Psychologists waxay yiraahdeen…

1. Haddii qofku wax badan seexdo (iska hurdo), Waa qof murugo badan

2. Haddii qofku wax yar hadlo balse boobsiis u hadlo, Wuxuu xafidaa Sirta (Waa sir haye)

3. Haddii qofku cuntada u cuno si aan caadi ahayn, waa neerfooso.

4. Hadduu qofku waxyaabo yar yar ka oohiyaan, waa qof daacad ah oo qalbi jilicsan

5. Haddii qofku ka caroodo waxyaabo yar yar ama nacasnimo ah, wuxuu u baahan yahay Jaceyl.

6. Haddii qofku wax kastoo la weydiiyo si adag/qalafsan uga jawaabo is difaacana ku badan yahay, waxaa haya cuqdad nafsi & kalsooni daro.

7. Haddii qofka markuu faraxsan yahay aan hadalka joojin karin, markuu murugeysan yahayna aan eray oran karin, waa qof aan naftiisa kontorooli karin.

8. Keli ahaanshuhu waxay qofka ku sababtaa inuu qubeyska ku daaho, wax badan hurdo, aadna u fakiro

9. Haddii qof marki la amaano farxo, marki wax laga sheegana caroodo, waa qof remote-control dad kale u hayaan oo kolki ay rabaan bedeli karaan.

10. Inaan Xiriirka lagu murmin waxay ka dhigan tahay inuusan Xiiso jirin. Dadka aadka isu daneeyaa way murmaan marmar.

11. Haddii qofka dantiisa dadka uga dhigo dan guud, waa af-miinshaar (Turufatoore)

12. Haddii qofka markuu rabo inuu dadka wax u sheego yiraahda afkeena waa isku amaan ama dhaaro inaadan cid kale u sheegeen, waa Xan badane Shar ah

Kala Baro dabeecadaha dadka.

W/Q: Farah Cawaaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *