Noloshu Waxay I Bartay..!

-Waxaan bartay in jaamicadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa kaddib markaasaan wax barannaa.

-Waxaan bartay in hadal gaaban oo idin dhexmara qof xigmad badan, ama dood yar ay udhiganto bil duruusteed oo kale.

-Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.

-waxaan bartay inay qofka u-khayr-badan-tahay inuu ahaado Diin-diin kusocda dariiqa toosan, inta uu ahaan lahaa Deero kusocota dariiqa Khaladka ah.

-Waxaan bartay in furaha khasaaradu uuyahay in qofku uu isku dayo inuu raalli geliyo cidkasta.

-Waxaan bartay in Camalka wanaagsani uu aad uga fiican yahay hadal wanaagsan oo kaliya.

-Waxaan bartay inay badanyihiin dadka hela waanooyin badan, laakiin ay yaryihiin inta kudhaqantaa.

-Waxaan bartay in khasaaradu aysan ceeb ahayn, laakiin ay ceeb tahay in aan waxba latijaabin.

-Waxaan bartay in ay jiraan laba nooc oo dadka ah: a) Dad u-dabaalanaya meesha uu markabku taagan yahay, iyo b) Kuwa taagan oo sugaya in markabku uu iyaga xaggooda usoo dhaqaaqo.

-Waxaan bartay in qofku uusan hoogin haddii uu khasaaro, laakiin uu khasaaro marka uu joojiyo dadaalkiisa.

-Waxaan bartay in qofka guusha gaaraa uu yahay kan sabirka iyo dulqaadka badan.

-Waxaan bartay in hubka ugu weeyn ee qofku helaa uuyahay: Sabirka iyo Waqtiga.

-Waxaan bartay in ay lagama maarmaan tahay in qofku isku dayo inuu sameeyo camal gaarsiiya ilaa xiddigaha, laakiin uusan illoobin in lugihiisu ay dhulka joogaan.

-Waxaan bartay in marka aad qoslaysid uu adduunka oo-dhammi kula qoslayo, laakiin marka aad ooyaysid aysan kula ooyayn!.

-Waxaan bartay in farqi weeyni u-dhexeeyo tijaabinta badan iyo ka-quusashada.

-Waxaan bartay in geedkii miro-badani uuyahay kan dadku mar-walba hujuumo.

-Waxaan bartay in dareenka wanaagsani uuyahay kii naftaadu kuqanacsan-tahay adigoo-ogsoon waxa aad samaysay inay wanaag ahaayeen, adduunka oo-dhaniba hakugula colloobee.

-Waxaan bartay in wax-kasta oo aan u-aragno inay weeyn-yihiin oo adduunka yaal ay markii hore ku biloowdeen fikrad-yar, kana biloowdeen wax-yar.

WQ. Maxamed Axmed,

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *