Haddii Ay Kugu Adagtahay Xasuusashada Waxa Aad Akhrido Ama Barato, FULI QODOBADAN XASUUSTA XOOJIYA!

  1. Hore ma kuu soo martay in aad buug akhriday, oo markii aad dhammaysay aad dareentay sida in aanad weligaa akhriyin?
  2. Ma u diyaar garoobaysaa imtixaan adag oo xusuustu muhiim u tahay?
  3. Ma is aragtay adiga oo aan xasuusan Karin wax cusub oo aad baratay?

Haddii aad su’aalahan ‘HAA’ kaga jawaabi lahayd. Waxa aan kuu hayaa xal fudud ee ka bogo qoraalkan oo dhowr qaybood ka kooban:

Qoraaga Enrique Zamorano ayaa warbixin uu daabacay wargeyska ‘El Confidencial’ ee dalka Spain ka soo baxa, waxa uu ku sheegay in hal ama qodob keliya oo lagu celceliyaa ay tahay mid ka mid ah hababka ay dugsiyadu u maraan baraarujinta maskaxda ardayga iyo dhugmadiisa. Waxa aanu sheegay in ay tahay xeelad iyo hab aan la dhayalsan Karin waxtarkeeda, laakiin aanu macnuhu ahayn in ay tahay habka keliya ee jira.

Qoraagu waxa uu sheegay in xusuusta waxbarashadu ay ku xidhan tahay laba arrin oo muhiim ah;

  1. Waxa aad barato oo aad akhriskiisa iyo xusuustiisa ku celceliso si uu maskaxda ugu sawirmo.
  2. Iyo in waxa aad baranaysaa uu xidhiidh la leeyahay aqoontaada guud ee barashadan ka horaysay.

Fahamka waxa aynu baranayno iyo xusuustiisu waxa ay xooggan yihiin marka uu xidhiidh la leeyahay ama ina xasuusinayo waxyaabo kale oo aynu hore aqoonteenna guud ugu barannay, marka uu xidhidh la leeyahay qaybo nolosheenna ka mid ah ama marka ay unoo muuqato in aynu si fudud ugi dhiqi karno / dabbaqi karno nolosheenna caadiga ah.

KU CELCELINTU WAXA AY ADKAYSAA XOGTA

Thomas Oppong oo ka mid ah xeeldheereyaasha caanka ku ah hal-abuurro caawiya horumarinta nafta ayaa mar uu xusuusta macluumaadka ka hadlayey, waxa uu sheegay qofka doonaya in uu xog ama cilmi uu helay xusuustiisa ku xardho maskaxda, isla markaana aanu illaawin in ay ku filan tahay keliya in uu marar badan ku celceliyo xogtaas inta ay maskaxda degeyso. Waxa aanu ku taliyey in qofku waqti ku filin geliyo ka fikirka waxa uu doonayo in uu xasuustiisa dego.

Waxaa jira xeer ay xeeldheereyaasha xoojinta xusuusta iyo fahamku u bixiyeen ‘Xeerka 50/50’. Xeerkan oo ka mid ah xeeladaha ugu waxtarka badan ee xoojiya xasuusta, macnaha uu u taagan yahay waa in waqtiga aad doonayso in aad wax akhrido ama qaybto, kala badh ka mid ah in aad geliso barashada xogta, fahamkeeda oo xeeldheer, rogrogisteeda iyo falanqaynteeda, qaybisteeda iyo naqtiinkeeda. Kala badhka kalana aad geliso in waxa aad baratay ama akhriday aad dib u sharraxdo sida macallinka. Cid kale u sharrax ama adiga oo jilaya cid in aad arday barayso kelidaa mala-awaal cid kula joogta oo sharrax.

Tusaale ahaan Oppong waxa uu leeyahay, ‘In aad akhriska buugga hal mar is wada raaciso, waxaa ka fiican in aad qayb-qayb u akhrido, kaddibna inta aanad qaybta labaad u gudbin inaad aad isku daydo in aad dib u xasuusato wixii aad qaybtii hore ku soo akhriday. Sida ugu fiicanina waa afkaarta aasaaska u ah qaybtaas hore ee aad akhriday in aad la wadaagto ama uga sheekayso cid kale, haddii kale in aad qaadato warqad iyo qalin oo aad qorto qodobbada iyo afkaarta ugu muhiimsan ee aad qaybtaas ku baratay ama ku aragtay.

Si ay xusuustaadu u xoogeysato, waxa aad barato dadka kale sii bar ama falanqayn ku samee:

Thomas Oppong oo ka mid ah xeeldheereyaasha caanka ku ah hal-abuurro caawiya horumarinta nafta ayaa mar uu xusuusta macluumaadka ka hadlayey, waxa uu sheegay in ‘maskaxdu ay sida muruqyada kale, markasta oo dhaqdhaqaaqeeda iyo firfircoonideedu sii kordhaan in ay awooddeeduna korodho. Sidaas awgeed mar kasta oo jimicsigaaga iyo firfircoonidaada jidheed bataan waxaa kobcaya awoodda xusuusta iyo xafidista ee maskadaada.

Kumannaan sano ka hor ayaa ay dadku garteen in sida ugu fiican ee fahamka lagu xoojin karaa ay tahay waxa aad doonay in aad maskaxda ku shubto in aad cid kale u sharraxdo ama barto. Faylasuufkii weynaa ee Seneca ayaa isaguna aaminsanaa in mar kasta oo uu kordho waxa aynu dadka baraynaa, in waxa aynu barannayna uu intii hore ka sii kobcayo.
Seneca waxa uu sheegay in afkaarteenna meelmarkooda iyo weelayntoodu ay kobcayso marka aynu awoodno in aynu afkaarteenna dadka kale fahamsiin karno.

Sahamin lagu sameeyey sida ay waxbarista dadku kor ugu qaaddo xeeldheerida fahamka baraha, ayaa lagu ogaaday in ardaydu ay boqolkiiba 90 si xeeldheer u fahmaan waxa la baray, marka ay bare ku noqdaan ee ay u sharraxaan ama sii baraan cid kale. Waxaa iyaduna soo raacda marka uu ardaygu dhaqso ficil ahaan u dhaqangeliyo waxa uu bartay. Waana halka ay ku aroorayso aragtida Oppong ee sheegaysa in marka aad cid kale fahamsiiso ama u sharraxdo waxa aad ku fikirayso, akhriday ama baratay in aad si fiican u xasuusanayso.

Haddaba waxbaraista iyo gudbinta cilmiga oo sunnaha islaamka iyo sayniskuba ka marag kaceen in ay leedahay caafimaad nafsadeed iyo koboc maskaxeed ayaa ay khubaradu sheegayaan in ay sida oo kale dan dhinaca waxbarashada ah u tahay baraha, maadaama oo ay xoojiso awoodda xusuustiisa waxbarashada iyo faham xeeldheer oo uu u yeesho waxa uu soo bartay.

Qor waxa aad doonayso in aad xasuusato:

Xeeladaha xafidista ee ay bareyaashu sheegeen waxaa ka mid ah in ardaygu uu qoro wax kasta oo cusub oo uu barto. Thomas Oppong oo ka mid ah xeeldheereyaasha caanka ku ah hal-abuurro caawiya horumarinta nafta ayaa mar uu xusuusta macluumaadka ka hadlayey waxa uu sheegay, waxa aad baratay oo aad marar kala duwan qortaa in ay tahay hab aad ku sii xeeldheerayn karto fahamka aad waxaas u leedahay iyo in maskaxdu aanay illaawin xusuustiisa.

Talada ugu fiicani waa in aad mar kasta sidato diiwaan xusuus reeb oo aad ku qorto wax kasta oo kugu cusub, kaddibna marar dambe aad dhowr jeer sii qorto.

Cilmibaadhayaal badan ayaa sheegay in isticmaalka qalinka qoriga ah ee beensalka loo yaqaannaa uu xidhiidh weyn la leeyahay xusuusta, taas oo xitaa ka xoog badan qoraalka loo adeegsado qalinka nooca kale ah ama hababka kale ee qoraalka.
Waxaana taas shakiga ka saartay daraasad akademiya oo lagu tijaabiyey arday jaamacadeed. Ardaydan waxaa loo sheegay in ay wax daawadaan kaddibna habab kala duwan oo qoraal qalin beensal ahi ku jiro u qoraan waxa ay fahmaan. Markii dib laga waraystayna waxaa soo baxday in qofka qalin beensalka isticmaalay uu ka xusuus xoogganaa kuwa kale oo ay ku jiraan xitaa kuwa qalimaanta noocyada kale ah isticmaalay.

Arrinta xiisaha lihina waa in dadka isticmaalay kombiyuutarka iyo aaladaha la midka ahi ay ugu liiteen xusuusashada wixii ay barteen, iyada oo weliba ereyada iyo hadallada ay qoreen ay ka badnaayeen kuwa ay qoreen dadka gacanta isticmaalayey.
In hab sawiro ah qofku waxa uu barto ama akhriyo hab sawirro ah u rogo kaddibna qoraa waa xeeladda ugu awoodda badan ee maskaxda si adag ugu kaydinaysa waxa aynu baranno.

Wax kasta oo aad barato u samee hummaag iyo sawir kaddibna warqad iyo qalin ku sawir, waxa aad arki doontaa in aanay xasuustaadu dib u illaawin. Waayo xusuusta sawirrada ayaa ka awood badan xasuusta waxyaabaha qoran ama hadalka ah.

W/Q:-Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *