Liinta Iyo Waxtarkeeda

Midhaha liinta ee macaan-dhanaanka ah waxa ka buuxa fiitamiino muhiim u ah jidh caafimaad qaba oo la helo, Liin dhanaantu oo jidhka ka saarta qabowga waxay sidoo kale muhiim u tahay daaweynta cuduro badan oo nafsadda iyo jidhkaba ah Sharaabkeeda oo la qoosho ama iyadoo si waslad-waslad ah loo cuno, ama saliideeda cadariga ah oo la isku duugo, waxay daawo ka noqdaan cudurada soo socda Bararka ku yimaadda ruugaga iyo Canqowyada Liinta oo ay ku jirto maadada Valavonayd waxay gudaha u gashaa oo sida galka oo kale dusha ka dahaadhaa xididada taasoo u keenta xajmi iyo adkaysi iyadoo jidhkana ka saarta dufanka dheeraadka ah ee ku jira,

Liin dhanaanta oo dusha laga mariyo jidhka waxay joojisaa kaarka iyo xumadda jidhka ku timaadda marka qofku sameeyo tababar dheeraada iyo jimicsi ku cusub.

Waxay liintu daawo u tahay xanuunada dhiiga raaca iyadoo sidoo kalena adkaysi u samaysa halbowlayaasha , Liintu waxay yaraysaa deganaansho la’aanta iyo hurdo xumada qofka ku timaadda iyadoo door weyn ka qaadata hagaajinta marxaladda qofku ku sugan yahay.

Liin dhanaanta oo la isticmaalo waxay qofka ka dejisaa diiqadda iyadoo ku saacidaysa xiliga maalinabada ah oo dhan. culimada iyo baadhayaasha caalamiga ahi waxay maalinba ta xigta daahqaadayaan faa’iidooyin hor leh oo ay leedahay liintu iyo sidoo kale qaybaha iyo noocyada ay ka kooban tahay Liintuna waxay sii ahaan doontaa midhaha Fruit-ka ah ee macaan-dhanaanka ah oo ahmiyad weyn u leh qaybaha basharka aadamaha.

By: Deeqa Cali Saalax

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *