Odhaahyo Xikmadeysan Oo Ku Saabsan Isfahamka Ragga & Dumarka

– Jacaylku waa shaqada qofka bilaa camalka ah, iyo nasashada qofka shaqeeya.

– Qof aan sabir lahayn jacayl kama guul gaadho.

– Bariga gabadhu wejiga ayaa ay qarsataa, galbeedkana lugaha.

– Jacaylku waxa uu keliya ku noolaan karaa hadal cad oo aan waxba la isku qarin, taasina waa dhaqan aanay gabadhu jeclayn.

– Guurka iyo gabowguba ninka waa u edbin iyo anshax barid.

– Jacaylka kediska ahi waa ka ugu cimriga dheer.

– Waa ay adag tahay in aad jeclaato qof aad si fiican u wada taqaanno, waayo waxa la jeclaadaaba waa qofka intiisa qarsoon.

– Gabadha waxaa laga abuuray laf ninka ka mid ah; laakiin madaxa lagama soo saarin laftaas si aanay ninka u xukumin, lugihiisana lagama saarin si aanu ugu tuman, laakiin dhinaciisa ayaa laga saaray si ay markasta hareer taagnaato. Weliba gacmihiisa hoostooda si ay uga agdhowaato wadnihiisa si uu u jeclaado.

– Guurku lammaanaha hal qof ayuun baa uu isaga dhigaa, laakiin labadooda ka uu halkaa qof noqonayo ayaa ah sirta aan guurka ka hor la sii ogaan karin.

– Gabadha ninka hanataa waa ta in ay bakayle fulay ah ka dhigto, isagana mar kasta u sheegta in uu libaax yahay.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *