Jirka Qalalan Ama Kor Qallaylka Iyo Qaababka Looga Takhalusi Karo

jirka qalalan,

Jirka qalan waa cillad ay dad badan ka sheegtaan. Waxa ugu badan ee keena waa qanjirrada saliidda soo saaro ee loo yaqaanno “sebaceous glands” oo shaqada yareeya ama howlgab noqda, waxaa ku xigga isbadallada cimillada uu qofka ku nool yahay, sida dabaysha iyo qabowga siyaadada ah. Waxaa kaloo keeni kara waxyaabaha la isku qurxiyo iyo saabunaha la isticmaalo iyo xittaa dawooyinka qaarkood. 

Hadaba waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa habab dabiici oo loola dagaallamo jirka qalalan. Si akhri: 

Cab biyo badan: 

In maqaarka korka laga subkiyo kuma filna si looga takhaluso kor qallaylka. Waxaad u baahan tahay inaad cabto biyo badan maalin kasta. Biyuhu waxa ay unugyada jirka ka caawiyaan in ay is cusboonaysiiyaan. Sidaa awgeed ku dadaal in aad maalin kasta cabto ugu yaraan laba litir oo biyo ah. 

Isticmaal saliidaha dabiiciga ah: 

Saliidaha dhirta laga sameeyo ee dabiiciga ahi  sida saliida qumbaha, saliid saytuunta, saliida afkadhaadhada saliida lawska almonds, waxa ay ka mid yihiin duxaha ugu fiican dhaashiga, waxa ay jirka ka ilaaliyaan qallaylka iyo dildillaaca. 

Isticmaal dacarta: 

Waa dawo-guri fiican kor qallaylka waxa ay dux siisa maqaarka, waxayna ka ilaalisaa dhibaatada dabaysha. Jeelka dacarta mari wajiga iyo gacmaha adigoo u deynaya muddo 5 daqiiqo kadibna ka mayr. 

Isticmaal babaayga: 

Babaaygu wuxuu iftiimiyaa maqaarka, waxa uu hodan ku yahay fitamiinnada A, C iyo E, waxa uu ka  ka shaqeysiiyaa qanjirrada saliida soo daayo ee jirka. Sido oo kale, maadada “papain” ee ku jirta waxay kobcisaa dib u cusboonaysiinta unugyada. 

Burburi babaay bisil illaa uu cajiin ka noqonayo, mari jirka qalalan. U daa 15 daqiiqo kadibna ka mayr. 

Miraha afakaadhada: 

Afakaadhadu waxa ay maqaarka ka bi’isaa qallaylka, oo waa ay qoysaa. Waxaana ku jira maaddooyin soo celiya midabka dabiiciga ah ee maqaarka. Afakaadhada waxaa ka buuxa asiidho dux ah kuwaas oo qooya maqaarka. Sida oo kale, waxa kobcisaa soo saarista barootiinta “collagen”. 

Baaquli ku rid jeex afakaadho ah kadibna burburi illaa ay cajiin ka noqonayso. ku dar 2 qaado oo saliid saytuun ah kadibna mari maqaarka. Ka mayr 15 daqiiqo kadib. 

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *