Wax Ka Ogow Faa’iidooyinka Laga Helo Cunista Fasuuliyada Ama Harakowga

harakowga, faasuuliyada, digirta,

Waxaa laga yaabaa inaad ka aaminsan tahay faasuuliyada ama harakoowga iney tahay cunno kamid ah cunnooyinka caadiga laakin waa cunno ay ka buuxdo faa’idooyin caafimaad, sida kor uqaadidda garashada iyo xusuusta, ilaalinta caafimaadka wadnaha iyo hagaajinta dheefshiidka.

Waa maxay faasuuliyad ama harakoow?

Waa nooc kamid ah noocyada digirta waxeyna u kala baxdaa noocyo kala duwan, faasuuliyada waa cunno can ka ah dunida oo idil, waxaa lagu amaanaa kala duwnaashaha iyo sida ay u fududahay in la beerto, harakoowga waxaa afka qalaad loo yaqaanaa Navy beans, sababtoo ah waxey cunno sugan u aheyd ciidamada badda ee Mareekanka, Ciidamaan waxey u aheyd cunno caafimaad leh oo isku dheelitiran.

Qiimaha nafaqada iyo borotiinka ku jira awgeed harakoowgu wuxuu cunna sugan u yahay dhaqamo badan, sidoo kale waa cunno aan dhuminin qiimaha nafaqada xitaa hadii la kaydiyo waqti dheer.

Faa’idooyinka caafimaadka ee faasuuliyada ama harakoowga

Xusuusta iyo garashada

Maadada Folate wuxuu fure nafaqo u yahay jirka, muhiimadda u uleeyahay jirka waxaa kamid ah ka hortaga cilladaha kuyimaada tuubada dareemaha iyo dhiigyari, waa maado si wanaagsan u saameysa habka dareemaha jirka. Hoos udhaca maadada Folate waxaa si toos loola xiriirayaa xanuunada sababo burburka maskaxda sida xanuunada Lalleemo iyo Asaasaq. Sidoo kale mid kamid ah B fitamiinada laga helo harakoowga ee loo yaqaano thiamin wuxuu caawiyaa kor uqaadidda qaar kamid ah fariimada neerfaha ee loogu talo galay xusuusta iyo garashada.

Caafimaadka wadnaha

Midowga maadooyinka folate iyo magnesium waxey ka kashaqeeyaan caafimaadka wadnaha, maadada magnesium waxey ka shaqeysaa yareynta cadaadiska iyo adeyga xididada dhiiga qaado, sidaa awgeed waxaa yaraanaya cadaadiska dhiig ee maraya xididada waana arin ka hortageysa wadna qabad iyo faalugga.

Ka hortagga Sonkoroowga

Cunnooyinka ay ku badan tahay maadada fiber ayaa waqti dheer lagu amaani jiray saameynta wanaagsan ay u leeyihiin qofka la nool xanuunka sonkoroow, harakoowga wuxuu xakameyaa heerka sonkorta kujirta dhiiga sidoo kale wuxuu kor uqaada nafaqada laga soo nuugo dheefshiidka. Faasuuliyada waxey isku dheelitirtaa heerka hormoonka insulin iyo heerka sonkorta dhiiga, waa cunno ka hortag ku sameyn karta xanuunka macaanka. Hadii aad la nooshahay xanuunkaan macaanka cunnadaan waxey ka qeyb qaadan kartaa maareynta astaamaha sonkoroowga.

Hagaajinta dheefshiidka

Sida aan soo xusnay harakoowga waxaa ka buuxa maadada fiber oo ah maado muhiim u ah caafimaad dheefshiidka, fiberka wuxuu culeys ka dhigaa saxarada si jirka uusan ugu dhicin colool fadhi iyo shuban. Sidoo kale fiberku wuxuu caadi ka dhigaa dhaqdhaqaaqa saxarada kedib kicinta habka dhaqaaqa socodsiinta cunnada ee Peristalsis. Cunno ay u dheelitiran tahay fiber waxey nadiifisaa xiidmaha waxeyna ka hortagtaa xaaladaha halista ah eek u yimaado habka dheefshiidka sida kansarka mindhiciraha waa weyn iyo boogaha caloosha.

Walxaha ka hortaga kansarka

Manganese waa macdan aadan inta badan maqlin laakin wuxuu ka qeyb qaate u yahay enzyme-yo ka hortaga walaxa loo yaqaano “free radicals” ee dhaawaca jirka ee kor uqaada halista kansarka iyo xanuunada raaga. Sidoo kale maadada copper waxey qeyb muhiim ah ka ciyaartaa kicinta qulqulka dhiiga, sidoo kale waxey kor u qaadaa dabacsanaanta kalagoysyada ayadoo yareyneysa cadaadiska wax dhaawici kara.

Korriimada iyo dayactirka jirka

Waxyaabaha lagu yaqaano harakoowga waa heerka sare ee borotiin ee laga helo cunnida harakoowga. Borotiinta waa waxyaabaha uu kasameysan yahay jirka, ka insaan ahaan waxaan u baahannahay xadi nagu filan si aan u dhisno ama u dayactirno unugyada, murqaha, lafaha, iyo xididada dhiiga iyo guud ahaan jirkeena. Borotiin wuxuu udub dhexaad u yahay hormarka jirka bani aadamka sidoo kale dayactirka meelaha dhaawacmay ee kamidka ah jirka. Waxaa laga helaa in kabadan 15 gram oo borotiin ah halki koob oo harakoow ah.

Wareega dhiiga oo fiicnaada

Dabcan qulqulka dhiiga oo fiicnaada waxey u wanaagsan tahay quudinta xubnaha kala duwan ee jirkeena iyo habsami usocodka shaqada jirka. Harakoowga waxaa laga helaa Iron oo ah birta uu dhiiga kasameysan yahay. Hadii aadan qaadan cabir kugu wanaagsan oo maadada birta ah, waxaa carqaladeysmaya qulqulka dhiigaa, waxaadna unuglaaneysaa dhiigyari, tabaryari, macdanta lafaha oo lunta iyo daal. Sidoo kale maadada copper waxey ka qeyb qaadataa sameyska Hemoglobin oo udub dhexaad u ah tayada qulqulka dhiiga. Harakoowga wuxuu nasiib wanaag leeyahay heerar sare oo labadaan maado ah.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *