Aqoon Badan Uyeelo Cudurada Galmada Lagu Kala Qaado (STDs)

Cudurrada lagu gudbiyo galmada waxaa loo yaqaanaa Sexually Transmitted Diseases (STDs) waana cudurro ku faafa galmada loo galmooda qof qaba cudur faafi kara, galmadaas oo la xariiri karta Afka, dabada, siilka ama guska.

Cudurada STDs waa cudurro halis ah una baahan daaweyn, in kastoo cudurrada qaar ay halis yihiin oo aan la daaweyn karin sida HIVga, waxaa muhiim ah inaad ogaatid ood lasocotid sida aad uga badbaadin kartid naftaada cuddurada STDs sida:

  • Cuncunka xubnaha taranka
  • Finanka xubnaha taranka/ HPV
  • Cagaarshoow B
  • Kalaamidiyada
  • Waraabowga
  • Jabtada

Astaamaha cudurada lagu gudbiyo galmada

Mararka qaar waxaa laga yabaa ineysan qofka kasoo bixin wax calaamad ah, hadiisa ay kasoo kabaxaan waxaa kamid ah

  • Finan, nabar kasoo baxa agagaarka afka, dabada, xubnaha galmada ee ragga iyo dumarka
  • Barar agagaarka xubnaha galmada ee ragga iyo dumarka
  • Maqaar cuncun
  • Xanuun xiliga kaadida
  • Misaanka jirka oo luma, saxara jilicsan, dhidid xiliga habeenki
  • Xanuun, qandho, qarqaryo
  • Joonis
  • Dhacaan kasoo baxa xubnaha galmada ee raga iyo dumarka( kan kasoo baxa xubinta galmada ee dumarka wuxuu lee yahay ur)
  • Dhiig kayimaada xubinta galmada ee dumarka xili aan ahayn xiliga caadada
  • Xanuun imaanaya xiliga galmada
  • Agagaarka xubnaha galmada ee ragga iyo dumarka oo si daran u cuncuna

Sideen u ogaadaa inaan qabo cudur STD ah?

Waxaa laga maarmaan ah inaad la hadasho dhaqtarkaaga, kadib waxuu sameynayaa baaritaano caafimaad oo sheegi kara cudurada aad qabtid waa hadii ay yihiin kuwa lagu kala qaado galmada, kadib daawada uu kuu qoro waxey sameyn kartaa:

  • Iney daaweyso cudurro badan oo kamid ah STDs
  • Iney khafiifiso calaamadaha cudurada STDs
  • Iney yareeso inaad sii faafisid cudurka

Side loo daaweeyaa cudurada lagu kala qaado galmada?

Cudurada STDs inta badan waxaa lagu daaweeyaa qalajiyaal
Hadii dhaqtarka uu kuu qoro wax antibaayootik ah si loo daweeyo cudurka STD, waxaa muhiim ah inaad qaadato dawooyinka oo aad dhameeyso xataa hadii cudurka calaamadihiisa ay joogsadaan, sidoo kale waligaa ha isticmaalin dawo loo qoray in lagu daaweeyo cudur qof kale uu qabo, sababtoo ah hadii aad qaadatid waxey adkeyneysaa in la ogaado cudurkaaga kadib na la daaweeyo

Sideen uga hortagaa in cudurrada STDs ku ay ihaleelaan?

  • Sida kaliyaa ee looga hortagi karo waa inaadan u galmoon qofna
  • Waa inaad adiga iyo xaaskaaga iska baartaan cudurada STDs inta aadan isguursan kahor oo aysan dhicin wax galmo ah
  • Iska baar cudurrada qaar ee STD xitaa hadii aadan horay ugu dhicin wax galma ah, sababtoo ah cudurrada qaar waxaa lagu kala qaadi karaa siyaabo kale oo aan eheen galmada

Talo:

waa inaad ka fogaataa wax kasta oo sababi kara inaad ku dhacdid galmo xaaraan ah.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *