Xikmado Qaali Ah Oo Nolosha Ku Saabsan

xikmado qaali ah xikmado qaaliyaOraahyo iyo xikmado qaali ah 

1. Dad qaarkii waxay ka qeybgalaan aaska markuu qof ehel ah geeriyoodo iyagoo muujinaya qiiro iyo inay daneyn jireen, laakiin ma daryeeli jirin kamana warqabi jirin inti uu noolaa

2. Waxaa jira dad ku maqli kara adigoo ku hadlaya kumanaan eray hadana aan ku fahmeyn. Waxaa jira dad ku fahmaya adigoo xitaa aan hal eray ku hadlin.

3. Haddii aad ka cabsan jirtay kelinimada (cidlada). Hada ka cabso inay saaxiib kuu noqdaan dad xun.

4. Qof kasta qalad ayuu sameeyaa nolosha, laakiin taasi macnaheedu maaha inay naftooda u ciqaabaan. mararka qaar dad wanaagsan ayaa sameeya doorasho xun, micnaheedu maaha in ay xun yihiin. micnaheedu waa in ay bini’aadan yihin

5. Waxaa jira shan kelmadood muhiim ah nolosha. Caqiido, Jaceyl, Daacadnimo, Aaminaad iyo Xushmad. Haddii ay noloshaada ka maqan yihiin ku dhaqanka Kelmadahan wax badan baa kaa dhiman.

6. U isticmaal codkaaga naxariis, dhegahaaga wax kheyr leh inay maqlaan, gacmahaaga sadaqo, maskaxdaada runta, qalbigaaga jaceyl, jirkaaga oo dhan cibaado iyo Alle ka cabsi.

7. Xabsiga ugu weyn ay dadka ku noolaadaan, waa cabsida iyo ka welwelida waxa dadka kale ka aaminsan yihiin

8. Hadii aad iska hadasho wax badan waxaad ku celinaysaa wixi aad horay u taqaanay keliya. Laakiin haddii aad dhageysato, waxaad baraneysaa wax cusub.

9. Dad qaarkii waxay garanayaan magacaaga keliya, ma oga qisadaada. Waxay arki karaan dhoolacadeyntaada keliya, ma oga xanuunkaaga. Waxay la yaabaan aamuskaaga, ma oga waxa maskaxdaada ku guuxaya. Waxay aqrin karaan qoraal aad soo qortay laakiin ma oga waqtiga aad ku lumisay!

10. Waxaa jira laba nooc oo Daal ah. Mid waa daal aad hurdo iyo nashasho u baahan tahay. Midna waa daal aad Nabad iyo Nolol u baahan tahay. Soomaalidu waxaa haya daal ay u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.

Waxaa diyaariyay: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *