Calaamadaha Cudurka Aydhiska (HIV AIDS) Iyo Siyaabaha Lagu Qaado

Cudurka aydhiska waa cudur dilaa ah oo uu  sababo fayruska a looyaqaan ”human immunodeficiency virus” (HIV).

HIV Wuxuu daciifiyaa hab difaaceedka jirka asagoo burburinaya unugyada loo yaqaan CD4 positive.

Hadafka ugu wayn ee unugyadaan waa inay hab difaaceedka jirka ka dhigaan mid u diyaarsan inuu ladagaalamo cudur walba oo soo wajaha jirka.

Hadaba marka fayruska  HIV uu burburiyo  unugyada CD4 jirkaagu wuxuu noqonayaa mid daciif ah oo u nugul cudurada yaryar iyo kuwa waawaynba taasoo sababaysa inuu qofku noqdo qof aad u daciif ah awood ahaan iyo maskax ahaanba.

Waa maxay calaamadaha lagu garto HIV/AIDS?

Calaamadaha cudurkaan lagu garto waxay ku xiranyihiin hadba marxalada uu marayo cudurku ayadoo la tixgalinayo cadadka hoos u dhaca ee unugyada CD4.

Calaamadaha ugu horeeya ee lagu garto waxaa kamid ah

  • Madax xanuun
  • Qandho
  • Qarqaryo
  • Murqaha iyo kalagosyada  oo xanuuna,
  • Qanjirada oo barara.

Calaamadahan waa kuwa ugu horeeya ee bilowga ah balse waxaa jiri kara calaamado kale oo hadba kuxiran marxalada cudurka.

Habkee loo kala qaadaa cudurka aydhiska?

Cudurkaan waa cudur inta badan lagu kala qaado galmada.

Waxaa kaloo la iskugu kala gudbin karaa ayadoo qofku isticmaalo ama lagu shubo dhiiga qofka dariska la ah cudurkan. siyaabaha  kale ee la iskugu gudbin karo waxaa kamid ah;

  • Isticmaalka irbadaha horay loosoo isticmalay
  • Dhiiga ama dheecaanada kale ee bukaanka oo qofka aan bukaanka ahayn kataabta meelaha furan ee jirka.
  • Hooyada oo ilmaheeda ugu gudbisa uurka ama naas nuujinta

Sidee looga hortagi karaa cudurka aydhiska?

Ugu horayn cudurkaan waa laga hortagi karaa kahortaguna wuxuu aad uga fiican yahay daawaynta.

Hadaba si aad naftaada uga ilaalisid khatarta xanuunkan dilaaga ah samee  sidaan.

  • Kafogow isticmaalka irbadaha iyo sakiinta horay loosoo isticmaalay
  • Ha samayn galmo aadan iska hubin qofka aad la samaynaysid
  • Kafogow taabashada dhiigaga iyo dheecanaada Dadka kale
  • Isticmaal galoofis hadii aad qof dhaawaca ama jiran caawinaysid

Akhriso: Aqoon Badan Uyeelo Cudurada Galmada Lagu Kala Qaado (STDs)

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *