10 Cudur Oo Lagula Tacaalo Midhaha Sabiibka Ee Biyaha Lagu Radiyay

Sabiibku waa midhaha canabka oo la qallajiyay, wuxuu yeeshaa dhowr midab sida dahabi, cagaar iyo madaw. 

Miraha sabiibku waxay qani ku yihiin sonkorta dabiiciga ah, fibre, xadiid, kaalsiyam iyo nafaqooyin kale oo muhiim ah. Wuxuu kordhiyaa tamarta, wuxuuna iftiimiyaa maqaarka iyo timaha. 

Mid ka mid ah hababka ugu fiican ee sabiibka loo isticmaali karo waa in biyo lagu dhigo kadibna la cuno biyihiisana la cabbo. Sidoo kale waxaa lagu darsadaa cabitaannada dabiiciga ah iyo ansalaatada, caanaha ayaa lagu karkarsadaa, waxaa kaloo lagu darsadaa burka laga sameeyo rootiga iwm.

Miraha sabiibku waxay caafimaad badan yihiin marka inta biyo lagu dhigo habeenkii kadibna subaxdii la cuno caloosha oo maran.

Sii akhri faa’iidooyinka caafimaad ee laga dhaxlo sabiibka biyaha lagu radiyay iyo cudurrada lagu daaweeyo: 

Daaweynta dhiig yarida: 

Midhaha sabiibka waxaa ku badan macdanta xadiidka sidaas darteed waxay caawiyaan daaweynta dhiig yarida, waxaa ku jira xadiid ku filan ka hortagga dhiig yarida. 

Wanaajinta aragga indhaha: 

Mirahaan waxaa ku jiro walxaha sunsaarista jirka u qaabilsan ee loo yaqaano “Antioxidants”, kuwaas oo siyaabo kala duwan jirka u caawiya. Maadada “phenolic phytonutrients waxay ka takhalustaa xididada xorta ah (free radicals) ee khatarta ku ah aragga indhaha. Sabiibku wuxuu ka hortagaa caadka indhaha fuula iyo cilladda “macular degeneration”. 

Xoojinta lafaha: 

Sabiibka waxaa ku badan macdanta kaalsiyam taas oo muhiim u ah lafaha, waxaa kaloo ku jira maaddo kale oo lagu yiraahdo “Boron”, oo muhiim uah korriimada lafaha iyo nuugista kaalsiyamta, wuxuuna ka hortag u yahay cudurka lafo burburka ee ku dhaca haweenka dhalmo-deyska ah. Waxay cunista sabiibku ay caawisaa kordhinta cufka lafaha iyo ka hortagga xubno xanuunka (arthritis) xanuunka loo yaqaano “Gout-ka” ee suulasha cagaha barariyo. 

Yareynta aashitada: 

Maadooyinka potassium iyo magnesium waxay jirka ka caawiyaan inuu iska saaro sunta iyo dheecaannada halista leh, waxay isku dheelitiraan heerka pH-ta jirka taas oo yareysa sunta dhiigga. Midhaha sabiibku waxay hoos u dhigaan aashitada badan ee caloosha ee keenta laab-jeexa iyo gaaska. 

Wanaajinta dheefshiidka: 

Sabiibka wuxuu qani ku yahay fibre oo caloosha socodsiiya, sabiibka biyaha lagu dhigay wuxuu u shaqeeya sida dawooyinka caloosha socodsiiya, isagoo ka hortag u ah calool istaagga. Waxaa loo baahan 1-12 xabbo sabiib ah in biyo lagu rido oo habeen ku radsanaado kadibna la sabiibka iyo biyihiisa subaxdii aroorta hore caloosha oo maran.

Xoojinta difaaca jirka:

Mirahaan waxaa ku jira dhammaan nafaqooyinka muhiimka ah sida fitamiin C iyo fitamiin B oo caawiya dhisidda heerka difaaca.

Sare u qaadista hamiga kacsiga: 

Waxaa la aaminsan yahay in sabiibku uu siyaadiyo rabitaanka galmada iyo xawaaraha shahwada. Meelo badanoo caalamka ka mid ahna waxaa la isku karkariyaa midhaha sabiib, caano iyo sacfaraan si loogula tacaalo hammi yarida. 

Kordhinta miisaanka qofka: 

Sabiibka wuxuu uroon yahay dadka caatada ah ee doonaya inay miisaankooda si dabiici ah kor ugu qaadaan, waxaa ku jira barootiin iyo fitamiinno caawiya koriimada murqaha. Noocyada sonkorta dabiiciga ah sida “frugtose” iyo “glucose” ee ku jira sabiibka waxaa laga helaa tamar badan. Sabiibka biyaha lagu radiyay wuxuu ka hortagaa tabar yarida wuxuuna kordhiyaa miisaanka.

Ka hortagga urta xun ee afka:

Midhaha sabiibku waxay la dagaallamaan bakteeriyada afka, waxayna ilaaliyaan nadaafadii afka., sidaas darteed baabi’iyaan urta afka.

Sidee loo isticmaalaa sabiibka biyaha lagu radiyay?

Sida ugu habboon ee loo isticmaalo sabiibka biyaha lagu radiyay si looga dheefsado faa’iidada caafimaad ee ugu badan waa in 8 illaa 10 xabbo oo sabiib ah lagu radiyo koob biyo ah habeenkii, Kadibna subaxdii la isku shiido kadibna la cabbo caloosha oo maran.

Sabiibka waxaa ku badan kalooriska sidaas darteed waa in si xaddidan loo isticmaalaa.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *