Xaqiiqooyin Ku Saabsan Dadka Afka Gaaban (Introverts) Oo Ay Tahay Inaad Ogaato

Dabciga af-gaabnidu (introversion) waa mid ka ah dabciyada Alle ku abuuray banii-aadamka balse dadka badoonkoodu ma yaqaaniin sida loo fahmo loolana dhaqmo dadka shakhsiyadaan leh. Marka loo barbardhigo dadka furfuran ee bulshaawiga ah (extroverts), dadka afka gaaban waxay ka helaan kelinnimada. Ma ahan inay neceb yihiin ama ay ka baqayaan dadka kale ama ay yihiin dad khajilaad badan balse marka ay keligood yihiin ayay helaan tamar badan, waxayna jecel fakarka sidaas darteed waxay u baahan yihiin meel degan ee aan buuqa lahayn.

Ma ahan dad khajilaad badan:

Maadaama ay yihiin dad aamus badan waxaa loo maleeyaa inay yihiin dad khajilaad badan. Dadka afka gaaban ma ahan dad khajilaad badan ama qabo cillada walwalka ee loo yaqaanno “social anxiety” ama ka cabsashada bulshada “social phobia” balse waa dad xiiseeyaa kalinimada.

Ma lahan saaxiibo badan:

Dadka afka gaaban ma ahan kuwo leh saaxiibo badan, waxay jecel yihiin inay lahaadaan tiro yar oo saaxiibo ah oo xiriirkoodu dhab yahay, daacadna ah. Dadka afka gaaban iyagaa doorta saaxiibadooda waxayna jecel yihiin dad dabcigooda fahmaya, wayna u hagar baxaan asxaabtooda.

Waa dad hal-abuur leh:

Dadka afka gaaban waa dad hal-abuur leh wuxuuna wax-soo-saarkoodu ugu badan yahay marka ay keligood yihiin sidaas darteed waxay jecel yihiin shaqooyinka la qabto markii keli la yahay sida farshaxanka, naqshad dejinta, xisaabinta, iyo wax qorista.

Kelinimada firfircooni ayay ka helaan:

Waxay firfircoon yihiin marka keligood yihiin waxayna dareemaan daal marka ay ku hareeraysan yihiin dad buuq badan. Dadka afka gaabana ma jecla fadhi ku diriirka iyo goobaha muusikada iyo buuqa badan. Dadka afka gaaban wey neceb yihiin goobaha ay bulshadu isku timaado ee sawaxanka badan sida xafladaha haddii lagu qasbana waxay ka soo laabtaan iyagoo dareemaya madax xanuun iyo isku-buuq.

Ma rabaan markasta inay keligood ahaadaan:

Inkastoo dadka leh dabciga af-gaabnidu ay u baahan yihiin waqti ay naftooda keliya la qaataan si ay tamartooda u soo ceshtaan, haddana taas macnaheedu ma ahan inay doonayaan xilli kasta inay keligood ahaadaan.

Dadka afka gaabani way ku raaxaystaan inay waqti la qaataan dadka ay si fiican isku garanayaan. Balse xittaa waqtiga ay la qaadaanayaan dadka ay aadka iskugu dhowyihiin iyo kuwa ay jecel yihiin waxaa hoos u dhaca tamartooda sidaas darteed waxay u baahan yihiin jawi xasiloon iyo inay bulshada ka dhex baxaan si ay tamartooda usoo ceshtaan.

Waa dad dhegeysiga ku fiican:

Waa dad jecel inay ku dhageystaan, wayna xiiseeyaan in aad u sheekeysid, waxay ka helaan wada sheekaysiga luxdan ee macno leh. Kama helaan sheekooyinka macno darrada ah. Haddii uu dhib ku haysto waa dadka ugu fiican ee aad kala sheekaysan kartid, sababtoo way ku dhegaysanayaan, talooyinka ay ku siinayaanna waa kuwo aad looga fakaray, arrintaadana lama wadaagayaan dad kale.

Ma ahan dad niyad jabsan:

Maadama ay yihiin dad hadal badnayn, kelinimadana jecel, waxaa lagu qaldaa inay yihiin dad isku-buuqsan ama xanaaqsan. Dadka dabciga af gaabnida leh marka ay ku daalaan dhexgalka bulshada gooni ayay u baxaan si ay u helaan tamar. Haddii aad tahay qof af gaaban waxaa dhici karta inaad xasuusato mar lagu oran jiray “maxaad qolka iskugu xiraysaa keligaa?” adigoo raba jawi degan iyo inaad naftaada keliya waqti la qaadato.

Dadka afka gaaban way la yaabaan marka ay ogaadaan in xiiseyntooda kelinimada loo fasirto inay yihiin dad kibir badan ama murugaysan.

Ma ahan dad kibir badan:

Dadka afka gaaban waxay noqon karaan kuwa aamusan oo xirxiran, wayna adag tahay in la fahmo waxa ay ka fakarayaan. Tani waxay keeni kartaa in loo arko inay yihiin dad isla wayn oo kibir badan.

Waxaa muhiim inaad fahamto in qofka afka gaabani uu u baahan yahay in marka hore uu si fiican kuu barto ka hor inta uusan kuu furfurmin. Waqti ayay u baahan tahay inaad isbarataan, kalsooni ay timaado islamarkaana uu kuu furfurmo qofka afka gaaban.

Ma ahan dad kalsooni darro ay hayso:

Khalad kale oo laga aaminsan yahay dadka leh dabciga af-gaabnida waa maadaama ay aamus badan yihiin in loo arko inay yihiin dad kalsooni darro ay hayso. Tani waxay dhibaato ku tahay caruurta leh dabciga af-gaabnida loo lagu qasbo dhexgalka bulshada iyadoo waalidku u maleenayaan inay xal u tahay caruurta oo ay u arkaan inay yihiin kuwa khajilaad badan oo bulshada ka baqaya.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *