Waxyaabo ku badbaadin kara Insha Allah

1. Gaari ayaad wadataa, cadceeda qoraxda aad bay u kulushahay, waxaad aragtay qof lugaynaya oo aad u dhididaya, Ha dhibsan, u fur albaabka oo sii dhowee – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

2. Waxaad bariis dhigtay meel ay shimbiruhu ka cuni karaan – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

3. Guriga ayaad ku soo noqotay adigoo daalan oo wada adeegi, Hooyo ayaa ku tiri, “Caanihi baad soo ilowday” ha dhibsan dheh “Haye Hooyo” hada ayaan doonayaa. Ducada ay kuu duceyso ayaa noqon karta mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

4. Waxaad aragtay gabar jirkeeda soo qaawisay qeybo ka mid ah, indhaha ayaad laabatay, dambi dhaaf ayaana dalbatay – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

5. Dhagax ama wasaq ayaad wadada ku aragtay waad ka leexisay – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

6. Cunto soo hartay ayaad siisay Bisado gaajeysan halki aad qashinka ku dari lahayd – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

7. Qof ayaa ku aflagaadeeyay ama kaa careysiiyay, waxaad rabtay inaad feer afka kaga dhufato, waad is celisay waadna cafisay – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

8. Waxaad aqrinaysaa Aayado Quraanka ka mid ah, Ilin ayaa ka soo qubatay indhahaaga – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

9. Waxaad Nalal ku xirtay gurigaaga hortiisa & dhinacyadiisa si ay dadka wadada maraya, kuwa salaada Cishe & subax u socda u iftiinsadaan – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

10. Waxaad galaas biyo qabow siisay shaqaale aad u haraadan oo saacado badan shaqeynayay – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

11. Waxaad ogaatay ficilo ceeb ah qof sameeyay, ma aadan faafin, naftaada keliya ayaadna ku xafiday – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

12. Waxaad aragtay dhalinyaro wax xun sameynaya oo Alle caasinaya, waad la istaagtay si aad Dacwa u siiso uguna nasteexayso – Waxay kuu noqon kartaa mid ku badbaadisa In Shaa Allaah

Ma garan karno camalka noqon kara mid noo hadla Maalinta Qiyaamaha! Sidaa darteed had & jeer samee camal kasta oo wanaagsan, hana yareysan.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *