaan dadka miisaanka dhimaya oo og in calool socodsiintu ay ka qaybqaadato misaan dhimista.

Saxaradu waxa ay ka qayb qaadataa gubista, xaydha iyo dufanka jidhka, laakiin, cilmi ahaanna waxaa la ogaaday in dawooyinka caloosha lagu jilciyo, oo ay ka mid yihiin kuwa sida shaaha loo isticmaalo, kuwa budada ah, dareeraha kuwa ah ama kiniinku, in qofka ay si degdeg ah saxarada uga keeni karaan. Balse ceebtoodu ay tahay in aanay gubayn dufanka iyo xaydha.

Waxa ay dawooyinkani si aan dabiici ahayn oo xooggan u dhaqdhaqaajiyaan caloosha, si ay saxaradu u dhaqaaqdo. Sidaa awgeed dawooyinkan marka muddo dheer la isticmaalo, waxa ay qofka ku keentaa dhaawac.

Dhibaatada kale ee dawooyinkani waa marka la joojiyo isticmaalkooda oo uu qofka ku dhaco calool istaag aad u darani. Sababtuna waa midhicirada oo joojinaysa dhaqaaqii dabiiciga ahaa, maadaama oo ay la qabsatay dhaqaajinta dawadu.

ISBEDDELKA DEEGAANKA IYO HAB NOLOLEEDKA

Calool istaaggu waxa uu mararka qaarkood ku yimaaddaa qofka oo dalka ama deegaanka uu la qabsaday ka tagay, kaddibna nidaamka cunto fahmi waaya ama qofka oo cunto isku nooc ah joogto u cuna.

KHATARTA CAAFIMAAD EE CALOOL ISTAAGGA:

Calool istaagga joogtada noqdaa waxa uu keenaa khataro caafimaad oo badan. Waxaa ka mid ah in qofku uu yeesho babaasiir, in qayb ka mid ah dhuunta saxaradu soo marto ee xagga dambe ay dibadda u soo dhaafto daloolka, in saxarada caloosha ku ururaysaa ay mar kasta sii adkaato illaa ay gaadho heer aanay midhiciradu si dabiici ah u soo saari karin, xitaa haddii dawooyinka calool socodsiinta la isticmaalo. Taas oo mararka qaarkood gaadha heer ay qasab noqoto in qofka qalniin lagu sameeyo, si saxaradaas bannaanka loogu soo saaro.

TALOOYIN MUHIIM U AH CALOOL ISTAAGGA:

  • Dhaqdhaqaaqa jidhka iyo jimicsiga ku dadaal, tusaale ahaan jimicsiga socodka ah, danahaaga aad dhaqso u gaadhi kartana u lugee oo gaadhiga ha raacin.
  • Cunto isu dheellitiran cun, gaar ahaan cunto ay ku badan tahay noocyada khudradda, oo ay ka mid tahay khudradda cagaaran, khudradda midhaha ah iyo cuntada galka leh (buunshaha leh).
  • Waxaa dadka qaar ku dhacda marka ay si kedis ah u beddelaan nooca cunto ee ay isticmaali jireen, in ay isku arkaan dibbiro iyo naqas badan oo caloosha buuxiya, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in qofku uu dhakhtar la tashado iyo in uu si tartiib-tartiib ah ugu guuro cuntada cusub.
  • Maalin kasta cab ugu yaraan 8 koob oo biyo ah. haddii aad jimicsi samayso ama aad ku nooshahay deegaan uu heerkulkiisu sarreeyo waxa aad u baahantahay in aad biyo intaas ka badan cabto.
  • Haddii aad cunto gal leh isticmaasho oo aanad biyo badan raacin, waxaa dhici karta in ay calool istaagga sii badiso, ama ugu yaraan waxba ka tari weydo.
  • Marka aad xamaamka u baahato dhaqso u tag, oo muddo ha ka sii mashquulin, waayo xijisashada kaadida iyo saxaradu waxa ay dhaawac gaadhsiiyaan quruxda jidhkiisa iyo muuqaalka duleed ee qofka, waxa kale oo uu khatar ku keenaa caafimaadka.
  • Haddii calool istaaggaaga uu ku lammaan yahay calool xanuun, saxarada oo uu dhiig soo raacayo ama shuban kedis ah oo haddana mar kale calool istaaggu halkiisii ka sii socdo, ama ay calooshu muddo dheer ku taagnayd, waxaa waajib kugu ah in aad dhaqso dhakhtar ugu tagto.

Diyaariye: KAMAAL MARJAAN

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *