Waxa Aad Sawirkan Ku Aragto Ayaa Sheegi Kara Nooca Hooggaamiye Ee Aad Noqon Lahayd?

Sawirradu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee siri kara indhaha, waxaa marar badan dhacda in shay aad garanaysaa uu sameeyo sawirka ama humaagga wax kale oo aad uga duwan.Haddaba waxaa jira dad iyagu ka shaqeeya humaaggaas ay maskaxdu sawiranayso iyo xaaladda nafsadeed ama dabeecadda qofka. Tusaale ahaan humaagga koowaad ee indhahaagu ka qaataan waxa ay arkayaan, ayaa ay uga tusaale qaataan sirta ku duugan shakhsiyadda qofka.

Sawirka hoose iyo qoraalkanba waxa aynu ka soo qaadannay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee ‘The Sun’ oo soo xiganaya Joornaalka ‘The Minds Journal’.

Marka koowaad ee aad sawirka eegtaba, waxaa kuu muuqanaya sawir aanu madow ku jirin, laakiin marka aad u sii fiirsato waxa aad arkaysaa in sawirku ka duwanaanayo kii aad qacdii koowaad aragtay. Haddaba wargeyska ‘Minds Journal’ waxa uu sheegayaa in sawirka aad marka koowaad aragtay uu yahay kan looga qiyaas qaadan karo qofka aad tahay.

1. Haddii aad aragtay lammaane da’ ah (Oday iyo Islaan)Waxa ay calaamad u tahay in aad tahay dadka abuur ahaan jecel in ay arrimaha si guud u qiimeeyaan oo aanay hoos ugu dhaadhicin tafaasiisha hoose, noloshooda qudheedana habkaas oo kale u maareeya. Waa tilmaam fiican oo qofku inta badan aanu isku dayeyn in uu ku dhaadhaco waxyaabaha macnadarrada ah, balse uu jecel yahay in uu sawirka guud uun ku xisaabtamo.

Waa qof istaraatijiya, kaalin aad u muhiim ahna ka ciyaara kaalmaha hoggaamineed ee maamulka, guushiisa waxyaabaha u sababta noqonayana waxaa ugu horreeya in uu yahay qof sawirka guud wada arkaya oo aan ku mashquulayn qayb iyo tafaasiil hoose, sida oo kalana aan waqti iyo maskax ku lumen hawlaha maamul ee fudud. Haddaba haddii aynu si kale u nidhaahno waxa aad ku habboontahay hoggaamin.

2. Saddex qof:

Marka aad muuqaalkan u fiirsato waxa aad arkaysaa in ay ku qarsoon yihiin saddex qof, waa soo horreeya oo is ag fadhiya iyo gabadh xagga dambe ka muuqata. Haddii aad ishii koowaadba saddexdaas qof wada aragtay, waxa ay calaamad u tahay in aad tahay shakhsi jecel waqtina geliya faahfaahinaha, hoosna ugu dhaadhaca arrimaha aad u yaryar ee laga yaabo in dadka kale aanay dhaadinba jiritaankooda.

Si dhow ayaa aad arrimaha ula socotaa, dhugmana ugu leedahay waxa hareerahaaga ka socda oo dhan. Waana ay adagtahay in arrimuhu kuu dhuuntaa, ama adiga oo aan dareemin ku dhaafaan. Maamul ahaan waxa aad ku fiicantahay qorshaynta arrimaha u baahan in tafaasiishooda hoose lagu daadago. Marka ay sidaas tahayna waxa aad tahay maamule fiican.

Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *