Macdanta Magnesium: Waxtarkeeda, khatarta Hadii Ay Jirka Ku Yaraato Iyo Cunnooyinka…

macdanta magnesium,

Macdanta magnesium waxay aad muhiim ugu tahay habsami u shaqaynta jirka, waxay ka qeyb qaadataa samayska barootiinta, tarmidda unugyada, soo saarista tamarta, samaysanka iyo kobaca lafaha, kobcinta dheefsiga cunnada iyo nidaaminta heerka sonkorta dhiigga. Waxay kaloo gacan ka gaysataa xakamaynta cadaadiska dhiigga.

Magnesium waxay la shaqaysaa macdanaha kale ee jirka sida potassium, zinc iyo calcium si loo xoojiyo caafimaadka lafaha, murqaha iyo kilyaha.

Waxaa lagama maarmaan ah in qofku uu helo magnesium ku filan maalin kasta si looga hortago cudurada qaar sida cudurka xasuusta lumiya ee Alzheimer’s, sonkorowga iyo wadne xanuunka. Waxaa lagu taliyaa in qofku u qaato 400 mg oo macdanta magnesium ah maalintii.

Haddii heerka magnsium ee jirka uu hoos u dhaco waxaa ka dhalan kara cillada magnesium yarida taas oo keeni kartaa howlgabka insulin-ta, madax xanuun joogto ah, dhiigkar wadne xanuun iyo dhugmada oo qofka ku yaraata.

Waa kuwaan cunnooyinka hodanka ku ah macdanta magesium:

  • Shukulaatada madow:
  • Afakaadhada
  • Koostada
  • Lawska
  • Digirta madow
  • Mooska
  • Badarka sida qamadiga, heedda iyo boorashka
  • Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno “yoghurt-ka”
  • Kalluunka duxda leh sida salmon iyo mackerel
  • Miraha bocorka

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *