Ahmiyadda Macdanta Zinc, Khatarta Haddii Ay Jidhka Ku Yaraato Iyo Cunnooyinka Qaniga Ku Ah

Zink waa macdan muhiim ah oo jirku uusan ka maarmi karin. Zinc waxa ku jirtaa lafaha, beerka, kilyaha, unugyada, nudeyaasha iyo dareereyaasha jirka. Si gaar ah, waxa ay ugu jirtaa manida ragga iyo qanjirka borosteytka.

Faaidooyinka macdanta zinc-ga:

  • Difaaca jirka ayay awood siisaa.
  • Caafimaadka uurka ayay sare u qaadaa
  • Koriimada caruurta iyo dhalinta ayay door weyn ka qaadataa
  • Caafimaadka qanjirka manida ragga ee borosteytka ayay ilaalisaa
  • Waxay wanaajisaa tirada iyo socodka shahwada ninka
  • Waxay la dagaallantaa infekshannada
  • Waxay caawisaa raysashada dhaawacyada
  • Waxay caawisaa daweynta findoobka
  • Caafimaadka timaha ayay kobcisaa
  • Caafimaadka aragga ayaa ay sare u qaadaa

Waxaa jira khataro waa wayn oo ka dhalan kara haddii macdantani ay jirka ku yaraato.

Sababaha keeni kara khatarta zinc yarida waxaa ka mid ah, jirka oo aan helin khudrad ku filan, cudurrada raaga ee beerka iyo kilyaha, xanuunada caloosha ku dhaco, sonkorowga iyo qaar kale oo badan.

Caruurta, dadka waayeelka ah, hooyooyinka uurka leh iyo kuwa nuujiya ayaa u nugul cillada zinc yarida.

Calaamadaha zinc yarida:

  • Difaaca jirka oo daciifa
  • Dhugmada oo hoos u dhacda
  • Timo daadasho
  • Shuban
  • Kacsi yari
  • Dhibco cadcad oo ciddiyaha ku samaysma
  • Amateet xumo
  • Xasuusta oo xumaata
  • Cillado aragga ah sida habeenisada iyo xanuunka macular degeneration
  • Lafaha oo jilca
  • Koriimo xumo

Cunnooyinka hodan ku macdanta zinc:

  • Hilibka xoolaha
  • Cunnada badda sida lohodka (oysters) iyo haleyga (shrimp)
  • miraha bocorka
  • Digirta iyo misirta
  • Miraha sisinta
  • Lawska
  • Miraha qoondarka flaxseeds
  • Kalluunka
  • Caanaha
  • Ukunta
  • Caanaha la fadhiisiyay ee yoghurt-ka
  • Hilibka digaaga
  • Koostada
  • Khudradda loo yaqaanno “mushroom-ka”
  • Ukunta

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *