11 Xanuun Oo lagu Daaweeyo Biyaha Kaabajka Iyo Qaabka Loo Isticmaalo

Dadku badanaa waxay kaabajka u karsadaan khudrad ahaan, ansalaatana waa lagu darsadaa, laakiin weli ma maqashay cabitaanka biyaha kaabajka? Biyaha kaabajku waa cabitaan faa’ido weyn u leh caafimaadka kana hortagga xanuunno tiro badan.

Kaabajka waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista oo ay ugu horreyso maadada loo yaqaanno “Polyphenols” taas oo ka hortaggta dhaawaca ay unugyada jirka gaarsiiyaan waxa loo yaqaanno “free radicals” oo sababa cudurro halis ah sida kansarka iyo cudurrada wadnaha ku dhaca.

Kaabajku waa khudrad xambaarsan nafaqo kala duwan, sida fitamiin A, fitamiin B, fitamiin C, fitamiin K, folic acid, iyo fitamiin B6. Waxaa kaloo badan macdanta potassium waana sababta loogu daro liiska cunnooyinka la awoodi karo ee uroon kilyaha.

Qormadaan waxaan ku soo aruurinay faa’iidooyinka waa wayn ee laga helo cabitaanka kaabajka, waxayna kala yihiin:

Awood siinta difaaca jirka:

Kaabajka waxaa ku jira nafaqooyin aas-aasi ah oo kobciya caafimaadka guud. Cabbista koob cabitaanka kaabajka ah waxa uu caawisaa la dagaallanka jeermisyada waxayna ka hortagtaa infekshannada.

Caafimaadka beerka:

Waxaa kaabajka ku badan maado la yiraahdo “indole-3 carbonite” oo beerka ka caawiso sunsaarista islamarkaana sare u qaada caafimaadka beerka.

Ka hortagga kansarka:

Sida aan kor ku soo xusnay kaabajka waxaa ka buuxo maadooyinka sunsaarista kuwaas oo la dagaallama xiddiada xorta ah ee caafimaad ahaan loo yaqaanno “free radicals” sidaas darteed waxa uu ka hortaggaa cudurka kansarka.

Daawaynta boogaha caloosha:

Kaabajka waxaa ku badan maadooyinka “phytonutrients”, sidaas awgeed waxaa uu xoojiyaa adkeysiga xuubka caloosha ee weerrada aashitada. Tani waxay caawisaa daawaynta boogaha caloosha iyo kobcinta caafimaadka caloosha.

Caafimaadka maqaarka:

Cabbitaanka kaabajku wuxuu uroon yahay maqaarka, waxa uu ka hortagaa finanka iyo kor qallaylka. Kaabajka waxaa ku jira fitamiin K oo xoojiyo teedka dabiiciga ah ee maqaarka, isla markaana caawiya dedejinta bogsashada nabarrada iyo booga jirka soo gaara.

Xoojinta lafaha:

Kaabajku waxa uu adkeeyaa lafaha maadaama uu xambaarsan yahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin sida kalsiyaam, magnesium iyo potassium.

Sunsaarista jirka:

Cabbitaanka kaabajka oo la cabbo subaxdii caloosha oo maran waxa uu caloosha iyo beerkaba ka sifeeyaa sunta.

Sifeynta dhiigga:

Kaabajku waxa uu ka mid yahay cagaarka ugu badan ee laga helo walxaha jirka sunta ka saaro, waxa uu sunta ka nadiifiyaa dhiigga, waxaana uu ka hortagaa cilladaha dhiigga la xiriira sida dhiig karka.

Ka hortagga sonkorowga:

Kaabajka waxaa Alle ku abuuray walxo sonkorta hoos u dhiga, waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ay tahay inay ku dedaalaan dadka dhaxalka u leh sonkorowga si ay hortagaan cudurkaan.

Miisaan dhimista:

Cabbitaanka cabbage-ka waxa la aaminsan yahay inuu ka mid yahay cabitaannada ugu fiican ee la isku caateeyo, waxaa laga helaa nafaqo muhiim ah mana lahan dufan iyo kalooris dheeraad ah, waxa uu jirka ka sifeeyaa sunta waxaana uu si weyn u caawiyaa miisaan dhimista.

Xoojinta aragga:

Kaabajka waxaa ku jirta “beta-carotene” oo ilaalisa caafimaadka aragga. Biyaha kaabajka oo si joogto ah loo cabbo waxa ay ka hortag u tahay xanuunka xanuunka aragga lumiya ee loo yaqaanno macular degenaration, waxayna sare u qaadaa caafimaadka indhaha

Qaabka loo diyaariyo:

Kaabaj aad jarjartay iyo biyo isku dhig habeenkii si ay iskugu milmaan, kadibna subaxdii miir oo cab biyaha adigoo ku darsanayaa liin dhanaan.

Yaan loo ogolayn inay cabbaan biyaha kaabajka?

Kaabajka marka ceyriinka lagu cuno, waxaa ku jira walxo la yiraahdo “goitrogens” oo saamayn ku yeelan kara shaqada qanjirka thyroid-ka. Dadka qaba cilladaha qanjirka thyroid-ka ama halista u leh kansarka qanjirka thyroidka ku dhaca, waa inay ka dheeraadaan cabista biyaha kaabajka.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *