Ahmiyadda Caafimaad Ee Ganka Ama Faybarka Iyo Cunnooyinka Laga Helo

Faybarka waa nooc kamid ah nafaqada cunnada, kaasoo laga helo cunooyin kala duwan. Waa nafaqo u wanaagsan caafimaadka qabka dheefshiidka.

Cuntooyinku ay ku yaryihiin faybarka ayaan u wanaagsanayn dadka caadiga ah walow ay jiraan bukaano lagula taliyo inaysan badsan faybarka sida hadii buro kaaga taalo mindhicirada taasoo keentay inay dhuubmato ama yaraysay dhumacda daloolka ay cunadu marto ee mindhiciraha.

Faybarka ayaa faa’idooyin balaaran u leh joogtaynta caafimaadka jirka isagoo ka qayb kaata maaraynta xaalado kala duwan ee soo wajahi kara caafimaadka jirka, waxuu ka qayb qaataa caafimaad qabka dheefshiidka, sida kahortagga calool istaagga iyo ladaalanka boogaha ku dhasha caloosha iyo mindhicirada.

Faybarka ayaa sidoo kale kaalin muhiim ah ka ciyaari kontoroolka xadiga sonkorta ee ku dhex wareegaysa dhiiga, isagoo hoos u dhigaya burburinta iyo nuugida kaarboheydareytka iyo sonkorta. Faybarka ayaa la aaminsan yahay sidoo kale inuu u wanaagsan yahay caafimaadka wadnaha, waxaana cilmi baariyo la sameeyey ay isku raaceen in quudashada cunooyinka uu ku badan yahay faybarku ay hoos u dhigaan xayrta wadnaha iyo xidida fuusha.

Faa’idooyinka faybar uu leeyahay ayaa ka dhigaysa cunaadaan mid ay muhiim tahay in la qaato si lamid ah noocyada kale ee cuntada marka laga reebo xaalado kooban kuwaasoo ay dhakhaatiirtu ka joojiyaan ama ka yareeyaan bukaanada inay quutaan cunooyin uu ku badan yahay faybarku.

Cunnooyinku uu ku yaryahay faybarku ayaan ahayn kuwo kaligood loo baahan yahay in la quuto, waayo jirka ayaa u baahan inuu helo xadi ku haboon oo faybar ah maalin kasta. Waxaa kamid ah cunooyinka uu ku yarhaya faybarku, bariiska, baastada, hilibka, dufanta, cunooyinka ku jira daasadaha ee la qasaceeyay, ukunta, qudaarta la karkariyay iyo cunooyin kale.

Cunooyinkaan ayaa laga yaabaa in dhakhtarku kula taliyo bukaanada ka xanuunsanaya ama la jiifa xanuun soo wajahay uur kujirta, si loola dagaalamo nabarada ama qabatimada.

Bukaanada uu ku dhaco kansarka caloosha ama mindhicirada kuwaasoo aysan sahlanayn inay u saxaroodaan si joogta ah ayaa laga ilaaliyaa cunada uu ku badanyahay faybarka iyadoo looga gol leeyahay inaysan xirmin qayb kamid ah mindhicirada taasoo keeni karta xaalad ubaahan qaliin deg deg ah.

Cunnooyinka laga helo faybarka waxaa ka mid ah, qamadiga, digirta, misirta miraha chia seeds, koostada, baytaraafka, timirta, canuuniga, mooska, cambaha, cambaruudka, babaayga, afakaadhada iyo lawska.

Cunida cuno isku dheelitiran ayaa u wanaagsan guud ahaan caafimaad qabka jirka iyo maskaxda marka laga reebo xaaladaha kooban ee aan kor uga hadalnay.

-Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *