Cuntooyinka Caloosha Jilciya Ee Calool Istaagga Dawada U Ah

cuntooyinka caloosha jilciya

Cuntooyinka caloosha jilciya:

Calool istaag waxa loo yaqaannaa marka uu qofku saxaroodo saddex jeer ama ka yar asbuucii. Calool istaaga ayaa ah xaalad caafimaad oo aad caan u ah isla markaana dadka intooda badan ugu yaraan mar uun soo marta/martay noloshooda.

Calool istaagga waxaa ka dhalan kara babaasiir, dilaac soo gaara dabada (anal fissure) iyo saxarada oo ku xanibanta midhicirka.

Waxaa jira habab dabiici ah oo loola tacaali karo calool istaagga, waxaa ka mid ah cunista cunnooyinka hodanka ku ah ganka (fibre), biyo cabbista oo la badsado iyo jimicsi joogto ah.

Cunista cunnooyinka uu ku badan yahay ganka iyo biyo cabbista waxay caawiyaan ka hortagga calool istaaga. Sida khubarada caafimaadku ay tilmaamayaan, dadka waa wayn waxay u baahan yihiin 25 garaam illaa 31 garaam oo faybar ah maalin kasta. Biyaha iyo dareereyaasha kale waxay jilciyaan saxarada waxayna caawiyaan inay si fudud u timaado.

Hadaba waxaan halkaan ku aruurinay cuntooyinka caloosha jilciya si dabiici ah oo ka hortag iyo dawaba u noqon kara calool istaagga. Ka faaidaysi wacan.

Digirta iyo Misirta:

Digirta iyo misirta waxaa ku jira waxyaabo badan oo uroon caafimaadka dheefshiidka, way sahlan tahay in calooshu shiido, waxayna ka hortagaan calool istaaga.

Mooska:

Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan ganka, kaas oo calool istaagga ka hortaga, dheefshiidkana uroon.

Qajaarka:

Qajaarku 96% waa biyo sidaas darteed wuxuu ka mid yahay cunnooyinka ugu fiican ee lagula tacaalo calool istaagga.

Baamiyaha:

Baamiyuhu wuxuu u fiican yahay dheefshiidka, caloosha wuu jilciyaa, mindhicirradana wuxuu ka caawiyaa qashin saarka, baabasiirkana wuu ka hortagaa.

Caanaha:

Caanaha waxaa ku jira nafaqo dhamaystiran iyo maaddooyin cunto oo jirka ka caawiya in uu si habsami ah u qabto hawsha dheefshiidka. Sidaa awgeed waxa uu qofka ka caawiyaan in aysan calooshu istaagin.

Miraha chia seeds:

Mirahani waxay ka mid yihiin cunnooyinka loo yaqaanno “superfoods” sababtuna waa faaidada tirada badan ay xambaarsan yihiin. Waxaa ku badan ganka, waxay saxarada ka dhigaan mid jilicsan waxayna caawiyaan inay si fudud u timaado. Chia seeds siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaali karaa, waxaa lagu darsan karaa cabitaannada dabiiciga ah ee la shiito, boorashka iyo caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno yoghurt-ka.

Cunnooyinka laga sameeyay qamadiga:

Qamadiga iyo cunnooyinka ka sameeyay sida rootiga iyo siiriyaalka waa il aad u u wanaagsan oo laga helo ganka aan hore u milmin (insoluble fibre) kaas oo kordhiya saxarada islamarkaana dedejiya inay ka gudubto mindhicirrada.

Cinabka:

Cinabku wuxuu kobciyaa xarakaadka mindhicirrada, sababtoo ah wuxuu qani ku yahay fibre iyo biyo.

Khudradda cagaaran:

Khudradda cagaaran sida koostada iyo broccoli-ga, waxay hodan ku yihiin fibre, sidoo kale waa il muhiim ah oo laga helo folate, fitamiin C iyo K. Waxay badiyaan saxarada taas oo caawinaysa in saxaradu si fudud usoo marto mindhicirka.

Cambaruudka:

Miraha cambaruudka oo la cuno waxay caawisaa daaweynta calool istaagga, sababtoo ah waxaa ka buuxa sonkorta “fructose” iyo “sorbitol” oo caloosha jilciya.

Tufaaxa:

Tufaaxa waxaa ku jirta maadada “pectin fibre” dedejisa in saxaradu soo marto mindhicirrada, calaamadaha calool istaaggana wanaajiya.

Liinta oranjada:

liinta oranjada waxaa ku jira gan si fudud u milmi kara iyo mid aan hore u milmin, taas oo la aaminsan yahay in uu midhicirada ka caawin karo hawlaha ay qabtaan. Sida awgeed waxay oranjadu dawo fiican ka noqon kartaa calool istaagga, maadaama maaddooyinkaas ku jira ay midhicirada ka caawinayaan qashin saarka. Waxaa kaloo liin oranjada ku jira fitamiin C iyo maado la yiraahdo “naringenin” oo u shaqaysa sida calool jiliciye, taas oo ka dhigaysa saxarada mid si fudud usoo marta mindhicirrada.

Timirta:

Timirtu waxay leedahay gan caloosha ka caawiya ka hortagga calool istaagga. Hababka loo isticmaali karo marka caloosha lagu socodsiinayo waxaa ka mid ah in biyo lagu dhex rido oo habeenkii oo dhan lagu daayo, kaddibna subaxda hore la cabbo biyahaas iyo wixii ka hadhay timirtii milantay.

Biyaha:

Waa ahmiyadda koobaad in aad heshaa biyo ku filan jirkaaga si aysan saxaradaadu u qallalin.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *