Goorma Ayaa Uu Calool Fadhigu Dhibaato Caafimaad Keeni Karaa?

Calool istaaggu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caafimaad darro ee qofka marar kala duwan hela. Dad badan ayaan dareensanayn in uu yahay dhibaato sababi karta khatar caafimaad. Birgit Terryung oo ah dhakhtar Jarmal ah oo ku xeeldheer xanuunnada uur ku jirta ayaa sheegta in calaamadaha calool istaagga ay ka mid yihiin:

  1. Dibbiro uu qofku dareemo.
  2. Cadaadis badan oo uu xilliga saxarada la dareemo.
  3. Qofka oo saxarada dhammaysta isaga oo dareensan in aanay si buuxda uga soo dhammaan.

Sababaha keena calool istaagga:

Calool istaaggu waxa uu ku dhici karaa dhamman da’aha kala duwan ee qofka, laakiin waxa uu aad ugu badan yahay dadka waayeelka ah, sababaha ku keenana waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa jidhka oo ku yar ama jimicsi la’aanta,, cuntooyinka ganku ku yar yahay, biyo yar oo ay cabbaan, iyo hoos u dhac da’da awgeed ah oo ku yimaadda geeddi socodka saxarada ee midhicirada weyn.

Raadadka taban ee dawada

Shabakadda Aljazeera ayaa Prof. Christian Bill oo ku xeeldheer caafimaadka habdhiska difaaca ka soo xigatay in xanuunnada qaarkood ay sababaan calool istaagga; waxaa ka mid ah macaanka, asaasaqa, faaligga, xanuunka gariirka keena ee Parkinson iyo xaaladaha nafsiga ah ee qulubku ka mid yahay.

Sida oo kale dawooyinka qaar ayaa keena calool istaagga, waxaa ka mid ah dawada Parkinson ka iyo dawooyinka xaaladaha nafsiga ah loo qaato ama qofka lagu dejiyo.

Cunto iyo jimicsi

Siyaabaha lagula dagaalami karo calool istaagga waxaa ka mid ah cunto caafimaad ahaan isu dheellitiran oo la cuno, cuntooyinka ganka leh oo la badsado, sida waddaniga iyo noocyada khudaarta, biyo iyo dareere badan oo la cabbo iyo Jimicsiga xarakaadka jidhka oo la joogteeyo maadaama oo uu jimicsigu kor u qaadayo dhaqdhaqaaqa midhicirada, taasina saamayn ku yeelanayso saxarada.

Haddaba waxa ay dhakhaatiirta uu Bill ka mid yahay ku talinayaan in qofka calool istaagga lihi uu dhakhtar dhaqso ula tashado haddii ay xaaladdiisu tahay:

  • Haddii calool istaaggu uu muddo dheer oo xidhiidh ah socdo
  • Haddii uu qofku isku arko dibbiro iyo calool xanuun badan.
  • Haddii uu dhiig ku arko saxarada.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *