Waxyaabo Ay Tahay In Haweeneydu Ay Samayso Marka Loo Galmoodo Kadib

Inta badan sababaha ay infekshannadu ugu dhacaan xubnaha taranka waa caadooyinka nadaafad darro ee ay haweenku raacaan. Maqaalkaan waxaan ku soo qaadanaynaa waxyaaabo ay muhiim tahay inaad samayso galmada kadib si aad uga hortagto infekshannada.

Sidoo kale waxaa jira waxyaabo gaar ah oo ay tahay inaadan marnaba samaynin maadaamaa ay kordhiyaan khatarta infekshannada, waxaana ku faahfaahin doonaa maqaalkaan dhexdiisa.

Waa kuwaan waxyaabaha ay tahay inaad samayso durba marka ay galmadu dhamaato. Ka faa’idaysi wacan.

Soo kaadi galmada Kadib:

Xilliga galmada, bakteeriyo ayaa ku dhalan karta cawrada, maadaama ay tahay meel huur ah oo qoyan. Waa bii’adda ugu fiican ee ay bakteeriyadu ku taranto. Kaadidu waxay nadiifinaysaa bakteeriyada.

Cab biyo badan:

Biyaha oo la cabbo galmada kadib waxay fuuq celinayaan jirka, waxay ka sifeeyaan sunta, waxayna soo nadiifinayaan bakteeriyada keenta infekshanka kaadi haysta oo ah caabuq ku dhaco xubnaha taranka ee haweenka, wuxuu saameeyaa farjiga, tubooyinka, minka iyo ugxan sidayaasha.
haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa madhalaysnimo iyo in ay howlgab noqdaan xubnahaas aan soo sheegnay.

Cun cuntooyinka qaniga ku ah probiotics-ka:

Waxaa jira qaar ka mid ah bakteeriyada oo nacfi u leh jirka, kana qeyb qaata hab-dhisyada jirka sida dheefshiidka. Probiotics waa bakteeriyada jirka faa’idada u leh. Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno “yoghurt” iyo kuwa ciirta ah waxaa laga helaa probiotics, sidaas darteed cunno fudud oo ku habboon galmada kadib taas oo caawinaysaa dib u soo celinta bakteeriyada wanaagsan kana hortagaysa caabuqa cabeebka.

Haku dhaqin saabuun:

Marnaba saabuun haku mayrin cawradaada galmada kadib sababtoo ah saabuuntu waxay faragelin ku samayn kartaa heerka pH ka, waxay keeni kartaa cun cun, qaleyl iyo infekshan.

Ha xiran kastuumo ama gorgorad aysan hawada ka gudbin karin:

Inta badan kastuumooyinka waxaa laga sameeyaa maadooyin aysan hawada ka gudbi sarin sida “nylon” ama “polyester”, galmada kadi boo la xirtana waxay abuuraysaa bii’aada ugu fiican ee jeermisku tarmo. Sidoo kale gorgorodda waxay ka samaysan tahay maadada Nylone-ka taas oo soo jiidda kulaylka iyo huurka, waxayna abuurtaa dhidid badan, hawadada kama gudubto waa saddexda shay oo u baahan yahay jeermiska fangaska caabuqa keeno oo loo yaqaanno “candida” inuu tarmo. Dumarka aan xiran gorgoradaha way ku yartahay xanuunka caabuqa ee fangaska keena.

Ha isticmaalin tirtireyaal qoyan:

Tirtireyaasha waxa ku jira kiimiko iyo carfiyeyaal kuwaas cuncun ku keeni kara aagga ferjiga, khaasatan haddii la isticmaalo galmada kadib. Waxaad ku dhaqi kartaa biyo cad oo diirran aaggaas.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *