Wax Ka Ogow Cuntooyinka Daaweeya Kor Qallaylka

Waxyaabaha keeni kara in uu maqaarka jirku qalalo aad ayey u faro badanyihiin. Waxaay noqon kartaa xaalada jirka dibada uuga timid iyo mid jirka gudihiisa ka imanaysa. Waxay noqonkartaa mid la xiriirta xanuun, nafaqo daro, jawiga kala gadisan iyo isticmaalka waxyaabaha jirka lagu qurxiyo (cosmetics).

Qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa cuntooyinka yareeya kor qallaylka waxayna kala yihiin:

Biyaha:

Biyuhu waxay waraabiyaan, jilciyaan, nuuriyaan maqaarka. Waxaa la aaminsan yahay in biyuhu ka hortagaan duuduubka maqaarka waa daawo ka hortagta calaamadaha gabowga maqaarka.

Beerka ariga:

Waxaa ka buuxo fitamiin A,
Fitamiinkaan wuxuu caawiyaan daaweynta waxyeellada falaaraha UV ee cadceedu ay kaa gaarsiyaan maqaarka iyo cudurka sooriyeesis (psoriasis) oo ah cudur maqaarka ku dhaca kaas oo keena in maqaarka uu qolfo badan yeesho.

Babaayga:

Babaaygu wuxuu iftiimiyaa maqaarka, sababtuna waa tirada badan ee fitamin A-ga ku jiro iyo inuu ka shaqeysiiyo qanjirrada saliida soo daayo ee jirka.

Baradhada macaan:

Baradhada macaan waxay ka mid tahay ilaha ugu fiican ee laga helo fitamiin A, waxaa kaloo laga helaa dufanka omega 3, fitamiin E iyo maadada beta-carotene kuwaas oo yareeya khatarta cudurrada ku dhaca maqaarka iyo calaamadaha duqnimada.

Qaraha:

Boqolkiiba 92 qaruhu waa biyo, sidaa awgeed waxa uu jirka si gaar ah u geliyaa firfircooni iyo nolol wuxuuna ka hortagaa ingagga oo ah in biyuhu ay ku yaraadaan jirka maadaama oo jirku u baahan yahay biyo badan.

Miraha Kiwi:

Waxaa ka buuxo fitamiin C oo muhiim u ah caafimaadka ciridka, ilkaha, maqaarka wuxuu jirka ku caawiyaa inuu cuntada ka nuugo birta, wuxuu kaloo qeyb muhiim ka ciyaaraa raysashada ama bogsoshada nabraha iyo isu keenidda maqaarka, markuu qofka ku yaraado waxa ugu horreeya ee lagu fahmo waa cirridka oo dhiigo wuxuuna keenaa xanuunka Yiridka.

Miraha gabaldayaha (sunflower seeds):

Miraha gabaldayaha waxaa ku badan fitamiin E oo ka hortagaa dhibaatooyinka maqaarka ee ay keenaan fallaaraha UV ee qorraxda. Fitamiin E wuxuu caan ku yahay in uu sunta jirka ka hortago wuxuu caawiyaa samaysanka unugyada dhiigga cascas, wuxuu kaloo ku caawiyaa jirka inuu ka faa’idaysto fitamiin K-ga.

Saliidda qumbaha:

Waa saliid caafimaad leh jirkana way qoysaa, korka ayaad marsan kartaa, cabbista biyaha qumbuhu waxay yareeyaan qallaylka dubka.

Lowska:

Lowska wuxuu muhiim u yahay maqaarka, wuxuuna yareeyaa laalaabka maqaarka sababtuna waa fitamiinka C iyo E oo ka buuxo lawska, taasoo iyadane muhiim u ah qashin saarka. Waxaa kaloo ku jira dufanka Omega 3 oo yareeya hurka maqaarka.

Afakaadhada:

Afakaadhada waxa looga faa’iidaysan karaa in la mariyo wejiga iyo guud ahaan maqaarka oo ay u leedahay waxtar muuqda. Waxa ay maqaarka ka bi’isaa qallaylka, oo waa ay qoysaa. Waxaana ku jira maaddooyin soo celiya midabka dabiiciga ah ee maqaarka.

Marsashada oo keliya faa’iido uguma laha maqaarka, ee sida oo kale cunisteedu waxa ay maqaarka kala dagaallantaa coorcoorka iyo calaamadaha gabowga, waxayna jirka ka ilaalisaa dhaawac ka soo gaari kara fallaaraha qorraxda. Sababta ugu weynina waa Fitamiin E iyo maaddooyinka beta-Carotene iyo maaddooyinka kaleee lidka mariidka oo si weyn uga hortaga calaamadaha gabowga.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *